Sign in to follow this  
Liqaye

Kenya: Baasaboorka Soomaaliga oo Fiise loo diidey

Recommended Posts

Liqaye   

Kenya: Baasaboorka Soomaaliga oo Fiise loo diidey

 

Axmed Maxamed-BBCSomali.Com

Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee Kenya oo magaciisa noogfu soo gaabshey Mr Chege ayaa BBC-da u sheegay inuu jiro amar dowladda ka soo baxey oo baasaboorada Soomaalida loogu diidayo Visaha ama dalkugal.

 

Waxa uu Mr Chege uu BBC-da u xaqiijiyey in dadka loo diidey soo galista dalka ay ku jiraan xataa kuwii horey loo siiyey visaha mararka badan lagu soo gali karo ee loo yaqaanno Multiple-ka.

 

Xaalka dadka deganaashaha heystey

 

Mar aan Mr Chege wax ka weydiiney dadka deganaashaha dalka ku leh ee wata baasaboorada Soomaaliga oo qaar lagu celshey garoomada dayuuradaha maalmihii na soo dhaafey, waxa uu Mr Chege ku jawaabey tafaasiil dheeraad ah ayaan soo saari doonna dhawaan.

 

Sarkaal kale oo ka tirsan Laanta Socdaalka ee Kenya oo diiday in magaciisa la sheego ayaa isaguna BBC-da u sheegey in dadka u shaqeeya hey'adaha samafalka ee deggan Kenya gudaheeda looga baahanyahay iney ogeysiiyaan xafiisyada ay la shaqeeyaan marka ay safrayaan, si xafiiskoodu uu u war galiyo Laanta Socdaalka.

 

Durbaba dad Somali ah oo ka yimi Soomaaliya iyo Yurub ayaa lagu qabtay gegeda diyaaradaha ee caalamiga ee loo yaqaan Jomo Kenyatta International Airport oo ku taal Nairobi sababtuna ay tahay inaan la ogalayn baasaboorada

Soomaaliga.

 

Waxa BBC-du ka warheshey in Khamiistiii dhowr qof oo Soomaali ah oo qaar u shaqeeyaan hey'ado caalamiya lagu xirey garoonka dayuuradaha ee Nairobi, ka dibna subaxnimadii Jimcaha loo qaadey xafiiska Laanta Socdaalka ee Nairobi.

 

Maxaa laga yeeli doonaa dadka xir-xiran?

 

Waxa kale oo wararku sheegayaan in dad kale oo Soomaali ah oo dhawaan iyagana lagu qabtey garoomada dayuuradaha ee Kenya loo masaafirin doono Soomaaliya.

 

Amarkan Laanta Socdaalka wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay boqolaal Soomaali ah ay ka qayb galayaan wada hadalada nabadda ee ka socda Nairobi, intaa waxaa dheer dad faro badan oo Soomaali ah oo ka ganacsada waddanka Kenya oo haysta baasboor Soomaali ah oo leh 'Multiple Visa' iyo Fisaha daganaanshaha Kenya oo arinkani saameyn doono

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this