Xaaji Xunjuf Posted April 1, 2008 Madaxweyne Rayaale oo Magacaabi Doona 7 Wasiir Oo Cusub (Updated:-Tue.1.April.2008) Hargeysa,(BNN)- Madaxweynaha Jamhuuriydda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sugayaa inuu soo saaro liis 7 Wasiir oo cusub, kuwaasi oo ka mid noqon doona Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay, balse aan la shaacin. Wararka ku saabsan 7 Wasiir ee uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ku magacaabay ayaa ah kuwo suuqayada Magaaladda Hargeysa la isla dhex maraayo, islamarkaana ah warar aan lagu kalsoonaan Karin. Sida caadada u ahayd Madaxweyne Rayaale marka uu Mas’uul sare magacaabayo isaga oo raacaaya awoodaha uu siiyay Dastuurka Somaliland, ayaa waxa uu soo saaraa Dagreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabayo Wasiir ama Mas’uul sare oo ka mid noqonaaya Xukuumadda. Sidoo kale wararka aan lagu kalsoonayn ee 7 Wasiir sheegaya in uu Madaxweyne Rayaale magacaabay,ain ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, Axmed Cabdi Xaabsade iyo Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), balse aan 4 Wasiir ee kale magacyadooda la sheegin in ay yihiin Rag Caan ah ama ku cusub Masraxa Siyaasada. Haddaba si aan wax uga ogaado ayaan khadka Telefoonka kula xidhiidhay Ilo u dhuun daloola Madaxtooyada Somaliland oo codsaday in aan la shaacin Magacooda, ayaa waxa ay ii sheegeen in aanay jirin wax 7 Wasiir ah oo uu magacaabay Madaxweyne Rayaale, islamarkaana ku tilmaamay wax been iyo mala awaal ah oo shicibka lagu jaha wareerinaayo Maskaxdooda. Sidoo kale Ilahan u dhuun daloola Xarunta Madaxtooyada ee ka cudurdaartay in aan la xusin magacooda, ayaa waxa ii sheegeen warkan aan lagu kalsoonayn mid ka duwan, islamarkaana sheegaya in uu Madaxweyne Rayaale Magacaabay 2 Wasiir, balse aan ilaa iyo hada la shaacin . laakiin aanay jirin wax 7 Wasiir ah oo uu Madaxweynuhu magacaabay, warka xaqiiqdiisu uu yahay 2 Wasiir oo kaliya. Ilahan u dhuun daloola Xarunta Madaxtooyadda, ayaa waxa ay ii sheegeen in ay kala yihiin 2 Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade iyo Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), balse aan la sheegin Wasaaradda loo magacaabay. Sidoo kale ilaa iyo hada Madaxtooyada kama soo bixin wax war ah oo beeninaaya 7 Wasiir. Ciise Ismaaciil Axemd Reporter Hargeysa Borama News Network smart move after silanyo elected Ina bixi as his vice president Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 2, 2008 Not that smart sxb ,,, re-shuffle would be more appropriate than increasing the number of the ministers. Well, it is still rumours and we have to wait until something comes up .... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted April 2, 2008 If a tree falls in a forest and no one is around to hear it, does it make a sound? if you do not exist as a state, can you appoint ministers? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 2, 2008 If we have a president ,,, then i'm sure there are ministers Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted April 2, 2008 can a non-existent country have a president? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 2, 2008 indeed the recognition of somaliland is just a formality wax kallo saa uu weyn maha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 3, 2008 As long as the country exists, has a working government, constitution, currency and its people ,,, recognition is just around the corner. Quote Share this post Link to post Share on other sites