Sign in to follow this  
Gabbal

Central regions swaying towards war in Bandiiradley.

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamo aad u fara badan oo katirsan Golaha Maxaakimta oo u ambabaxay dhanka Bandiiradleey.

 

 

Cadaado, 21-December-06 ( Qaadisiya.com) Ciidamo katirsan golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa u ambabaxay Dhanka Magaalada bandiiradleey si halkaasi ay uga galaan difaac adag kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in Ciidamada Tikreega ay doonayaan in ay weerar kaga Soo qaadaan Soomaalida Dhanka Magaaladaasi.

 

Ciidamadani oo aad u fara badan isla markana u dhan yahay saanadooda Militari ayaa iminka wada kusii jira iyagoo isku macasalaameeyay goob ay kaga sugnaayeen Gobolka Mudug.

 

Inta aysan Dhaqaaqin Mujaahidiintani ayaa waxaa Muxaadarooyin u jeediyay sheekh Aadan Xaashi Ceyrow iyo Mas'uuliyiin kale oo katirsan Culumaa'udiinka Soomaaliyeed, waxaana ay balan qaadeen Ciidamadaasi Mujaahidiinta ah in 2wax midkood ay ku adkeysanayaan kuwaasi oo kala ah GUUL ama GEERI si Diinta Islaamka Sharaftiisa aanan waxba loo gaarsiinin isla markaana dhulka Soomaalida uusan u noqon dhul ay gaalo gumeysato.

 

Keliya ma ahan halka ay ciidamada u dhaqaaqeen Bandiiradleey, waxaa jira in Ciidamada ay u kala ambabaxeen dhowr goobood oo la is dhih karo Cadowga Weerar ayuu kaga soo yahay Umadda Islaamka Soomaaliyeed.

Waxaa ka muuqatay Ciidamadani Farxad aad iyo aad u weyn iyagoo ku faraxsanaa in ay ku dagaalamayaan markii ugu horeysay Difaaca diintooda iyo dalkooda oo ah wadada keliya ee sida xaqqa ah loogu dagaalamo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Diyaarad Nooca Milatariga Ah Oo Maalintii Labaad Timid Garoonka Magaalada Gaalkacyo

Dec 20,2006

by Gaalkacyo-Gedo-NN

Garoonka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa shalay iyo maanta kasoo dagtay diyaarad xamuul ah oo nooca milatariga ah, diyaaradaas oo ahayd mid tuutaysan ayaa shalay waxay siday saraakiil sar-sare oo aan wali la ogayn wadanka iyo haybtooda midna.

 

Sidoo kale maanta ayay mar labaad diyaaradaasi kasoo dagtay garoonka magaalada Gaalkacyo waxayna diyaaradaasi dajisay hub isugu jira noocyo badan iyo rasaas kuwaasoo aad u tiro badnaa. Waxaana weheliya ciidamo milatari oo lasocday. Ciidamada ajnabiga ah oo lagu yiqiinay inay adeegsadaan gawaari kolonyo ah ayaa waxaa haatan si toos ah uga dagayaan maalmahaanba goroonka Magaalada Gaalkacyo.

 

Wali lama sheegin ciidamadaan iyo hubkaan waxa ay yihiin iyo wadanka ay kasocdaan,dadkuna waxay is-waydiinayaan wadanka ay ka yimaadeen. Waxay amuurtani ku soo beegmaysaa xili maalmihii ugu danbeey ay diyaarado milatari ka dagayaan meelo kamid ah Gobolka Gedo iyo dagaalo kharaar oo kasoconaya Goboka Bay.

 

Maxamed J Faarax-Gedo News Network Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this