Sign in to follow this  
General Duke

Adan Madobe passing laws with 100 mp'S

Recommended Posts

Baydhabo: Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku kala shiray Xarumaha ADC-da Iyo Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo...Warbixin Goobjoog..

 

17. december 2008

Baydhabo(AllPuntland)- Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo wada jooga gudaha Magaalada Baydhabo ayaa maanta ku kala shiray labo goobood oo aad iskugu dhaw sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo.

 

Labadan Fadhi ayaa midna uusan buuxsamin kooramkii loogu talagalay sida ay sheegayaan Warar Madax banaan ee ka imaanaya Magaalada Baydhabo.

 

Shirkii lugu qabtay xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee ADC-da, waxaa ka qeybgalay Xildhibaano gaaraya 103 Xildhibaan, balse Aaden Madoobe ayaa sheegay in ay fadhigaasi ka qeybgaleen 158, Laakiin wararka xaqiiqada ah ee ay sheegayaan Wariyaasha AllPuntland ee xaruntaasi joogey markaasna tiriyey Mudanayaashaasi, waxa ay sheegeen in ay dhamaayeen 103 Mudane baarlamaan.

 

Kulankii labaad oo isna ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Baydhabo, waxaa ka soo qeybgalay Mudanayaal baarlamaan oo gaaraya 102 Xildhibaan, taasna waxa ay cadeynaysaa in aysan labada kulan mid buuxsamin kooramkiisii, maadaama loo baahan yahay in ay fadhiyada baarlamaanku ku furmaan 130 wixii ka badan.

 

Mudanayaasha iskugu tagay ADC-da ayaa sheegay in ay ansixiyeen qodobadii lugu saxiixay Magaalada Jabuuti ee heshiiska ahaa, balse waxaa taasi diiday qaar ka mid ah Sharciyaqaanada Soomaaliya iyo baarlamaanka Soomaaliya.

 

Aaden Madoobe ayaa cod gacan taag ah kaga dhawaaqay gudaha ADC-da Baydhabo, ayadoo aysan xarunta joogin Mudanayaal baarlamaan oo uusan ku furmi Karin kooramka fadhigaasi.

 

Wariyaha AllPuntland ee fadhiga joogay ayaa sheegay in uu Aaden Madoobe ka sheegay halkaasi, hadalo kala duwan oo ay ka muuqanayeen in uu dhinac ka yahay khilaafaadyada Sharciyeed ee ka taagan Magaalada Baydhabo.

 

“ Anaga hadii uu beri imaan waayo C/laahi Yuusuf talaabo ayaan ka qaadaynaa” Ayaa ka mid ahaa hadaladii gudoomiyaha baarlamaanku ka jeediyey Magaalada Baydhabo, taasoo aad uga careysiisay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ayana ku shirayay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

 

Mudanayaashii ku kulmay ADC-da ayaa umuuqanayay kuwa doonaya in ay iskugu yimaadaan kulan kale maalinta beri ah, ayna kaga dhawaaqaan in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha dalka Soomaaliya, inkastoo ay Xildhibaanada qaarkood ay halkaasi ka sheegeen in aysan tirada baarlamaanka ansaxeyn go’aankaasi, maadaama loo baahan yahay in Mooshinkaasi ku guuleysto codad dhan 189 cod, balse tirada ADC-da hada joogta ee taageersan Raysalwasaarihii hore iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo maalmihii ugu dambeeyey lugu eedaynayay in uu dhinac ujeestay ayaan dhameyn.

 

Dhinaca kalena Mudanayaashii baarlamaanka Soomaaliya ee ku kulmay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayay gudaha Magaalada Baydhabo, waxa ayna cambaareeyeen talaabadii uu qaaday Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Aaden Madoobe ee uu dhawaan kaga dhawaaqay Saxaafada in la meelmariyey Xukuumad aan cod loo qaadin.

 

Xildhibaanadii hadlay waxaa ka mid ah Xildhibaan Caraale wuxuu si toos ah ugu eedeeyey Gudoomiyaha baarlamaanku in uu ku tuntay Axdiga udagsan dawladda Soomaaliya iyo Xeer hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya, markaasna aysan ka qeybgaleyn kulamada ADC-da, hadii aan la saxin oo aan dib loo soo celin nidaamkii ay ku kulmi jireen baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo ka hadlay isla kulankaan ayaa sheegay in aysan wax wanaagsan aheyn in lugu tunto Axdiga dawladda Soomaaliyeed, wuxuuna sharci daro ku sheegay talaabadii uuqaaday Aaden Madoobe dhawaan, isagoo ka codsaday Sharci-yaqaanada in ay fasiraan sharciyada dawladda Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga codsaday Xeer ilaaliyaha wadanka Soomaaliya C/laahi Daahir Barre in uu ka hadlo xaaladaha markan ee gudaha Magaalada Baydhabo.

