Sign in to follow this  
Gabbal

Morgan o laga saaray Jubbada Hoose.

Recommended Posts

Gabbal   

Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ku Goob Jooga Firxadkii Ciidamada Moorgan Kana Soo Furtay Col:Cabdi Cigaal Iyo Weliba Ganacsade Caan Ka Ah Boosaaso Oo Gacanta Lagu Dhigay

 

Kadib Markii muddo 10 saacadood ah uu maalinimadii shalayto ka soconayay dagaal aad u kharaar Aaga tuulada huusingaw ayna maleeshiyooyinka isbahaysiga dooxada jubba gacanta ku dhigeen saldhigii Moorgan Ee huusingaw ayaa wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba ay ku raad joogaan Jeneraal moorgan iyo Haraadigii maleeshiyooyinkiisa oo u firxaday dhanka Degmada Dhoobleey.

 

Sidoo kale ciidamada isbahaysiga dooxada jubba ayaa ka soo furtay kuwa Moorgan Col: Cabdi Cigaal oo ka tirsan abaanduulka ciidamada oo ay gacanta ku dhigeen maalimadii Doraad markaas oo maleeshiyooyinka moorgan ay haleeleen sahan ka tirsan isbahaysiga dooxada jubba.

 

Kornaylka ayaa goordhaw soo gaaraya magaalada kismaayo iyadoo ay weheliyaan 19 ka mid ah maxaabiista dagaalka oo ubadan saraakiil caan ka ah maamul goboleedka Puntland oo uu ka mid yahay ganacsade Axmed Soomow oo kamid ah ragga ugu caansan magaalada boosaaso.

 

Warku waxaa intaa ku darayaa in ilaa iyo iminka ay isbahaysiga dooxada jubba gacanta ku dhigeen 13 baaburta dagaalka ah oo uu kujiro Gudoomiyaha ururka USC/SNA ahna gudoomiye ku xigeenka Afraad ee golaha samatobixinta qaranka soomaliya oo u khadka taleefanka ee nayroobi ugu waramayay Gedonet ayaa sheegay in uu dhacay dagaalkii Xiddigaha uuna soo afjarmay Moorgana laga saaray jubbad hoose waxaana uu intaa ku Daray Cusmaan Caato in Gen- Axmed warsame iyo Barre hiiraale ay ka qaybgali doonaan doorashada madaxwaynaha ee dhacaysa 22ka bishaan.

 

Nasteex Daahir

 

Gedonet, Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this