Sign in to follow this  
Som@li

URURKA AL-ISLAAX OO LACAG FARA BADAN GEEYAY SHIRKA NAIROBI SI AY UGA HORTAGAAN IN C/Y

Recommended Posts

Som@li   

URURKA AL-ISLAAX OO LACAG FARA BADAN GEEYAY SHIRKA NAIROBI SI AY UGA HORTAGAAN IN C/LLAAHI YUUSUF MADAXWEYNE LOO DOORTO

 

Somaliweyn.com ( Mogadishu 11/09/04 )

 

Ururka Al-Islaax oo ah mid ka mid ah urur diimeedyadii awooda badan ku lahaa Dowladdii C/qaasim ayaa lacag aad u fara badan geeyay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uga socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ujeedada ay ka leeyihiin lacagtaasi ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen in Col., C/llaahi Yuusuf loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Ururka ayaa dhowaan caddeeyay inuu taageersan yahay shirka, inkastoo uusan wax awood ah ku lahayn shirka, iyagoo horay gacan weyn uga geystay shirka Jabuuti kuna guuleystay inay Madaxweyne ka dhigaan musharaxii ay iyagu wateen oo ahaa C/qaasim Salaad Xasan, inkastoo aan la ogeyn cida ay iminka taageersan yihiin maadaama aysan sidii hore isku ahayn C/qaasim Salaad Xasan.

 

Afhayeen u hadlay ururka Al-Islaax ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin shirka dib u heshiisiinta kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Nairobi, waxayna ahayd markii ugu horeysay oo ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aadan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Somaliweyn Information Center.

Xarunta dhexe ee Wararka Soomaaliweyn.

Muqdisho Somalia.

somoginfo@somaliweyn.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this