 

Cabdi Muumin ayaa taageeray go’aanadii ay jeediyeen Mudanayaashii iskugu tagay Madaxtooyada Baydhabo, wuxuuna sheegay in hadii aan si deg deg ah lugu soo celin nidaamkii baarlamaanka Soomaaliya ay fadhiyadooda baarlamaanimo ku qabsan doonaan gudaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Kala fariisiga baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa cadeyneysa in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ku sii socota in ay labo ukala qeybsanto, waxaana looga fadhiyaa Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Soomaaliya iyo Madaxda Maxkamada sare in ay go’aan cad arimahan ka soo gaaraann cidii wada ku tumashada sharcigana ay talaabo cad ka qaadaan, sida ay sheegayaan Qaar ka mid ah dadka siyaasada Soomaaliya falanqeeya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

TODAY AADAN MADOBE HAS BECOME “Toilet Paper” AS KENYAN FOREIGN MINISTER WETANGULA Moses Wtangula

 

Inta aanan Guda galin ka hadalka Wasiirka Arimaha Dibada Kenya iyo hadalkiisii ku aadanaa xaalada ka dhex aloosan Madaxda Dowlada Faderaalka, aan u soo laabano Go’aankii Xildhibaano badan ku tilmaameen fadeexadii ugu cuslayd ee Baarlamaanka Soomaaliya uu u soo jiido Gudoomiyaheedii Aadan Madoobe...

 

tanoo muujinaysa xilkasnimo darida Aadan Modoobe, isagoo meel uga dhacay sgaraftii Xubnaha Baarlamaanka iyo tii Sharafta Dowladnimo ee Magaca Soomaaliyeedba, kagadaal fawaaxishkii uu ku kacay awgeed.

 

Ceebtaas ayaa hadaba ayada oo Muuqaal ah waxa Soo bandhigay TV-Caalamiga ah ee Universal, tanoo ku tusaysa in ayan jirin tiro cod oo la tiryay, balse waxa Caalamka laga wada daawaday is dhexyaacii iyo buuqii kataagnaa baarlamaanka iyo xubno labada gacmoodba ay u taagan yihiin.

Xubnahan ayaa muuqaal ahaan caalamka oo dhan laga daawaday, waxana ugu horeeyay Salaad Cali Jeelle oo marna labada gacmood u taagan yihiin, marna qari is leh marka Camaroman-ku kusoo jeedsado, sidoo kale dhowrkii ruux ee labada gacmood u taagnaayeen, ayaa si cad loogu wada jeeday, iyadoo tirade lagu dhawaaqay ee aqlabiyada la yiri waa siisay Nuur Cade ee aheyd 143-da ayba meeshaba ka muuqan, hadii la isku daro intii labada gacmood taageysayna ayba ka badnaan Karin 40.

Hadaba ceebta filim ahaanta looga hayo ee labo gacmoodinta aheyd, ayaa waxa cad mid sharaf dhaceedu muujinayso dadnimada xumida ninka leh waa la idoortay ee Nuur Cade iyo kan leh waxbaa la ansixiyay ee Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe ayaa halkan waxa ka muuqaneysa sida uu uga tayo xunyahay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xassan SH:Aadan, oo ficil kan la mid ah ka fuliyay Nayroobi, isagoo maalintii Baarlamaanku Kuraasta isla dhici jireen, la weydiiyay sidee baad cod u tiriseen, hadii goobtu fowdo iyo buuqweyni ka jiray, Shariifka ayaa yiri “waa RUN, EE QIYAASTII GACMAHA HORE EE AAN ARAGNAY AYAAN KA TUSAALE QAADANAY, NUMBARKA AAN SHEEGNAYNA QIYAASTAAS AYUU KU FADHIYAA”.

Balse Aadan muxuu ku jawaabayaa cajalka Filimka ah ee laga hayo, iyo inta ka badan boqolka Xildhibaan ee cadeynaya in aysan jirin wax cod ah oo la tiryay amaba la dhiibtay, beentiisii qayaxnayd ee jaahilnimadana ku aslanayd ayuu lasoo istaagay, caqli dumay dheh.

Aan u soo laabano dhawaaqii shalay kasoo yeeray Moses Wetangula, oo ah wasiirka arimaha dibada Kenya, iyo sida aysanba ceeb ula aheyn waxa Aadan Madoobe ku dhaqaaqay, maxaa yeelay waa wax uu laftigiisa iyo Xisbigiisa mid tan lamid ah doorashadii ugu danbeeyey ee Kenya fadeexada iyo Ceebta usoo jiiday.

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Moses Wetangula:

Waxa uu ka tirsanyahay Xisbiga ee Madaxweyne Kibaki PNU, Waxa xilkan uu qabtay Janaayo 2008, waxa uu hore u ahaa kalkaaliye Wasiir Arimo dibadeed, waxa uu kusoo biiray siyaasada 1997, isagoo noqday MP,waxa ka hor uu ahaa Lawyar, uuna ku shaqeysan.

