Sign in to follow this  
Wiilo

Dowladda Somalia oo ku howlan in Somalia lagu daro dalka Ethiopia.

Recommended Posts

Wiilo   

SO THIS WAS THE PLAN? HUH.......MUNAAFIQIIN WAAXID.....

 

 

xuseen-ceydiid1.gif

 

 

Dowladda Somalia oo ku howlan in Somalia lagu daro dalka Ethiopia.

 

Mogadishu 02, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Dowladda Somalia ayaa sheegtay in ay sameyn doonaan qorshe lagu mideynayo dalalka Somalia iyo Ethiopia, iyadoo la baabi'inayo xuduudaha u dhaxeeya dalalkaasi, lana qaadanayo hal baasaboor, xilli kumanaan ka tirsan ciidamada Ethiopia ay joogaan gudaha Somalia.

 

 

Ing. Xuseen Ceydiid, Wasiirka arimaha gudaha

Ra'isulwasaare K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG ah ee Somalia, Xuseen Max'ed Ceydiid ayaa maanta markii ugu horeysay shaaciyay qorshe lagu damacsan yahay in lagu baabi'iyo soodimaha u dhaxeeya dalalka Somalia iyo Ethiopia oo sida uu muujiyay ay yihiin dalal walaalo ah oo wadaaga xuduud aad u dheer.

 

Ing. Xuseen Ceydiid ayaa hadalkani ka sheegay kulan ay maanta ku yeesheen Odayaasha beelaha Guurtida Soomaaliyeed xarunta Villa Somalia, oo looga hadlayay arimaha amniga iyo wada shaqeynta

 

" Ethiopia iyo Somalia waa dalal dhinaca siyaasadda saaxiibo ku ah, lehna xuduud 2 kun oo KM ah, loona baahan yahay in la baabi'iyo xuduudaaasi, lana sameeyo hal baasaboor, hal dhaqaale iyo hal ciidan" ayuu yiri Xuseen ceydiid oo mithaal ahaan u soo qaatey in dalalka Yuruba ay midoobeen markii ay dagaalameen.

 

Waxa uu ku celceliyay isla markaana uu ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed in la soo dhaweeyo ciidamada Ethiopia, isla markaana loo qalo xoolo.

 

Hadalka Xuseen Ceydiid ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan Mudanayaasha Muqdisho qaar ay soo bandhigeen, xilli maxkamadaha ay maamulayeen Muqdisho, Qariirad ay tilmaameen in laga helay xafiiska RW Geedi oo aheyd qaaradda Africa oo ka maqan Somalia, iyadoo dhulka Somaliana ay ku jirto magaca dowladda Ethiopia, inkastoo qariiradaasi jiritaankeeda uu beeniyay ra'isulwasaaraha Somalia Cali Max'ed Gheedi

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabelle Media Network Somalia

:D

 

On a serious note, Xuseen Aydeed has just killed of his political future. There will be no union with anyone other than Djibouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Che, I dont doubt that Xuseen said it, but that it is a governmetn plan is ludicrous. I for one will never support such a thing, like I said this is not a priority for any one least of all Ethiopia. nion with Somalia will make the population nearly 70% Muslim

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Alloow nabadbaadi!Union with Ethiopia!!

 

Xussen Caydiid oo Dalkii Soomaaliya sheegay in ay ku darayaan Itoobiya

Last Updated::2007-01-03 02:05:46

 

Muqdisho:- Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Somaliya Xussen Caydiid ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa carabka ku dhuftay Arrin ay horey uga wel welsanaayeen dad badan oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed.

 

Xussen Caydiid ayaa hadalka uu ku dhawaaqay ay tahay in ay Xukuumada uu ku jiro qorsheenayso in la tir tiro xuduudaha u dhaxeeya Somaliya iyo Itoobiya.

 

Xussen Caydiid ayaa intaasi raaciyey in labada dal loo sameenayo hal Basaboor iyo hal Ciidan.

 

Hadaladan naxdinta ku abuuray in badan oo kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayuu wasiirku ka jeediyey shir uu la yeeshay qaar kamid ah oday dhaqameedyada magaalada Muqdisho.

 

Hadaladan ayaa wuxuu Wasiirka Arrimaha Gudaha ku sheegay in labada dal ay yihiin kuwo walaalo ah isla markaana u midoobi karo sidii ay u midoobeen dalalka Yurub.

 

Balse hadaladan ayaa noqday kuwo waji madow u yeelay siyaasada dhabta ah ee Dowlada Federaalka, ayadoo aysan jirin wax jawaab rasmi ah oo kasoo baxay Hogaanka sare ee Xukuumada.

 

Hadaladan ayaa soo baxay wakhti ay dalka Somaliya gudihiisa ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya kuwa Dowlada Federaalka.

 

Dowlada Somaliya ayay siyaasadeed khatar ku jirta hadii ay dhab noqoto in qorshaha uu sheegay Xuseen Caydiid uu noqdo mid ay ku heshiisay DFKMG, taasi oo dhabar jab ku noqon karta dhamaan Shacabka Soomaaliyeed oo ah kuwo baahi weyn u qaba Dowlad iyo Nidaam, balse aan niyad u heyn in lagu daro dal kale oo ay taariikh dheer ka dhaxeyso.

