Sign in to follow this  
Cowke

Golis Brings Sahal Services To Las Canod. Pictures

Recommended Posts

Cowke   

Shirkaddaha isgaadhsiinta Golis iyo Telesom ayaa adeegyadda Zaad iyo Sahal si wadda jir ah uga furay magaaladda Laascaanood

 

Munaasibad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka shirkada isgaadhsiinta ee Golis iyoTelecom Laascaanood ayaa lagu qabtay magaalada laascanood ee xarunta gobolka sool kaasi oo lagu daah furaayey adeegyadda Zaad iyo Sahal.

 

Munaasibadan lagu daahfurayey adeega cusub oo dhowaan ay shirkada Golis soo kordhisey, kaasoo lagu magacaabo Sahal Service ayaa waxaa ka soo qayb galay Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, aqoonyahano iyodadweyne tiro badan.

 

Munaaisbada ayaa lagu soo bandhigay warbixino dhaadheer oo ku saabsan faa iidooyinka ay lee yihiin adeegyada ay labada shirkadood Waa TELESOM Iyo Golise soo kordhiyeen kuwaasi oo bulshadda u sahlaya sidii ay u kaydsan lahaayeen ama si sahala ugu diri lahaayeen lacagaha hadba meelaha ay rabaan.

 

Ugu Horayn waxaa Halkaasi ka hadlay.maamulaha Shirkada Golis Aadan cali nuur oo tilmaamay, in adeegani sahal ee dhowaan shirkada golis keentay, uu yahay adeeg casri ah hase ahaatee bulshada reer laasacnood iyagu hore uu usoo gaadhey Zaad adeegan oo badhtamihii sanadkii hore ay soo gaadhsiisey Shirkada Isgaadhsiinta Ee TELESOM, oo ka hawl Gasha, Guud ahaan Gobolada Iyo Tuulooyinka Waqooyiga Dalka Somalia,

 

Intaasi kadib waxaa madasha ka hadlay Gudoomiyaha shirkada Isgaadhsiinta TELESOM COMPANY qaybteeda Laascaanood, Cabdirisaaq Axmed warsame (dhabayaco) :D , oo ka war bixiyey adeegan casrigga ah iyo heerarkii ay soo mareen, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay ahayd shirkadii daah furtay in lacag mobailka lagu xawilo.

 

Agaasinaha Sahal ee Shirkadda Golis C/risaaq Maxamuud Axmed iyo Madaxa iibgeynta iyo Suuqgeynta shirkadda Teleson ahna hawl wadeenka Adeega Zaad C/raxmaan Axmed Soocadde ayaa labadoduba ka war bixiyey adeegyada Zaad iyo Sahal iyo adeegsigoodaba.

 

Labada masuul ee ka kala socdey shirkadaha golis iyo telesom waxay soo hadal qaadeen in la midayn doono labadda adeeg mustaqbal ka dhow lana samayn doono barnaamij ay lacag isugu diri karaan adegyada Zaad iyo Sahal ee mobile lada labada shirkadood lacaggaha laysku dhaafsado.

 

Dhinaca kale waxaa hadalka la wareegey dhinacyadii bulshadamadasha fadhiyey,waxaana halkaasi ka hadlay Axmed Maxamed kaarshe oo soo dhoweeyey adeegyada ay soo kordhiyeen shirkadaha Isgaadhsiinta ee Golis Iyo Telesom oo ah shirkadaha ugu waaweyn dalka somalia,

 

Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed, oo si aad ah u soo dhoweeyey, adeega ay shirkadaha Golis keentay iyo TELESOM waxaanu garaadku u rajeeyey inay halkaasi ka sii wadaan dadaalka ay bulshadda u hayaan.

 

Gaba Gabadii waxaa xaflada duco kusoo khatimay garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale Oo ka mid ah isimada gobolka Sool Islmarkaana sanadkii Hore lagaga caana shubay Magaalada Laascaanood.

 

Si kastaba ha ahaatee Munaasibadan, oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa kusoo dhamaatay jawi wanagsan oo farxad ka muuqato, waana markii ugu horeysey oo xaflad ay shirkadaha golis.telesom adeegyadooda ku soo bandhigeen lagu qabto magaalada laascaanood

 

2806.jpg

 

garaad%20ja.JPG

 

gaarad.JPG

 

talaso.JPG

 

golis.JPG

 

sad.JPG

 

sahal.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

cowke

 

indeed las anod is moving forward with these private companies bringing competetion and cheaper rates for residents. would you not agree :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this