Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Golaha Cuqaasha Buuhoodle oo Kulan Xaasaasi ah Leh

Recommended Posts

Golaha Cuqaasha ee Buuhoodle ayaa waxa ay leeyihiin kulamo gooni gooni ah oo lagu doonayo in la isugu keeno dhamaan Cuqaasha & Nabadoonada Deegaanka Buuhoodle, waxaana la filayaa in kulamadaasi lagaga hadli doono Waxa laga yeelayo Kooxda isimada odayaasha isugu jirta ee Tukoraq fadhiisinka ka samaysatay & weliba in Kalsoonida lagala Noqdo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland xasan Daahir maxamuud oo Xilligii uu xafiiska joogi lahaaaba ay uga hadhay wax ka yar 200 habeen.

 

Golaha Cuqaasha ee Buuhoodle ayaa mudaba ka walaacsanaa khasaaraha ka dhashay Maamul xumada ay keentay madaxtooyada Puntland oo uu Deegaanada SSC u fadhiyo Madaxweyne xigeenka PL Xasan Daahir maxamuud, waxana ay sheegeen in xilligan la gaadhay in laga tashado metelaaddiisa, halka sidoo kalena ay isla soo qaadeen sidii guud ahaanba la isagaga iman lahaa marxaladda ay xilligan ku sugan tahay Puntland.

 

Golaha Cuqaasha oo ay ku jiraan xubno hawsha soo hayey muddo Nus qarni ka badan ayaa waxa ay si kulul u dhaliileen kooxda Isimada & odayaasha ah ee fadhiisinka ka samaystay Tuulada tukoraq ee Gobolka Sool, kooxdan oo ay ku sheegeen kuwo dayacaad badan ku keenay tashigii Beesha SSC.

 

Afhayeen codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa yidhi: Golaha cuqaashu waxay aaminsan yihiin in Kooxda Tukoraq ay yihiin koox danahooda gaarka ah ku mashquulay oo haba yaraatee aan habeena ka shaqaynin dan Umadeed, maadaama ay ku caan baxeen qaraaro aan miiska laga qaadin, xilli dad badani ay ku hallaynayeen mas'uuliyaddii dadweynaha & deegaankaba.

 

Kulanka balaadhan ee ay ku baaqeen golaha Cuqaasha Buuhoodle ayaa waxaa la filayaa inuu dhaco bilowga bisha Luuliyo ee soo beegan.

 

 

Buuhoodlemedia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this