Sign in to follow this  
B_A_L_L_E_R_Z

radio Lascaanoodow Been Sheeg oo Been Run U Dhow Sheeg

Recommended Posts

Been Sheeg oo Been Run U Dhow Sheeg

 

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Beeni Raad Ma Leh’. Nuxurkeeduna waxa weeyi beentu ma laha meel lagu tiiriyo oo la yidhaahdo halkaas bay ka soo baxday. Waayo qof walba wuxu ka baxsanayaa in loogu ab tiriyo. Qofka soo unkay laftiisa ayaan doonayn in loo aaneeyo. Marka aad qof ka maqasho ee aad weydiiso halka uu ka keenay, jawaabta ugu fiican ee uu odhan karaa waxa weeyi ‘Waa La Lahaa….’

 

Haddaba beentu in kasta oo ay tahay wax laga cararo, haddana waa la kala sheegi ogyahay. Oo waxa jira qof aanad beentiisa runta ka garan oo saansaanta iyo saangooyadeedaba aad u dheg raariciso inta ay runtu soo dhaxayso.

 

Midna waa been mutuxan oo baalal ay kuu duusho iyo buur ay ku tiirsato aan midna lahayn. Waxa been mutuxan loo yidhi waxa weeyi way qaawantahay oo cidda ay ka soo baxday ayaan hu’ fiican oo foolxumadeeda qarisa aan u soo tolin.

 

Taas waxa ka dhigan been ay baahisay Idaacada la magac baxday Radio Laascaanood bisha September 25, 2004 cinwaankeeduna ahaa ‘Aragtida Reer Awdal Iyo Daandaansiga Hargeysa’

 

Bayaankaa beenta ah waxa ku qornaa 36 magac oo ah aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Awdal ee ku nool dadlka dibeddiisa, gaar ahaan Woqooyiga Maraykanka, Oroba iyo ilaa New Zealand.

 

Waa mid la ogyahay in Idaacadda Radio Laascaanood ay tahay caroog uu afuufo Cabdillaahi Yuusuf, laakiin waxa la yaab leh aqoon darrida saxaafadeed ee dadka ka shaqeeya Idaacadda oo ku tuntay milgihii iyo xeerkii saxaafadi lahayd. Waxa xeerka saxaafadda ka mid ah in wixii aad baahinayso aad u yeesho meel aad ku aroorin karto haddii hadhow la isku qabsado ama eedi kaaga timaado. Been abuuris iyo is-been-farriinkuna waa ka xaaraan.

 

Haddaba in kasta oo aan markiiba garanay in beentani tahay mid uu soo abuuray Radio Laascaanood iyo kuwa u adeega Cabdillahi Yuusuf, ujeedadooduna ahayd ‘Nin daad qaaday xumbo cuskay’ oo ay is lahaayeen kooxaha Nairobi ku shiraya iyo bulshaweynta adduunka tusa in wax-garadka reer Awdal ay ka soo hor jeedaan dawladda Somaliland iyo Somalilandnimadaba oo iyada lafteedu ay tahay been cad oo aan raad iyo cidhib lahayn oo ay ku filayd in laga aamuso ama Idaacada “beenlay†uun la yidhaahdo; haddana waxan garanay inaan raacno milgaha iyo xeerka saxaafadda oo waxan la xidhiidhnay in badan oo ka mid ah dadka magacdoodo liiska ku qornaa. Dhammaantoodna way qosleen, waana ay la yaabeen sida Idaacadi beenta intaa leeg u samayn karto una baahin karto. Bayaankuna wuxu noqoday mid aan raad iyo cidhibtoona lahayn oo ay soo maleegtay Idaacadda Laascaanood iyo kooxda ku xeersan Cabdillahi Yuusuf.

 

Haddaba waxa mudan in aan xusuusino Idaacada Laascaanood in waxgaradka, indheergaratda iyo dadka reer Awdal guud ahaantood, gudaha iyo dibedba, ay maaweelo iyo madadaalo u noqotay beentii aad soo qorteen oo carruurtuna ku qososhay.

 

Waxa xusid mudan golaha Somalilandcenter.com oo warkan ka soo xigtay Radio Laascaanood in ay markiiba beeniyeen kolkii ay la xidhiidheen dadka liiska ku qornaa qaarkood oo Canada kula nool. Waxa kale oo ay raaligelin u soo gudbiyeen dadka reer Awdal iyaga oo ku tilmaamaya Idaacada Laascaanood in ay tahay ‘Radio Laasceebeed.’. Taasina ma aha mid loola jeedo dadka sharafta leh ee reer Laas Caanood ee waa astaan gaar u noqon doonta Idaacadda doonaysa in ay magaca dadka walaalahayo ah Reer Laascaanod ay dhiiqayso.

 

Haddaba haddii ay Idaacaddu matasho dadka Reer Laascaanood ee sharafta leh waxa looga fadhiyaa in ay beeniso warkan oo ay raaligelin u dirto dadka reer Awdal. Waa haddii ay milgaha saxaafadda xurmo u hayaan oo ay doonayaan in ay muujiyaan in aanay beentan iyagu maleegin.

 

Haddii kale oo ay doortaan in ay qaataan magaca Radio Laasceebeed sida uu ugu yeedhay golaha Somalilandcenter.com; waxan kula talin lahayn marka dambe ee ay been sheegayaan in ay sheegaan been run u dhow iyaga oo ka tusaale qaadanaya maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaahda “ Haddaad been sheegeyso, been run u dhow baa la sheegaa.â€

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this