Sign in to follow this  
Gabbal

The greatest desertion in Somali warlord history.

Recommended Posts

Gabbal   

Mid ka mid ah Saraakiisha Muuse Suudi ee degmada Balcad oo wata 11 gaari oo Tikniko ah oo maanta gaaray degmada Afgooye.

 

June 3, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia

 

Mid ka mid ah Saraakiisha dhinaca nabadgalyada ugu qaabilsanaa Muuse Suudi ee degmada Balcad oo ka gadooday maamulka Muuse Suudi ayaa gaaray degmada Afgooye.

 

Sargaalkaas oo lagu magacaabo Maxamuud Xuseen Gudbaaye ayaa ka soo horjeestay dagaalada ka soconaya inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad isagoo sheegay in dagaalkaas uu yahay mid aan sharci aheyn oo dhibaato u keenaya dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka ceel Carfiid iyo nawaaxigiis.

 

Maxamuud Xuseen Gudbaaye ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo fikirka uu aaminsan yahay Muuse Suudi ee dagaal wax ku doonka ah.

 

Taliye Gudbaaye oo wata 11 gaari oo Tikniko ah ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaas oo uu ku soo dhaweeyey guddoomiyaha nabadgalyada degmada Afgooye Xuseen Weheliye Cirfo.

 

Wararka ayaa sheegaya in Gudbaaye uu si weyn uga xumnaaday weerar shalay ay maleeshiyada Isbaheysiga argagaxisada u geystay Macallin Xaashi Maxamed oo ciidankiisa ay fariisin ku lahaayeen deegaanka Muuri ee agagaarka ceel Carfiid weerarkaas oo lagu dilay Toddoba ka mid ah maleeshiyada Macalin Xaashi oo ay jufa hoose yihiin Gudbaaye.

 

Talaabadan uu qaaday Gudbaaye ayaa dhabar jab ku ah wasiirka ganacsiga Muuse Suudi iyo guud ahaan Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada oo dagaala qaraar kula jira maxkamadaha Islaamiga iyadoo dhinaca kale maleeshiyo ku heyb ah Bootaan Ciise oo ka tirsan isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ay maanta iyagana gaareen magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Had it been about a certain brutal warlord, who occupies land uu shuqul ku lahayn, dadka saan safka usoo galay condemning other warlords, who do not even occupy others' lands, what would have they said? Jihaad? Halgan lagu difaaca the brutal warlord? Huuhaa iyo hiihii. :D:D

 

One calls him a "God-like..." The other cannot even admit he is a warlord at all.

 

Dadkaas ayaa hadlaayo, diintana inay ka hadlaan rabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^War heedhe Xuddur Axmaaradi maka kicisay? Mar waliba adigoo wax ku qusayn afka ku taagaye waa la arki jiree. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^^Maskiinku wuu wareersanyahay. Taageero xoogleh ayuu u haayay Mogadishu Warlords oo xitaa uu aflagaadeen ku sameeyay Gabdha Jalbaabka xiran oo diinta ku dhaqma nacayb uu u qabo Maxaakiimta Islaamiga awgeed.

 

 

Sxb, Maxaakiimta Islamiga ah ayaa lawareegay Mugadishu oo dhan, Maamul loo midaysanyahayn ayay ku dhawaaqi doonaan. Kanaxoo Nafta Waa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Had it been about a certain brutal warlord, who occupies land uu shuqul ku lahayn, dadka saan safka usoo galay condemning other warlords, who do not even occupy others' lands, what would have they said? Jihaad? Halgan lagu difaaca the brutal warlord? Huuhaa iyo hiihii.
:D:D

 

One calls him a "God-like..." The other cannot even admit he is a warlord at all.

 

Dadkaas ayaa hadlaayo, diintana inay ka hadlaan rabo.

Adiga anaaba kugu jihaadaayo, waana arki doontaa intaan 'Cargo' kugu dirno, oo aad adoo xirxiran Shiiq Shariif xafiiskiisa Muqdisho lagu geeyo, si Maxkamada Islaamiga ah ay kuu xukunto danbigaaga.

 

:D Baraf aa i marooyo casharka loo dhigay qabqablayaasha dartiis, and for MMA and JD, its time to listen the music against your sinful wishes!

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol, you are not helping the situation with these infintile threats. Like I said before no one has a monopoly on the faith.. The warlords are finished but the troubles are not yet over..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

MMA & Horn stop muddying the arguments. Significant events are taking place. So lets just get the news flowing and less on the clan talk.

I don't know meeshaa clan talk ka keentay, widaayoow. Runta lee u sheegaaye dadka qabiilka caabudo nooh, marna diinta isku qarinaayo.

 

This guy ayaa Xudur ila aaday, a town I had never been to, had never lived in, never intend to live either too. Hadduu Xamar ila aadi lahaa, haa, wax la kasi ayee ahaan lahayd nooh, maadaana ee tahay meeshaa kaliya aan aqaano oo aan ku dhashay aan meelna ugu bixin intii dagaalada ka dhaceen, oo aan xataa kaliya booqdo.

 

Mise Xudur iyo Xamar uu isku qaldoyaa, igaarka, maadaama uu isku dhex yaacay. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this