Sign in to follow this  
BN

Isbitaal Cusub Ayaa Laga Hirgeliyey Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

BN   

Isbitaal Cusub Ayaa Laga Hirgeliyey Magaalada Boosaaso

 

 

- Sunday, March 07, 2004 at 19:24

 

Boosaaso (AllPuntland)- Waxaa magaalada Boosaaso laga furay 10-kii Janaayo Isbitaal loogu magic daray Barkhadle Poly Clinic oo ay hirgeliyeen dhakhaatiir Soomaaliyeed.

 

Dr. Jamac Cali X. Maxamed ayaa Idaacada Midnimo saaka u sheegay in hirgelinta Isbitaalkan ay fikirkiisa lahaayeen C/qaadir Guure, Sheekh Cabdi Baari iyo Isaga, wuxuu kaloo Dr. Jaamac intaas ku daray in muhiimada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in dadweynuhu ay uga maarmaan dhibaatooyinkii Caafimaad ee dibadda loo aadi jiray.

 

Dr. Jaamac wuxuu kaloo sheegay in uu ka kooban yahay dhowr qaybood oo ay ugu muhiimsan tahay Laba qaybood oo qaliin ah, Qaliinka guud ayuu sheegay in looga faa’iideysan doono qaliimadii dibadda loo aadi jiray sida dhagaxa kelyaha gala, dhagaxa xameytida gala, burada cunaha ka soo baxda iwm.

 

Qaliinka indhaha ayuu sheegay in ay gaarsiinayaan heerka Laysarka ee dunida horay u marto ay isticmaalaan, sidoo kaloo qaybta qaliinka indhaha ayuu sheegay in ay leedahay qaybta sameynta ookiyaalayaasha, iwm.

 

Dalka Masar ayuu sheegay in uu dhowaan uga imaanayo dhakhtar Jinacology ah oo ku takhasusay cudurada dumarka iyo sidii wax looga qaban lahaa dhalma la’aanta, isagoo qaliin ku sameyn doono tuubooyinka (Tubler oberation) oo tuubooyinka ay ugxantu marto.

 

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray Dr. Jamac in dhowaan magaalada Kismaayo uga imaan doono dhakhtar khabiir ku ah Lafaha, tanoo uu sheegay in dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya aysan welwel ka qabi doonin dhibaatooyinka lafaha gaara.

 

Dr. Jaamac wuxuu kaloo intaas ku daray in Isbitaalku uu diyaariyey sidii wax looga qaban lahaa dadka xubno ka bedelka u baahan, sida kelyaha iwm oo awal dalka dibadiisa loo aadi jiray, tanoo uu sheegay in uu fulin doono Dr. Bisi Shaah oo ah dhakhtar weyn oo aqoon fiican u leh kala bedelka xubnaha, caana ka ah Bombay oo dalka Hindiya ah, isla markaasna uu ka soo shaqeeyey wadanka Mareykanka iyo wadamada Carabta.

 

Dr. Jamac wuxuu kaloo carabka ku dhiftay in Shaybaarka Cusbitaalku uu leeyahay Qalab Shaybaar oo tayadiisu sareyso, kaasoo uu ku tilmaamay in uu yahay mid horumarsan ayna abuuri doonaan jermiska si loo ogaado cudurka jira iwm.

 

Ugu danbeyntii, Dr. Jaamac wuxuu sheegay in qiimaha ay ka qaadi doonaan bukaanka in uu noqon doono mid heer dhexe ah oo qofku iska bixin karo.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this