Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Press Release from UDUB

Recommended Posts

Xisbiga Dimoqraadiga Ummada Bahooday

 

Xafiiska Siyaasada UDUB

 

Ref: Ex/xsu/25/09 Date 10/02/09

 

Ujeedo: warsaxaafadeed

 

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed

Yuusuf Yaasiin, ma aha mid laga raadin karo olole siyaasadeed. Waxa wax

lala yaabo ah in xildhibaan Cali Xasan Maxamud (Cali *********), ku

faafiyo saaxafada iyo Idaacadaha dibad yaalka ah ee loo samaystay in

ummada Somalailand lagu kala qaybiyo warar ka fog xaqiiqada iyo gooni isu

taga Somaliland.

 

Waxa shacabka reer Somaliland si marag ma doonta ah u wada og yahay

inaanay jirin cid kaga adag qaddiyadda gooni isu taaga Madaxweynaha iyo

madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

 

Qadiyada gooni isu taaga Somaliland waa go,aan shacabku u codeeyeen

aftidoodana ku dhiibteen, mana jirto cid ka noqon kartaa.

 

Waxan shacabka reer Somaliland u sheegaynaa inaanay ceebi ku jirin in la

yidhaahdo Somaliya waxa taladeeda qabtay dad aan wada hadli karo, cidna

uga habran mayno inaan qadiyada madax bannaanida Somaliland albaab kasta u

garaacno meel dheer iyo meel dhowba. Xilkaasina waa mid saaran cidda

shacabku u igmaday.

Mana jirto maanta qorshe miiska saran oo wada hadal dhex mara Somaliland

iyo Somaliya.

 

Waxan xildhibaanka u sheegayaa inaan qarannimo lagu dhisi karin tolla’ayda

uu wado,waxaanan kula talinayaa in uu Xisbiga Xagga dambe u fadhiisto oo

uu u muuqdo nin u hadlaya Xisbi Qaran oo la wada leeyahay, oo aan cid gaar

ihi lahayn.

 

 

Cumar Jaamac Faarax

Gudoomiyaha Siyaasada Xisbiga UDUB.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this