Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dadweynaha Muqdisho oo Qatar ku tilmaamay in Maleeshiyadka dalka maamulaan(Ra'yi Uruu

Recommended Posts

Shirkadda ORB oo ay BBC-du u wakiilatay Uruurinta Ra’yiga dadka ku nool Soomaaliya eek u aaddan maleeshiyaadka dagaallada wada ayaa ku warrantay in dadka ku nool Muqdisho 71% (todobaatan iyo kow Boqolkiiba) ay ka soo horjeedaan in dalka ay xukumaan Maleeshiyaadka dagaallada wada sida Shabaab iyo kuwa Xisbul-Islaam.

 

Warbixintaan oo ay faafisay BBC-da ayaa lagu sheegay in dadka su’aalaha la weydiiyay ay Maleeshiyaadka u arkaan awood Qatar ah, ayagoo ciidamada Midowga Afrika ee Jooga dalka ku tilmaamay kuwa ka qeyb qaadan kara soo afjaridda dagaallada ka jira dalka.

 

ORB ayaa ku warrantay in kala bar dadka ku nool Magaalada Muqdisho 92% (sagaashan iyo laba boqolkiiba) aysan awoodin nolol maalmeedkooda ayadoo kala bar dadka magaaladu ay rumeysan yihiin in caalamku uusan jawaabtii habooneyd ee dalka Soomaaliya.

 

Cara Carter oo ka tirsan shirkadda ORB ee ra'yi uruurinta samaysay ayaa yiri/ tiri "Soomaalidu mar walba way niyad fiican yihiin, waa mid ku jirta dhaqankooda. Oo ku jirta dabiicinimadooda. Waxaan halkaas ra'yiga ka uruurinaynay ilaa sanadkii 2008, mar walbana way muuqanaysay niyad wanaaga aan leexleexad lahayn. Taas waxaan u tarjumi lahaa rajo, ku tilmaameen filid ama saadaalin."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this