Sign in to follow this  
General Duke

Walid Abdala getting desperate so much Djibouti process

Recommended Posts

Walad Cabdallah oo sheegay in Al Shabaab lala hadlo

September 19, 2009 filed under NEWS IN SOMALI   ·   Comments (0)

Horseed Media

Nairobi, Kenya

 

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ahmed Walad Cabdallah, ayaa sheegay in ay tahay wax loo baahan yahay in lala hadlo oo wadahadal lala galo kooxaha hubeysan ee dagaalada ka wada dalka Soomaaliya.

 

Walad Cabdallah ayaa sheegay in dhibaatooyin badan oo bini’aadamnimo ay ka jiraan dalka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in la helo nabadgelyo, asagoo cambaareeyey weerarada sii socda.

 

“…koox walba oo diyaar u ah nabad iyo wadahadal diyaar baanu u nahay…”ayuu yiri Walad Cabdallah oo sheegay in xataa kooxda AL Shabaab la hadlayaan hadii ay diyaar u yihiin.

 

 

Hadalka kasoo yeeray Walad Cabdallah ayaa imaanaya xili caalamka uu si weyn u dhaliiceeyey weerarkii Khamiistii lala beegsaday ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM, ee ku sugan Muqdisho.

 

Walad Cabdallaha ayaa asagu ah diblumaasigii ka danbeeyey, shirkii ka dhacay Jabuuti ee lagu wadahadal siinayey DFKMG iyo kooxdii Asmara ee uu hogaaminayey Madaxweynaha hada xilka haya ee Shiikh Shariif Axmed.

 

Inkastoo Shirkii Jabuuti ee lagu soo doortay Shiikh Shariif Axmed, lagu tilmaamay guul siyaasadeed oo uu qeyb weyn ku lahaa Walad Cabdallah, ayaa waxaa hada su’aalo la iska weydiinayaa sida uu ugu guuleysan karo wadahadal lala galo kooxaha mayilka adag ee ugu horeyso kooxda Al shabaab.

 

Horseed Media

 

Subscribe Now

Back to Top

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this