Sign in to follow this  
Hunguri

President Abdillahi Yusuf v Faysal Ali Waraabe

Recommended Posts

Hunguri   

Somaliweyn Media Center (SMC) Hargeysa 26/02/07

 

Cabdillaahi Yuusuf waxaan leeyahay xukunkaagu Xamar ku waari maayo, xaq darro ayaad ku timid xaqna waad ku tegi doontaa.” Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe..

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa si kulul u cambaareeyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Imbigaati Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo uu ku sheegay inaanay Somaliland ka go’I Karin Soomaaliya....

 

Md. Faysal Cali Waraabe, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, isaga oo daba socday waraysi ay BBC-du la yeelatay Cabdillaahi Yuusuf, waxa uu yidhi, “Cabdillaahi Yuusuf waxaan leeyahay xukunkaagu Xamar ku waari maayo, xaq darro ayaad ku timid xaqna waad ku tegi doontaa.”, waxaanu intaas ku daray, “Marka uu leeyahay Somaliland ma go’I karto, waa wax lagu qoslo waana hawo hadalkiisu. Waxaan leeyahay Somaliland iyo Soomaaliya way is yaqaanaan Cabdillaahi Yuusuf-na, Reer ahaan waanu isu naqaanaa ee waxba yaanu ku habsaamin Somaliland.”

 

Hadalka Cabdillaahi Yuusuf ee uu Faysal Cali Waraabe cambaareeyay

 

Waxa uu Cabdillaahi Yuusuf ku sheegay waraysi laga sii daayay habeen hore BBC-da waxaanu hadalkaas uu ku yidhi, “Anigan kula hadlaya waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay hal dal tahay oo mid ah. Puntland baan ka imid anigu. Puntland iyo Somaliland-na waa isa saaran yihiin oo waa deris waana isugu key mid aniga, Puntland-na ma go'i karto, Somaliland-na ma go'i karto, aniga ra'yigeyga weeye.

 

Ra'yiga dadka leh waa go'aynaa, haddee anigu waa maqlayaayoo, waa ujeedaa, waxayse ila tahay sharci iyo nidaam baa lagu go'i karaaye iska go' ma ahan oo khasab ma ahan. Dowladdaan maanta dhisanna kumana talogelin mana rabto in ay dagaal wax ku xallisee, waxay doonaysaa in arrinta Koofur ka socota marka ay xasiliso oo ay dejiso in ay Woqooyiga Soomaaliya dadka ku nool oo walaalahayaga ah ay wada hadal la furto, wax walbana waxaan jecelnahay in lagu dhammeeyo wada hadal iyo siyaasad, ee dagaal in wax lagu raadiyo iyo qori caaraddiis marnaba annagu dooni meyno.”

 

 

:D:D . Waar show kan Faysal Cali Waraabe maskaxba ma jirto. LoooL, ninku qabiil jecelaa smile.gif . Cisho dhawna wuxu odhanayaa Reer Guuleed waan is naqaanaa :D . Anyhow, he is one of the Golden leaders of S-land.

 

PS:-

 

Madaxwaynuhu looks more peacefull :D . Madaxwayne aad ayaad u saxsantahay. Laakiin sidii aan aniga iyo JBaro sheegnay. Dawladaadu waxay u baahantahay "Education". Sheekh Aadan Madoobe waligii school ma galin waana Speaker of the parlement :D . By the way, who is gonna post the CV of the President Abdullahi Yuusuf. Halkaa waxaan rabaa inaan ka arko Sheekhu inuu waxsoo bartay isagu iyo inuu Dugsiga Military-ga kusoo booday ;) . Any one will do that ???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this