Markii Jagadan loo magacaabayay 2008, ayaa waxa booskaan baneeyey nin oday ahaa, kasoo lumiyay xubinimadii Baarlamaanka Doorshadii dhacday awgeed, xiligan ayuu magaciisu soo baxay ninkan waxa lagu bartay inkiraadii iyo is dabamaryentii uu ku dhaqaaqay xisbigiisu, iyadoo la wada oogaa in looga adkaaday Doorashada, balse ay maalin cad dhaceen sanaatuukhdii codbixinta, taasoo horseeday dhiiga ku dhawaad labo kun oo dadkiisa ah.

Xiligan ayaa dadkiisu magaca ay u baxsheen waxa uu ahaa in uu yahay warqada suuliga ee la isku nadiifiyo, “TOILET PAPER” qoraa Kenyan ah oo lagu magacaabo Okoth Osewe, isaga oo magacan adeegsadeyna waxa uu yiri “Today, Wetangula has become the “Toilet Paper” of PNU being used to wipe out PNU dirt and everybody knows where toilet papers end”, taasoo uu ula jeeday in uu noqday xaashi ay rabto xisbiga PNU in ay iskaga nadiifiso uskaga iyo ceebta foosha xun ee ay dhexmaquureysay, isagoo yiri “Qof Waliba Waa Ogyahay Meesha Xaashida Musqushu ku Danbeyn”.

Runtii waa hadal weyn waxa ayna shakhsiyan nabareysaa waxa uu yahay ninkan marka hore, marka xigana in ayan layaab u aheyn waxa Aadan Madoobe iyo Nuur Cade ku dhaqaaeen, isaguna uga horeeyay.

Bal fiiri mar uu difaacayay siyaasadiisii ku aadaneyd dhaca doorashada oo markii caalamku yiraahdeen “waar wixiinu waa wax xun sidaasna wax la iskuma dabamarsho ee caqli kale la imaada” isaga oo u jawaabaya waxa uu yiri “Moses Wetangula has said that any solution lies with kenyans. "we encourage our friends to support us and not to make any mistake of putting a gun to anybody's head and saying 'either' 'or' because that cannot work," he told reporters. "even if we get visitors to help us in any way possible, the answer to the problem in kenya lies with kenyans themselves,".

Hadaba hadii uu sidaas lahaa isaga oo harcad doorshadii wadankiisa dhacay, miiyay layaab noqonaysaa in uu tuug kale yiraahdo waxbuu dhacay? Waa maya, marnaba loogama fadhiyo in afkiisa soo marto Aadan Madoobe iyo Nuur Cade waa khalad waxa ay ku dhaqaaqeen.

 

Mida labaad hadii uu aaminsan yahay in faragalin tahay marka bulshada Caalamku ceebtiisii diideen, waa maxay waxa sharciga u siinaya in Dowlad kale uu ka hadlo arimaheeda hoose, isaga oo waliba dhinac istaagay sharcidarada lagu dhaqaaqay, yuuse sida asagauba diiday uu Madaxa inta Qori kasaaro oranayaa YEEL WAXAAS, isagoo sida afkiisaba uu ka sheegtay ilowsan in waxa isaga iyo Soomaaliya waxa ay iskugu imaan karaan tahay Saxiibnimo kaliya, ee aysan aheyn in Madax wadankale isaga oo Wasiir ah eedeymo u jeediyo.

 

Waxaa sidoo kale sharcidaradiisa asaga oo sheeganaya nin sharci yaqaan ah muujinaysa markii uu isdan oo kale isku hor istaagay Ra’uusul Wasaaraha Wadankiisa RAILA ODINGA, oo mar uu kahadalay doorashadii Zimbabwe, ee uu Mugabena dhacay sida ninkan Moses Wetangula ah oo kale, uu yiri ODINGA “Zimbabwe waa in la geeyaa Ciidamo Afrikaan ah oo ninkan dhacay Doorashadii waa Mugabe, xilka xoog looga wareejiyo”, ayuu inta warbaahinta ku orday ka dhinac hadlay Ra’iisul wasaarihiisa isagoo taageeraya sharcidaradii Mugabi ku dhacay doorashada, waxa uuna yiri “Odinga’s calls for the deployment of African Union peacekeepers was ‘‘uncalled for’’ as Zimbabwe was not under invasion or armed rebellion”.

 

Tani waa tuug tuug ma sheego, waxa uu ku kacayaana waa wax aan sidaas usii jirin, sida dadkiisuna ku sheegeen Xaashida Musqushu meesha ay ku danbeyn waa layaqaanaa, Mid ceeb iyo ihaano uu ugu keeni karo DFKG AHNA maahan, nin asaguba ceebeysan.

 

Allaha u naxariisto Xaaji Aadan AF qalooc ayaa nooga tagay gabay khaali ah, tixo ka mid ahina waaba sifahan ninka odayga ah ee Moses Wetangula.

Waxuuna yiri.

 

HADAAD ADIGU TUUR LEEDIHIYO, TOOTIR IYO QAALLO

MID KALEETO IN AAD TOOSISAA, WAA TU AAN DHICINE.

Gabaygiisii Tabaalaha Aduun, Xaaji Aadan Af qolooc.

 

Muxyadiin X Ciid

Alcarab1@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this