Sign in to follow this  
Jumatatu

Mogadishu People refuse Foreign troops...!

Recommended Posts

Jumatatu   

Goobaha dadku ku kulmaan ee Muqdisho oo ...........

 

Quote

Goobaha dadku ku kulmaan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dadku ay si weyn u hadal hayeen wareysigii uu madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu siiyey wargeyska Afka carabiga ku hadla ee Al-Xayaat ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, oo uu ku sheegay madaxweynuhu in Soomaaliya ay ku sugan yihiin dad badan oo argagixiso ah, uuna tegi doonin Muqdisho inta laga sugayo ammaanka, isaga oo dalbaday in ciidamo shisheeye oo Afrikaan ah dalka la keeno, waxeyna qaar ka tirsan waxgaradka reer Muqdisho ay ku tilmaameen hadalka ka soo yeeray C/llaahi Yuusuf mid niyad jab ku keenaya taageeradii shacabka reer Muqdisho ay u hayeen dowladda cusub, waxeyna qaar ka tirsan waxgaradkaasi tilmaameen in halkii ay ku sugayeen madaxweynuhu in uu dhayo boogihii shacabka ka dambaqanayey in u dhaqmayo sidda nin ciil qaba oo doonaya in caalamka uu ku beer dulucsado wax aanan jirin.....

“Waxaana u soo jeedinayaa madaxweynaha cusub in uu iska iloobo eray bixintii lagu bartay ee aheyd Soomaaliya argagixiso ayaa joogta, isla markaana uusan fara gashan urur diimeedyada Soomaaliya ka jira, waayo isaga ayaa madaxweyne u ah kii wadaad ah & kii aana aheynba, waana in uu ka fogaadaa dagaal diimeed waayo waxaa waaya-aragnimo noogu filan dagaalka mudada badan ka socday Aljeeriya & meela kale†ayuu yiri Daahir Max’ed Diirshe (Timo Jilic) oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdishoâ€.....“Madaxweynuhu shacabka uu madaxweynaha u yahay waxey ula dhaqmi doonaan hadba sida uu isagu ula dhaqmo, dadkuna ma ahan dadkii uu yiqiin C/llaahi ee waa dad heys dileene, wax badan uu garaadkoodu bislaaday, baahida dowladnimada ee aan qabno nama hoys geyn doonto in aan wax walba oo xun u sacaba tuno, wixii maslax Soomaaliyeed ee uu C/llaahi ku taliyo waan la qaadaneynaa haddiise xaalka C/llaahi u egyahay maahmaadii Soomaaliyeed ee aheyd “Gaalaa godka iigu jiree garweynta ii keena†ka qaadan meyno, waxaana kula talineynaa madaxweynuhu in uu iska ilaabo in uu meel mariyo firkad kasta oo uu isagu soo hindiso, halka uu leeyahay ciidan baa la geynayaana waa in lagala tashadaa dadka deegaan ahaan ka soo jeeda oo iyaga wax laga weydiiyaaâ€

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this