Sign in to follow this  
Sophist

Suldaan Maxamed C/Qaadir Oo Loo Diiday In Uu Ka Dhoofo Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

Recommended Posts

Sophist   

Suldaan Maxamed C/Qaadir Oo Loo Diiday In Uu Ka Dhoofo Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

 

Hargaysa(Radiolascaanod) Khamiis, Jan 29, 2004 Suldaan Maxamed C/qaadir oo ka mid ah salaadiinta caanka ah ee beelaha ku dhaqan Waqooyi galbeed ayaa maanta ciidamada booliska ee maamulka labaxay Soomaaliland dib uga soo celiyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa isagoo doonayey in uu u duulo xajka sanadkaan.

 

Suldaan Maxamed C/qaadir ayaa markii uu tegay garoonka diyaaradaha loo sheegay in ay ka taallo garoonka warqad lagu amrayo in aanu ka bixi karin. Suldaanka ayaa hore u sheegay in uu ka qeybgalayo shirka dib u heshiisiinta waxa uuna ka mid ahaa wafuudda dowladda KMG ah ee sanadkaan xajka soo gudanaya.

 

Suldaan Maxamed C/qaadir oo kaliya ma ahan salaadiinta culeysku ka heysto maamulka Somaliland iyadoo xabsiga uu ku jiro Boqor Cismaan Ow Maxamud Buurmadow oo lagu eedeeyey sida maamulkaas sheegeen in uu ku dhaqaaqay falal ka dhan ah maamulkaas.

 

RadioLascaanod

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this