Sign in to follow this  
me

Baaq ay soo saareen culimada gobolka sanaag oo ku wajahan maamulka riyaale.

Recommended Posts

me   

Baaq ay soo saareen culimada gobolka sanaag oo ku wajahan maamulka riyaale.

Warkii 02-Oct-2006 iyo Qormadii: yaasiin faytin

 

KU :- MAAMULKA SOOMAALILAND OG ;- HAY'ADAHA XUQUUQDA AADANAHA OG ;- SAXAAFADDA MADAXA BANNAAN UJEEDDO : BAAQ KU WAJAHAN JIDH DILKA LOO GEYSTEY IYO XADHIGA LOO GEYSTEY SHIIKH MAXAMED ISMAACIIL . Anaga oo ku hadlayna magaca culimada Soomaaliyeed , gaar ahaan gobolka Sanaag / degmada Badhan , markii aan hubinay , ka baraan degney sawirada iyo hadalka laga soo saaray warbaahinta ee muujinaya arxandarada loogu geystey Shiikh Maxamed Ismaaciil xabsiga Hargeysa.

 

 

 

Markii aan la xidhiidhnay dad qaraabo la ah Shiikha, waxan baaqan si toos ah ugu soo jeedinaynaa maamulka Somaliland , waxannu ugu baaqeynaa :

 

1) Waxannu ka markhaanti kacaynaa in Maxamed Shiikh Ismaaciil yahay nin shiikh ah oo aan marna ku sifaysnayn waxyaalaha lagu eedaynayo ama lagu tuhunsan yahay.

 

2) Waxan maamulka Somaliland ugu baaqeynaa in sharciga la horkeeno ciddii arxandarada iyo dilka foosha xun u geysatey Shiikh Maxamed Ismaaciil.

 

Arinkaas oo ah mid ka fog dhammaan shuruucda aadanaha u yaalla.

 

3) Waxan ka codsanaynaa Maamulka Soomaaliland iney si shuruud la'aan ah oo deg-deg ah u soo daayaan Shiikh Maxamed Ismaaciil , sharaftiisii iyo karaamadiisiina loo soo celiyo, iyadoo lagu jiro bishii ramadaan ee barakaysnayd.

 

4) Dadka ka gadoodsan arintan ee abaabulaya mudaharaadada iyo rabshadaha, kuna nool daafaha Soomaaliyeed waxan ugu baaqeynaa iney is dejiyaan , sugaanna inta jawaab laga helo maamulka Soomaaliland.

 

 

 

ilaah baa weyn.

 

Culimada baaqan soo saaray :

 

1) Shiikh Cabdixayi Shiikh Muuse.

 

2) Shiikh Faysal Xuseen Mire.

 

3) Shiikh C/qaadir Axmed Ismaaciil.

 

4) Shiikh Maxamuud Maxamed Cumar.

 

5) Shiikh Maxamuud Faarax

 

6) Shiikh Xuseen Cabdi wadaad.

 

7) Shiikh Caydaruus Axmed Faarax.

 

8) Shiikh Aadan Axmed Yuusuf.

 

9) Shiikh Haaruun Siciid Cabdulle.

 

10) Shiikh Maxamed Axmed Faarax.

 

11) Shiikh C/casiis Axmed Saalax.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this