 

xildhibaano_shirjaraaid_101206_5.jpg

 

Horey ayey u jirtay Qariirad ay soo bandhigeen xildhibaano ku sugan Muqdisho, qariiradaasi oo ay ku sheegeen in laga helay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayagoo tilmaamay in ay mas'uuliyiin DFKMG kamid ah qorsheenayaan in dalka Somaliya lagu daro dalka Itoobiya, isla markaana la tir tiro dhamaan astaamaha Qarankii Somaaliyeed.

 

Hadaba dadka siyaasada indha indheeya ayaa ku sheegay hadalada Xussen Caydiid kuwo dhaawac weyn ku ah DFKMG isla markaana shaki weyn abuuri doona xili ay dowlada ku guuleystay in ay gacanta ku dhigto inta badan dalka Soomaaliya ayadoo adeegsaneysa Awooda ciidanka Itoobiya.

 

Warkan uu sida dadban usoo saaray wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale lagu soo beegay xili la doonayo in hubka laga dhigo shacabka ayadoo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed uu Sadex maalmood u qabtay shacabka ku dhaqan caasimada.

 

Maanta ayaa la arkayey goobihii loogu talo galay in hubka lagu aruuriyo oo ah kuwo faaruq ah ayadoo aysan jirin Hal Ruux oo hubkiisa soo wareejiya.

http://horseednet.com/horseednet.php?id=5495

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Somalia oo ku howlan in Somalia lagu daro dalka Ethiopia.

 

No government on Earth has given its land to another government. The statement itself is a desperate one. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Xuseen Caydiid “Itoobiya iyo Soomaaliya waa walaalo oo aan kala Maarmin..

 

Ku xigeenka Ra’isul Wasaaraha ee koowaad ahna wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Max’ed Caydiid oo shalay la hadlayey Odoyaal iyo Waxgarad ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin kuwo Walaalo ah oo aan sinaba u kala maarmaarin, wixii haatan ka dambeeya ay xuduudahoodu yihiin kuwo isku furan.

 

“Waxaan dooneynaa in aan qaadano Baasaboorka Itoobiya, Lacagtooda iyo Dhaqaalahooda” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay soo dhaweeyaan Ciidamada Itoobiya oo ay u geeyaan waxay u baahan yihiin, waxa uu sheegay in Itoobiya ay ahayd Dowladdii ugu horeysay oo si wanaagsan ula dhaqanta qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana u ogolaatay in ay qaataan baasaboorkeed, “markaa wax aan ku diidno ma jiraan ee waa in aan is kaashanaa oo aan wada abuurnaa nolo dhameystiran” ayuu sii raaciyey Xuseen Caydiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Dowladda Somalia oo ku howlan in Somalia lagu daro dalka Ethiopia.

 

No government on Earth has given its land to another government. The statement itself is a desperate one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Can the TTG[Tigree Transition government]fool us! NO

 

 

Goobihii Dowladdu u cayintay in hubka la geeyo oo haawanaya..

 

Maalintii shalay ahayd ayay ahayd maalintii koowaad oo ay Dowladdu Sheegtay in shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ay hubkooda geeyaan dhowr goobood oo kala ah Villa Baydhabo, Dekeddii Hore iyo Deegaanka Dayniile, hase yeeshee ilaa iyo haatan ma jirto cid u hogaansan tahay amarkaasi oo socon doona mudo 3 maalmood ah, wixii ka dambeeyana ay Dowladdu in xoog hub ka dhigis lagu sameyn doono.

 

Aragtida shacabku ka bixiyeen qaabka hub ka dhigista ee Dowladdu dooneyso ayaa waxa ay ku tilmaameen mid ay Dowladdu ku deg degtay loona baahnaa in dhamaan gobalada Dalka mar qura hubka laga dhigo, maadaama Shacabka Soomaaliyeed aysan is aaminsaneyn, horeyna loogu kashifmay hub ka dhigis noocaan oo kale ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Somalia oo ku howlan in Somalia lagu daro dalka Ethiopia.

 

No government on Earth has given its land to another government. The statement itself is a desperate one.

 

PS: Hussain Aydeed will only lose his position with this type of nonsence.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Well this one did, they brought the enemy in our country, they divided the country by giving Somaliland the green light to become a separate a country of its own, so what do u say about that? You don't see all these...you see the situation in Yey's eyes, which is:

 

Ba'aa Allow yaa arka anoo Vila Somalia u hoyda? Wacadale ayaan ku maray inaan ragaygii amxaarada ahaa ee aynu isku wanaagsanayn aan u yeerto si ay wax igala qabato arintaas. !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

No government on Earth has given its land to another government. The statement itself is a desperate one.

You're in error. The TFG is a transitional government that cannot protect itself; it relies on Ethiopia. It was given a lease of life by Ethiopia. Since the TFG authorized Ethiopia to invade Somalia, it can also authorize to give Somalia's land to Ethiopia. Why not? Because it's a nationalist transitional government? Since when did a nationalist transitional government authorize its nemesis to invade its own country?

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think Husein Aideed was trying something else ,,,,, let's see bal intaynaan ku degdegin ,,, they can't say that now even if they planned

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this