Sign in to follow this  
Jumatatu

Ethiopian troops due in Somalia next week ..!

Recommended Posts

Jumatatu   

Itoobiya oo ciidamo u soo direysa Soomaaliya todobaadka dambe

07, February 2005

 

Itoobiya(Sh.M.Network Online). dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa dhawaan in ciidamo ay u soo diraan Soomaaliya iyadoo qarashka ku baxaayo ciidamadasi ay iyagu iska bixinayaan inkastoo dalk Itoobiya uu sheegay in todobaadka soo socda ay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya.

 

arinta ciidanka loogu soo dirayo gudaha Soomaaliya ayaa timid kadib markii Golaha amaanka midowga Afrika kulan ay kaga hadlayeen arimaha ka jira dalka Togo oo ku aadanaa xilka madaxweynenimada uula wareegay fueri Eyadema oo ah wiilka uu dhalay madaxweynihii geeriyooday ee Toogo.

 

kulankaasi oo ka dhacay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ayay dalbadeen labada dal ee Kenya iyo Itoobiya in ajandaha shirkaasi lagu soo daro arimaha Soomaaliya iyadoo arintaasina laga ogolaaday.

 

labada dal ee Itoobiya iyo Kenya ayaa waxa ay ka dalbadeen shirka Golaha amaanka Midowga Afrika ee ka dhacay dalka Itoobiya in ciidamo loo diro Soomaaliya arintaasi oo golaha amaanka midowga Afrika ay sheegeen in aysan wax kharash ah u heynin ciidan loo diro Soomaaliya isla markaana aysan suuro gal aheyn xiligan in ciidan loo diro Soomaaliya.

 

hasayeeshee labadaasi dal ayaa waxa ay soo jeediyeen in qarashka ciidamdamadooda ku baxaya ay iyagu iska bixinayaan ciidamana ay u dirayaan Soomaaliya arintaasi oo laga ogolaaday Itobiya iyo Kenya hadiiba ay kharash ay ciidamo ugu diraan Soomaaliya ay haystaan.

 

ilo xoog ogaal ah oo shabakada warbaahinta shabelle u waramaya ayaa sheegay in dowladda itoobiya ay 7aadka soo socda ay dooneyso in ciidamadeeda ay soo galiso gudaha Soomaaliya iyadoo markaas aan wax go'aan ah ka sugeyn xildhi. baarl.FKMG oo arintaasi go'aankeeda laga sugayo in ciidamo loo soo diro Soomaaliya balse dowladda Itoobiya aya la sheegay in ay dooneyso oo kaliya mas'uul ka tirsan DFKMG ah oo saxiixa arintaasi.

 

waxaa warar la helay ay sheegayaan in 7aadkan madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed uu safar ku tagayo dalka Itoobiya iyadoo markaasi ay suuro gal tahay inuu saxiixo arinkaasi.

 

dhinaca kale ciidamada dalka Kenya ayaan iyagu la sheegin xiliga ay Kenya u soo direyso gudaha Soomaaliya.

 

Maalinta Jimcaha ayaa soo gaaridoono Soomaliya koox qiimeyn ku sameyn doono xaaladda ka hor inta aysan soo galin ciidamada IGAD.

 

arimahan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli wafuud ka tirsan DFKMG uu hogaaminayo gudoomiyaha Barl. Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku sugan yahay gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho iyadoo ay jiraan xubno kale oo ka tirsan xukuumadda oo sheegay in wafdigaasi ay iyaga iskood u tageen oo aan la ogeyn balse shalay golaha xukuumadda ay go'aamiyeen in wafdi kala duwan loo soo diro gobolada dalka Soomaaliya arintaasi oo ku saabsan halka ay dowladda dagidoonto

 

Shabelle Media Network, Adisababa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Who calls this truth? such detailed information with no references what so ever, not one Ethiopian or Somali source. Either its the usual Dayniile bull or they got some magical powers and can see the future. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this