Sign in to follow this  
Gar-haye

First the tabliiq and now the farmers

Recommended Posts

Gar-haye   

9 Qof Rayid ah oo Gowracan oo laga helay meel Xaley Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ka guureen.

Beerdhiga 08.05.2008 15:30

 

Meydadka 9 Qod oo rayid ah oo Gowracan ayaa Saaka laga helay agagaarka Tuulooyinka Carmooley iyo Iidow oo hoos yimaada degmada ********* ee Gobolka Shabeelada Hoose, dadkaas oo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Xaley halkaa ku xasuuqeen.

 

Dadkan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya xasuUqa u geysteen, ayaa u badnaa Haween iyo dad Beeraley ah oo kag dhawaa wadada dhinacyadeeda.iyada oo xasuuqanina dhacey Xaley, wuxuuna ku soo aadaya xilli shaley Ciidanka Gumeysiga Itoobiya halkaa loogu geystay weerar xoogan oo khsaare badan gaarsiiyey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.

 

Dadka Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Xasuuqeen, ayaa sida ay ku waramaan qaa ka mid ah dadka deegaanka oo lala xariiyey waxa ay sheegeen in qaarkood ay Lugaha iyo Gacmaha ka xir xirnaayeen kana muqdeen raadkii Mindiyihii lagu Bireeyey, iyada oo dadka qoor kood isugu darey Bireys iyo Toogasho, oo loo maleynayo dhaawac ka dib in ay Bireeyeen.

 

Dadkan rayidka ah ee Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Xasuuqeeen ayaa waxa ku jira dad reer yimi ah oo meelo ka fog halka Ciidanka gumeysigu ka haleen ka yimid, kuwaas oo la aqoon waayey Meydadkooda.

 

Arintan ayaa ku soo aadeysa ka dib weerar xoogan oo khasaare lixaad leh u geystey Ciidanka Gumeysiga Itoobiya Shaley Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed, kula beegsadeen qeybo ka mid ah Gobolka shaabelada Hoose, weeraradaas oo isgu jirey Miinooyinka meelaha fog laga hago iyo mid toos ah, kaas ilo wareedyo lagu kalsooyahey ay sheegeen in Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ilaa 3 gaari oo ah Uraalo looga gubey. Sidoo kale tiro badan oo ciidamo ah waxyeelo xoogan oo dhamasho iyo dhaaacba leh soo gaareen.

 

Maaha markii ugu horeysay ee Ciidanka Gumeysiga Itoobiya xasuuq shacab oo kanoo kale ah u geysta dad shacab ah oo aan waxba galabsan, balse dhawaan ayey aheyd markii xasuuq shacab oo lagu qiyaasey 81 qof ka geysteen qeybo ka mid ah degmooyinka Heliwaa iyo yaaqshiida,arintaas oo ah aargoose ay kula dhaqaaqa shacabka marka khasaarooyin lixaad leh ka soo gaaraan weerarada xanuunka badan ee Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed la daba taagan yihiin habeen iyo maalinba, kulana beegsadaan meel walba oo ka mid ah ciidda Soomaaliya ee Gumeysiga ay ku joogaan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Ciidamada Ethiopia oo dad xoola dhaqato ah ku gowrcay degmada Walaweyne ee Gobolka Sh/Hoose

Submitted by wararka on Thu, 05/08/2008 - 12:00.

 

Muqdisho. 08. May .2008. (Sh.M.Network Ciidamada Ethiopianka ee shalay qaraxa ku qabsaday inta u dhaxeysa Yaaq biri weyne iyo ******** ayaa lagu soo waramayaa in ay gowraceen ilaa 9 qof oo rayid ah oo u badan dad xoola dhaqato ah iyadoo aan la garan ujeeda ay u gowraceen Ciidamada Ethiopia.

 

Wararka laga helayo degmada Walaweyne ayaa waxa ay tilmaamayaan in dadka ay gowraceen oo u badan dhaliyaro lagu arkay goobaha ay xalay Ciidamada Ethiopia ay isaga baxeen laga soo qaaday.

 

Gowraca dadkaan ayaa yimid ka dib markii shalay ciidamada Ethiopia oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo uu qarax xoogan ku qabsaday inta u dhaxeysa Yaaq biri weyne iyo Walaweyne islamarkaana Wax yeelo soo gaartay laba gawaari oo kuwa uuraalka ah iyadoo goobaha ciidamada Ethiopia ay ku gowraceen dadka rayidka ah lagu kala magacaabaa Camooleey iyo iido oo ka tirsan degmada Walaweyne.

 

Falkaan gowraca oo ka dhacay degmada Walaweyne ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey oo ka dhaca degmadaasi iyadoo dhawaan Ciidamada Ethiopia ay ku gowraceen Culamaa’udiin Tabliiq ah oo ku sugnaa gudaha Masjidka Alhidaaya ee Magaalada Muqdisho.

 

Somali shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Ciidamda gumeysiga oo 10 ruux oo Beereley ah ku gowracay deegaankaa Wala-Wayn ee Gobolka Sh/Hoose { 08 May 2008}

waxaa la daabacay Thu 08 May 2008 08: 47: 20

Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa dad rayid ah oo Xoolo dhaqaato ah waxa ay ku gowraceen deegaamada Camooleey iyo iido oo ka wada tirsan Degmada Wala-Wayn ee Gobolka Sh/Hoose,

halkasoo uu shalay ka dhacay dagaal ba'ani kaasoo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo kuwa gumeysiga Itoobiya,dadkan la gowracay ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay in ay kor u dhaafayaan 10 ruux oo ka tirsan dadka beeraleyda ah ee degan halkaasi.

 

 

Arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii shalay ciidamada gumeysiga lagu weeraray jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxeeysa Degmada Wala-Wayn iyo Yaaq-Bariwayne halkaasoo looga gubay ciidamada cadowgaa 3 gaari oo ah nooca loo yaqaano Uraalka,

 

 

Wararka aanu ka heleyno degaanka ay ka dhaceen dagaaladu ayaa xaqiijinaaya in uu ka soo gaaraay ciidamada gumeysiga jab lixaad leh isla markaasna ay uga halaagsameen gabi ahaanba ciidankii saarnaa gawaaridasi oo aysan jirin cid ka badbaaday.

 

 

Dadkan la gowracay ayaa u badnaa Haween, caruur iyo dad waayeel ah kana mid ahaa dadka Beeraleyda ah ee ka agdhawaa degaankaasi,goob joogayaal ku sugan Degmada Wala-Wayn oo ay la xiriirtay Shabakada Warbaahinta ee Dailypuntland ayaa sheegay in ciidamada gumeysigu ay ku carteen dadkii ka agdhawaa halkaasi ka dib markii ay basbeeleen 3ka mid ah gawaaridii ay wateen isla markaasna ay dhinteen tira aysan sheegin cadadkooda.

 

 

Falkaan naxdinta leh ee ka dhacay Deegaanka Wala-Wayn ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey oo ka dhaca degaankaasi iyadoo dhawaan Ciidamada gumeysiga Itoobiya ay ku gowraceen Culamaa’udiin Soomaaliyeed Masjidka Alhidaaya iyo xafada hiliwaa kuwaasoo kor u dhaafay 85 ruux oo la hely intooda bdan iyaga oo surka ka go'an ayna ka muuqato sawir aad looga fajaco .

 

 

Bile Rooble

 

 

 

 

Dailypuntland News Muqdisho

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this