Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: PM we see eye to eye on everything

Recommended Posts

Ra'isul wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Madaxweyne Yuusuf isku aragti ka yihiin dib u heshiisiinta uu wado.

 

Riyad,(WNT):-Ra'isul wasaaraha dowlada Federaalka somalia Nuur xasan xuseen (Nuur Cadde) ayaa shaaca ka qaaday in uusan jirin khilaaf ku kala dhex jira isaga iyo Madaxweynaha somalia C/llaahi Yuusuf Axmed kaasi oo ku aadan dhinaca dib u heshiisiinta.

Ra'isul wasaaraha ayaa hadalkaani ka sheegay warasi uu siiyay mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Magaalada Riyaad ee dalka sacuudiga kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhinaca dib u heshiisiinta isku khilaafsan yihiin Nuur Cadde iyo C/llaahi Yuusuf.

 

Isaga oo arintaasi ka jawaabayo waxaa uu Nuur cadde sheegay in khilaafkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaana ay faafiyeen qaar ka mid ah saxaafada gudaha iyo dibada isaga oo ku nuux nuuxsaday in isku fikir ka yihiin dib u heshiisiin lala galo kooxaha dowlada ka soo horjeeda.

 

Waxaa uu Ra'isul wasaaruhu balan qaaday in uu sii wadi doono dib u heshiisiinta uu ku doonayo in lagu soo afjaro khilaafaadka ka dhex taagan dowlada iyo kooxaha Mucaaradka ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

 

Nuur cadde ayaa sheegay in iminka dib u heshiisiintu ay u marayso meel aad u wanaagsan isla markaana uu ku rajo weyn yahay in la soo afjaro bilaha soo socda Khilaafka u dhaxeeya dowaldiisa iyo kooxha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda.

 

Ra'isul wasaaraha dowlada Federaalka somalia Nuur cadde ka hadlayay dadaalada dhinaca dib u heshiisiinta ay wadaan Beesha calamka ayuu sheegay in ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana rajaynayo in dib u heshiisiintaasi ay noqoto mid mira dhala laguna soo afjaro dagaalada dalka ka socanaya.

 

Hadalka Ra'isul wasaaraha ayaa Jawaab u ah hadalo Maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay kaasi oo ay faafiyeen Saxaafada gudaha iyo kan caalamka kaasi oo sheegayay in dib u heshiisiinta uu wado Ra'isul wasaare Nuur cadde uusan aheyn mid uu si weyn ugu qanacsan yahay Madaxweynaha somalia C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this