Sign in to follow this  
General Duke

Paris: Somali leader and French counterpart agree on major issues

Recommended Posts

Paris: Madaxweynayaasha Soomaaliya & Faransiiska oo arimo isku afgartey.

6. maj 2008

 

04_81.jpg

 

Paris(AllPuntland)- Madaxweynayaasha Soomaaliya & Faransiiska ayaa wada hadalo qaatey Saacado badan ku qaatey Madaxtooyada looga taliyo dalka Faransiiska ,kulankaasi oo lugu soo qaaday arimo badan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo waayahaan booqanayay dalalka Reer Galbeedka & Qaarada Yurub ayaa kala hadlay Madaxweynaha Faransiiska ,arimaha Xiriirka labada oo si guud loo soo qaaday.

 

Madaxweyne Yuusuf wuxuu hordhigey Dhigiisa Paris in uu ku taageero ,dhaqaale ,Milateri & Siyaasad si dalka dagaaladu la dageen ee Soomaaliya looga saaro dhibaatada mudada uu ku jiray.

 

Md. Yuusuf wuxuu codsaday in ay Faransiisku qeyb weyn ka ciyaarto sidii Ciidamo ka socda Qaramada Midowbay loo geyn lahaa Soomaaliya kuwasoo badalaya ciidamada Dawladda Itoobiya & Kuwa Midowga Africa.

 

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ka codsaday Madaxweynaha Faransiiska sii wadada xiriir Saaxiibtinimo ee udhaxeeya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Xukuumada Faransiiska & Iskaashiga dawladnimo ee ka dhaxeeya.

 

Kulankaan labada Madaxweyne ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan ,isagoo Madaxweynaha Faransiisku balan ka qaaday Madaxweyne Yuusuf una sheegay in dhamaanba waxyaabaha ay ka wada hadleen uu si deg deg ah wax uga qabanayo.

 

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee Faransiisku waa tii ugu horeysay oo nooceeda ah kuna soo gaaro dalkan Faransiiska ,waxa ayna Booqashadan dawladda Soomaaliya ku soo biirisay arimo fara badan.

 

F.C.Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo la qaatay dhigiisa dalka France iyo masuuliyiin kale.{Waxyaabihii ay ka wada ahdleen oo faafaahsan}

 

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa weydiistay dowladda faransiiska taagero dhinaca ciidamada ah si Faransiisku uu gacan uga geysto nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya,iyadoo dhibaatada burcad badeedu ay ka mid ahayd waxyaabihii masuuliyintu ay kulamadoodii uga wada hadleen.

 

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Faransiiska ayaa kadib kulan uu laqaatay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in dowladda Faransiisku ay diyaar u tahay gacan in ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah burcad badeeda sila mida sida dalalka kale ee caalamku ay sameynayaan.

 

 

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Paris kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy, ayaa wariye yaasha u sheegay in uu weydiistay faransiiska ciidamo bada ah iyo kuwo kale oo dhulka la keeno ,si ay ugu biiraan howlgalka nabad radinta Soomaaliya.

 

 

Wasiirka arrimaha dibada dalka Faransiiska Kouchner,ayaa sheegay in dalkiisu uu horay u tababaray ciidamo gaaraya 2,000 oo askari oo Brundians ah kuwaasoo qeyb ka mida la keenay dalka Soomaaliya,hadana ay diyaar u yihiin in ay sii balaariyaan kaalintooda nabad raadinta Soomaaliya.

 

 

Mar ay saxafiyiintu weydiiyeen su’aal ku saabsanayd waxa ka jira war uu dhawaan qoray website Faransiisku leeyahay oo sheegaya in inta badan burcad badeeda ciidamada Faransiisku qabteen ay qoyskiisa ka tirsanyihiin ayaa madaxweynuhu waxaa uu ku jawaabay ”Gobalkayga Puntland ayay kasoo jeedaan oo keliya,laakin ma jirto qaraabanimo hoose”.

 

"Hadii aan isku qoys nahay iyo hadii kalaba cadaalada ayaan taageerayaa,waxaana ku faraxsanahay in dambiga ay galeen mudankiisa la marsiiyo”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay madaxweynaha jamhuuriyada federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Si kastaba Madaxweyne Yusuf iyo Dhigiisa Faransiiska Waxaay isku afgarteen kaalmooyin dhanka dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada wadan ee Somalia iyo Farance.

 

Xafiiska war qabadka sahbakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com,carmooyin@gmail.comor webmaster@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this