Sign in to follow this  
General Duke

4000 troops complete training in Balidoogle.

Recommended Posts

Ra'isul wasaaraha Soomaaliya oo maanta kumanaan askari oo xoogga dalka ka trisan tababar ugu soo xiray dhabaah diyaaradaha Balli Doogle.

 

Ra'isul wasaaraha wadanka Soomaaliya Dr. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta tabarbar millatari ugusoo xiray dhabaha diyaaradaha Balli doogle kumanaan ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo in muddo ah halkaa ku tababar qaadanayay.

 

Ra'isul wasaaraha wadanka Soomaaliya Dr. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta tabarbar millatari ugusoo xiray dhabaha diyaaradaha Balli doogle kumanaan ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo in muddo ah halkaa ku tababar qaadanayay.

 

Ciidankan oo ka kooban 3 guuto kana tirsan ciidanka gaarka ah ee xoogga dalka SOomaaliyeed ayaa maanta oo jimco ah waxaa ay xaqiijiyeen in ay soo dhameysteen tababar millatari oo soconayay muddo laba bilood ah,halkaasoo ay cashararda ku bixinayeen macalimiin Soomaali iyo ajaanib isugu jira.

 

Dr. Cali maxamed Geeddii oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa ciidamada qalabka sida u sheegay in looga fadhiyo in ay kaalin weyn ku yeeshaan howlgalka la doonayo in amaan iyo degenaasho dhab ah lagula soo dabaalo dalka Soomaaliya kaddib muddo16 sanadood ah oo dalku uu fowdo ehel u ahaa.

 

Kadib soo xiritaankii tababarkan ayaa Ra'isul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu dib ugu laabtay xarunta ku meelgaarka ah ee dowladda Federalka Soomaaliya oo qiyaastii 240 kilomitir dhanka waqooyi galbeed kaga began xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay wasiir ku xigaha difaaca qaranka Soomaaliya Salaad Cali jeelle oo siaad ah ugu mahad celiyay macallimiinta Itoobiyaanka ah ee tababarka wax ka bixinayay,waxaana uu sheegay in Soomaaliya aanay marnaba ilaawidoonin kaalinta ay Itoobiya ka qaadatay xasilinta dalka Soomaaliya.

 

"Ciidamadani waxaa ay kaalin aad u weyn ku yeelan doonaan howsha baaxadda leh ee lagu adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho"ayuu yiri wasiir ku xigaha difaca qaranka Soomaaliyeed Salaad Cali Jelle.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qeybo ka mida ciidankii maanta tababarka loogu soo xiray Balli Dogle oo goor dhoweyt usoo dhaqaqay dhanka Muqdisho{breaking news}

 

Warar kudhow dhow saraakiisha dowladda federalka Soomaaliya ee xagga millatariga ayaa sheegaya in qeybo ka trisan ciidanka xoogga dalka oo maanta Tababar loogu soo xiray dhabaha diyaaradaha Balli doogle aygoor dhoweyt usoo dhaqaqeen dhanka magaalada Muqdisho.

 

Warar kudhow dhow saraakiisha dowladda federalka Soomaaliya ee xagga millatariga ayaa sheegaya in qeybo ka trisan ciidanka xoogga dalka oo maanta Tababar loogu soo xiray dhabaha diyaaradaha Balli doogle aygoor dhoweyt usoo dhaqaqeen dhanka magaalada Muqdisho.

 

Dad ku sugan agagaarka degmada ********* ayaa iyana u sheegay warqabadka shabakaddan carmooyin.com in ay arkayeen ciidamadan oo kasoo baxay xerada islamarkaana wadada dhanka Muqdisho usoo baxda cagta soo saaray.

 

Wararka laga helayo dhanka sarakiisha gaashandhiga dalka Soomaaliya aya sheegaya in ujeedada ciidamadani ay usoo dhaqaaqeen ay tahay in ay ciidanka midowga Afrika ee dalka Jooga kala qeyb qaataan howsha amaanka lagula soo dabalayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdosho oo wali kooxo qarandiid ahi ay ku fir firconyihiin.

 

Maanta ayaa markii uu tababarka soo xirayay waxaa uu ra'isul wasaraha Soomaaliya sheegay in ciidankani ay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda gali doonan gudashada waajibaad qaran oo lagu xqiijinayo amaanka magalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska warqabdka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:inf@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BALLI-DOOGLE: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray balli-doogle, tababrna u xirayo ciidammo...

Posted to the Web Mar 09, 14:23

 

 

Balli-doogle (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubno uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado ka hor soo gaaray Saldhigga Milateriga ee Ballidoogle, halkaasoo lagu wado in tababar loogu soo xiro galabta cidammo ka tirsan Dowladda oo halkaas tababarro ciidan ay u dhammaadeen.

