Sign in to follow this  
Xoogsade

Dagaalyahano Hubeysan oo la wareegay Degmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay.

Recommended Posts

Xoogsade   

Dagaalyahano Hubeysan oo la wareegay Degmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay.

 

 

Qansax Dheere, 17-Jan-2007@[buurhakaba Media] Sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay ***** Aadan Shaamshaam waxa uu sheegay in Kooxo Hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen Degmada Qansax Dheere.

 

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in indhawaalba ay ku sugnaayeen Dagaalyahano Hubeysan hareeraha Deegaankaas, waxa uuna tilmaamay in maamulkoodii uu isaga soo baxay degamadaas.

 

Dagaalyahanada gudaha usoo gashay Degmadaas ee la wareegtay ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwo aad u hubeysan, waxaana la xaqiijiyay in maalmahii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Deegaanada Gobolka Baay.

 

Deegaanka Iidaale ayay sidoo kale kooxda Al-shabaab gacanta ku dhigeen, waana ay isaga soo baxeen, waxaana lagu soo waramayaa in deegaankaas ay soo gaareen Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa ka tirsan Dowladda Federaalka oo Baydhabo ka soo ruuqaansaday.

 

Bilowgii bishan ayaa dagaal ka dhacay Deegaanka Raama Cadey ee Degmada Diinsoor waxaa isaga hor yimid Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Islaamiga ee Al-shabaab, waxaana dagaalkaas ku naf waayay labo ka tirsan Ciidamada Dowladda.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay saldhigyo ka dhigteen deegaano ka tirsan Gobolka Baay, oo xarun u ah Dowladda Federaalka.

 

Wadaadka lagu magacaabo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo isagu ka soo jeedaa Deegaanada Baay iyo Bakool ayaa sheegay in uu joogo meel ku dhow Magaalada Baydhabo, waxa uuna sheegtay in ay ka dambeeyaan dilalka ka dhaca Baydhabo ee lagu bartilmaameedsado Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia.

 

http://www.ruunkinet.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Xarakada Al-Islaax oo ku dhawaaqday in ay si rasmi ah ugu biirtay dagaalka lagula jiro Ciidamada Ethiopia.

Muqdisho, 17-Jan-2007@[buurhakaba Media] Xarakada Al-Islaax ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay doorteen hogaan cusub, isla markaana si rasmi ah ugu biiray kooxaha dagaalada kula jira Ciidamada Ethiopia ee jooga Somalia.

 

Mas'uul u hadlay urur diimeedka Al-Islaax ayaa sheegay in kadib markii ay arkeen xaalada dalka iyo meesha uu marayo uu ururkoodu go'aansaday in uu ka qeyb qaato dagaalka Jihaadka ah ee lagula jiro Ciidamada Ethiopia waa sida uu yiri.

 

Ururkan ayaa hogaan u doortay in lagu magacaabo Sheekh Cusmaan, waxa ayna sheegeen in ay gebi ahaanba ay bedeleen siyaasadihii lagu yaqiin ururka Al-Islaax.

 

"Dalka waxaa ka socda Dagaal Jihaad ah oo looga soo horjeedo cadawga Dalka Soomaaliya, anagana Mabaa'diideena waxa ay tahay in ay ka qeyb qaadano Dagaalka"ayuu yiri Sheekh Cusmaan oo ah Hogaanka Ururkaas.

 

Waxa uu wacad ku maray in dagaalka ay kala qeyb galayaan Ururada Al-shabaab iyo Maxkamadaha oo dagaalo ba'an kula jira Ethiopianka, si bey yiraahdeen ay uga qeyb qaataan xoreynta dalka.

 

http://www.ruunkinet.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this