Sign in to follow this  
Maaddeey

Taliyihii Qubuuriyyiinta oo la dilay!

Recommended Posts

Maaddeey   

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee shalay gelinkii dambe galay deegaanka Mareer-guur gobalka G/gaduud ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalkooda iyo waxa ay halkaasi ka qabteen. Saraakiisha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijiyay in ay toogteen Taliyihii ugu sareeyay kooxda qabuura galeenka Ahlusuna sheegata kadib dagaal shalay ka dhacay Mareer-guur.

 

 

waxaa laxaqiijiyay in bartamaha deegaanka Mareer-guur lagu toogtay Madoobe Cumar Kadiye oo ahaa sarkaalkii qabuuragaleenka u qaabilsanaa aaga Dhuusamareeb, ciidamada Al Shabaab ee shalay deegaankaas gaarey ayaa sheegay in ay ugaarsadeen saraakiisha qabuura galeenka oo markii dagaalku bilaawday isqariyay.

 

 

Xaalada Mareer-guur ayaa saaka degan waxaana dib uga gurtay ciidamadii Shabaabul Mujaahidiin ee shalay dagaalka ku galay Mareer-guur oo la sheegay in ay u dhaqaaqeen deegaano kale oo ay qabuura galeenka maamulaan.

 

 

Saraakiisha Shabaab waxay noo xaqiijiyeen in xalay ay magaalada ku hoydeen balse saaka ay dib uga gurteen iyagoona sheegay in ay u bexeen Howlgal kale oo ay gobalka ka fulinayaan.

 

 

Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay lagu arkayay iyagoo taag taagan bartamaha Mareer guur waxayna difaacyo ka xirteen wadada laamiga ah ee katimaad degmada Dhuusamareeb.

 

 

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay xalay u xoola qaleen ciidanka Shabaab oo shalay shacabka u jeediyay Khudbado ay ku faah faahinayaan hanaan dagaaleedkooda gobalka G/gaduud.

 

 

Beesha Yabar dhoore kace oo degta Mareer-guur ayaa horay ula heshiisay xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana sheegtay in ay ka baxday Isbahaysigii Qabuura galeenka waxayna codsatay in aan loo dhibaatayn wixii hore.

 

 

Idaacadda Andalus magaalada Kismaayo ayaa xalay lagasii daayay Khudbado ay deegaanka Mareer-guur ka jeediyeen saraakiishii hogaaminaysay ciidanka Mujaahidiinta.

 

 

Saraakiishan oo boqolaal shacab ah kula hadlayay deegaanka waxay ubalan qaadeen shacabka G/gaduud in ay ka saari doonaan kooxaha qabuura Galeenka ah islamarkaana magaalooyinka G/gaduud ka hirgeli doonaan dhareecada alle.

 

 

Saraakiisha reer Mareer-guur kahadashay waxaa kamid ahaa sarkaal katirsan muhaajiriinta Somaliya ka jihaada wuxuu faah faahiyay qaabka ay islaamiyiinta uga dagaalamaan gobalada dalka iyo ujeedkooda isagoo shacabka Mareer-guur kula dar daarmay in ay Jihaadka qayb weyn ka qaataan.

 

 

Muhaajirka hadlay wuxuu sheegay in haddii aan lajihaadin aan laga bixi doonin dhibka islamarkaana Jihaadka Soomaaliya uu waajib ku yahay cid walba oo Muslim ah, duulaankii Mareer-guur ayaa walbahaar ku riday qabuura galeenka oo shalay kaliya gacantooda laga bixiyay deegaano muhiim ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this