Sign in to follow this  
Kamaavi

Netanyahu oo bixiyey amarkii lagu diley sarkaalkii sare ee Xamaas

Recommended Posts

Kamaavi   

Raysul wasaaraha Yuhuuda Banjamin Netanyahu ayaa la sheegay in awalkii Bishii Janaayo uu bixiyey amarkii lagu khaarijiyey masuulkii sare ee XamaasMaxamuud Al-Maxbuub oo 20-kii bishii la soo dhaafay lagu diley Hoteel uu ka daganaa magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

 

Jariirada Times online ayaa qortay warbixin ay kaga waramayso kulan bishii Janaayo awalkeedii magaalada Telaviv ku dhex maray Netanyahu iyo Meir Dagan oo ah madaxa Sirdoonka Yuhuuda ee loo yaqaan Mosaad.

 

Kulankan ayay Jariiradu sheegtay inay goob joog ka ahaayeen (hit squad) raggi loogu tala galay inay falka fuliyaan.Warbixinta ayaa waxay kaloo sheegaysaa in Netanyahu si hoose loola socodsiinayey halka ay kolba hawshu mareyso.

 

Laanta sirdoonka ee Yuhuuda ayaa heshay xog ah in Maxamuud Al-maxbuub uu u socdaali doono magaalada Dubai iyagoo isla markiiba Dubai ku sii diyaariyey raggii khaarijin lahaa.

 

Warbixintu ayaa waxay kaloo xustay in raggan hawsha loo wakiishay ay qorshihii lagu dili lahaa Maxamuud Al-maxbuub ku diyaariyeen Hoteel ku yaala Telaviv.

 

Raggan dilka fuliyey ayaa ka koobnaa 11 ruux oo baasbooro Yurubiyaan ah oo kala gedisan wata waxayna kala ahaayeen 6 ingiriis ah 3 Irish ah 2 faransiis ah iyo 1 Germal ah, waxaynu warbixintu sheegtay in kuligood ay ka tirsanaayeen laanta sirdoonka ee Mosaad iyadoo baasboorada ay wateena ay ahaayeen kuwo faalsa ah.

 

Booliska ka dhaxeeya ee loo yaqaano Interpol ayaa amray in 11 ruux goob alaale goobtii lagu arko la soo xidho.

 

Arintan ayaa waxay fadeexo weyn ku noqotay dalalka Reer Yurub ee baasbooradooda loo isticmaalay dilka masuulkan sare ee Xamaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this