Sign in to follow this  
Gabbal

Kismaayo elders: Laws governing xaalada kala guurka.

Recommended Posts

Gabbal   

War saxaafadeed ay Kismaayo ka soo saareen odayaasha Beesha ****

 

Click here to find shabelle news in English

 

Mogadishu 24, June.07 ( Sh.M.Network) War saxaafadeed ay maanta soo saareen beesha haatan gacanta ku heysa magaalada Kismaayo ayaa sheegay in diyo uusan la heyn qofkii la dilo oo ku gudo jira howlo burcadnimo ah.

 

Ka dib kulan maanta ay ku qaateen magaalada Kismaayo odayaasha beesha Haatan gacanta ku heysa Kismaayo ayaa laga soo saaray war saxaafadeed ka kooban 7 qodob oo gundhig u noqonaya sugidda amaanka magaalada Kismaayo.

 

. Qodobada la soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in diyo uusan laheyn qofkii lagu dilo howlo burcadnimo ah isagoo ku howlan iyo falal ka dhan ah amaanka.

 

. Ganacsatada Magaalada Kismaayo ayaa loogu baaqay in ay ka qeybqaataan sugidda amaanka Kismaayo, iyadoo kaalmo laga helayo bulshada iyo qodobo kale oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa amaanka magaalada Kismaayo.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegeem xilli jimcihii la soo dhaafay magaalada Kismaayo iyo daafahadeeda ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo u dagaalamay qaab qabiil.

 

Dagaaladaasi ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku nafwaayeen in ka badan 20 ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo qoysas badana ay ku barakaceen.

 

 

 

 

 

Click here to find this article in English

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Odoyaasha%20%201.jpg

 

Odoyaasha%202.jpg

 

Odoyaasha%203.jpg

 

 

Siyaasiyiinta iyo wax garadka beesha **** oo maanta soo saaray qodobo lagu xakameynayo amaanka magaalada Kismayo

 

Kismayo, Somalia - Kulankaani manta Hortel Mariidiyaan ay ku yeesheen hogaamiye yaasha, siyaasiyiinta iyo wax garadka beesha **** ayaa waxaa lagu soo saarey ilaa iyo todobo qodob oo lagu sugayo amniga magaalada Kismayo oo haatan ay beeshaani gacanta ku hayso, qodobadaasna waxay yihiin:-

 

1. In ciidamada laga saaro gudaha Kismayo, islamarkaana la dajiyo rugahoodii ciidan.

 

2. In ay howlgalaan dhamaan ciidamada booliiska iyo kuwa amaanka si ay u hantaan amaanka magaalada Kismayo oo cishooyinkaani faraha ka baxay.

3. In cidii ku kacda dhac iyo boob la hor geeyo sharciga islaamka.

4. Ganacsatada Kismaayo waxaan ku boorineynaa in ay ka qeyb qaataan sugida amniga magaalada Kismayo.

5. Hogaamiye yaasha Beelaha Somaaliyeed ee deegaanka waxaan ka codsaneenaa in ay ka qeyb qaataan sugida amniga magaalada kismayo.

6. Cidii ayadoo wax dhaceyso lagu arko magaalada Kismayo, sidaas awgeedna ku dhinto wax dhiig ah malahan.

7. Hayadaha caalamiga ah waxaan ka codsaneenaa in ay kaalmo bini'aadanimo la soo gaaraan shacabka gobolka Jubada hoose ee la daalaa dhacayo macluusha colaadu sababtey.

 

Afhayeenka odayaasha beesha **** C/naasir Xirsi Shaarib ayaa sheegey in ay dhaqan galinayaan dhamaan qodobadaani ay saxiixiin in ka badan 31 oday dhaqan oo ka soo jeedo beesha **** oo uu hor kacayo Suldaanka guud ee beeshaasi Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarrow.

 

Kulankan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili dhawaanahaani falal amni daro iyo dhac loo geysanayo shacabka reer Kismayo, waxaana dhamaanba falalkaasi geysanayo maleeshiyooyin hubeysan, laakiin hadda dhamaan arimahaan la xariira falalka amni daro wax ka qabashadooda waxaa u tafa xaydanayo wax garadka beesha **** ee haatan gacanta ku hayo magaalada Kismayo.

 

Dhanka kale, beeshaan hadda gacanta ku hayso magaalada Kismayo ayaa waxa ay sheegeen odayaashooda iyo siyaasiyiintooda in ay taageersan yihiin siyaasada dowlada federaalka Soomaaliya ayna la shaqeynayaan waa sida ay hadalka u dhigeen wax garad kaasi.

 

 

 

Laylo Sh. Aadan, Allgedo - Kismayo.

 

 

Allgedo News Media Network

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Very good development, it's a good talk but they need to walk the walk, N/AA do you think they can implement the outcome of the Shirka Odayaasha, I mean if they do they should be praised for it...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Now it is time for these guys out there in Kismayo show the world that they can guarantee/assure the safity of the people and make the city peaceful. It is the interest of everyone though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this