Sign in to follow this  
Wiilo

Mooshin tallaabo looga qaadayo Shariif Xasan oo toddobaadkan la hor geynayo Baarlamaa

Recommended Posts

Wiilo   

Mooshin tallaabo looga qaadayo Shariif Xasan oo toddobaadkan la hor geynayo Baarlamaanka

 

Shariif%20Xasan.jpg

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 14/01/07

 

Warar lagu kalsoon yahay oo ka imaanaya magaalada Baydhaba xarunta Dowladda Federaalka ayaa sheegaya inay halkaasi ka socdaan moohin la doonayo in la keeno Baarlamaanka, kaasoo ku saabsan in Baarlamaanku go'aan ka gaaro Guddoomiyahooda oo muddo ka badan laba bilood dibadda ku maqan, waxaana arrintan oo ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka la filayaa in toddobaadkan gudihiisa ay hor geyn doonaan kalfadhiga Baarlamaanka.

 

 

Xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa gaaraya in ka badan 50-Xildhibaan, kuwaasoo sida ay sheegeen wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ku eedeynaya in Guddoomiyuhu ku tuntay xilka Guddoomiyenimo ee Baarlamaanka, isla markaana uu ku kacay sharci ahaan tallaabooyin keeni kara in xilka laga xayuubiyo.

 

Dhinaca kale dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Xasan Sh. Aadan ayaa ku soo beegmay xilli uu ku sugan yahay dalka Jabuuti isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo waxyaabaha Guddoomiyaha lagu eedeynayo ay ka mid yihiin inuu si cad uga horjeedo Dowladda Federaalka iyo isbedeladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa badan ay kula wareegeen gacan ku heyntii kadib dagaalo ay la galeen Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

 

Jabriil Maxamuud Nuur

jabriil@journalist.com

Somaliweyn Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this