 

Prof. Geeddi iyo wafdigiisa ayaa waxay ku soo gaareen Magaalada Baydhabo dhanka dhulka, waxaana lagu wadaa in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu tababarka u xiro ciidammadaan, waxaana la sheegay in ciidankaan algu wado inay noqdaan kuwo suga ammaanka Muqdisho.

 

Ciidammada Tababarka loo soo xirayo ayaa waxay gaarayaan tiro ahaan 3-kun oo Askari oo dhammaantoo la batay qaababka looga hortago nabad-galyo darrada iyo la dagaalanka Burcadda, waxaana lagu wadaa in tababarka marka loo soo xiro la soo geliyo Magaalada Muqdisho.

 

Wararka ka soo baxaya saraakiisha ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan ay noqon doonaan kuwo la shaqeeya Ciidammada Nabad ilaalin ahaanta loo keenay Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika iyo kuwa soo socda intaba.

 

Ciidammadaan ayaa sidoo kale la sheegay in la geyn doono Isgoysyada ku yaalla Muqdsiho si ay wax uga qabtaan ammaan xumada ka jirta Muqdisho iyo inay xakameeyaan kooxaha weerarada gaadmada ah ka geysta gudaha Magaalada Muqdisho ama madaafiicda ku tuura goobaha Muhimka ah iyo saldhiyada ciidammada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kumanaan ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta tababar loo soo xirey

Last Updated::2007-03-09 16:34:01

 

Muqdisho:- Kumanaan ka tirsan ciidamada DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa loo soo xirey tababar mudo uga socdey xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha hoose.

 

Ra'islawasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Max'ed Geedi ayaa si rasmi ah wuxuu tababarka ugu soo xirey ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay inay tahay 4 kun, kuwaasi oo laga kala geeyay gobolada dalka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada DFKMG ah.

 

Ra'islawasaare Cali Max'ed Geedi iyo xubno la socdey ayaa saaka magaalada Baydhabo waxay uga yimaadeen sidii ay tababarka ugu soo xiri lahaayeen ciidamadan, waxaana markii ay dhameystey amuurahaasi ay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo.

 

Cali Max'ed Geedi oo hadal u jeediyey ciidamadan tababarku mudada 2-da bilood ah u socday ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa la doonayo inay hantaan amaanka guud ee dalka, isagoo muujiyey sida uu ugu kalsoonyahay inay wax ka qaban doonaan xalinta wadanka.

 

Ra'islawasaare Geedi wuxuu carabka ku adkeeyey in Dawlada Federaalka ay si weyn isugu hawli doonto ururinta iyo isku dabaridka ciidamada xoogii dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa la isku haleyn doono.

 

Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka DFKMG ah Salaad Cali Jeelle oo isuguna hadal ka jeediyey munaasabadii tababarka ciidamadan loogu soo xirey ayaa ku nuuxnuuxsadey in ciidamadan ay si buuxda uga hawli gali doonaan magaalada Muqdisho, isagoo farta ku fiiqey inay la hawlgali doonaan ciidamada Midowga Afrika ee raacoodii ugu horeeyey ay yimaadeen dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisal wasaare Geedi oo tababar u soo xirey sedex guuto oo ciidamada dowlada federaalka ah.

 

March 9, 2007 Markacadeey

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ku dhowaad 4-kun oo ciidamada dowlada federaalka ah oo tababar ugu jirey xerada Bali Doogle ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa manta loo soo gabagabeeyay tababarkooda.

 

Prof: Cali Maxamed Geedi, ra'iisal wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa tababarka u xirey ciidamadan tababarka ku jirey, tan iyo markii dowlada federaalka ay soo gaartay magaalada Muqdisho.

 

Prof: Geedi oo markii hore socdaal dhulka ah ku yimid xerada Bali doogle, isaga oo markii uu tababarka u soo xiray ciidamadanna dib ugu laabtay Baydhabo.

 

Ra'iisal wasaare Geedi ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay in ay amaanka ka shaqeeyaan, dibna dalka ugu soo celiyaan kala dambeyntii iyo nidaamkii.

 

Wuxuu sheegay in in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan qorshe dowlada federaalka ay ugu talo gashay in lagu sugo amaanka dalka.

 

Salaad Cali Jeele, wasiir ku xigeenka dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed oo isna ka Hadley munaasabadii lagu soo gabagabeynayay tababarka ciidamada ayaa sheegay in ciidamada maanta tababarka loo soo gabo gabeeyay ay qeyb ka yihiin ciidamada dowladda KMG ah ee ku xareysan xerada Balli Doogle isla markaana tababarka ay siiyeen Macalimiin Ethiopian ah.

 

Waxa uu sheegay in ciidamadan ay dhowaan ka qeyb qaadan doonaan howl-galada amaanka waxa looga qabanayo.

 

Maxamed Cali

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this