General Duke Posted November 11, 2006 Maxaakiimta oo la xaqiijiyey inay ku hayaan goobaha ay ka dagaalamaan Ciidamo Ajaaniba oo gaaraya 1000 maleeshiyo Posted to the Web Nov 11, 00:15 Muqdisho: (pp) - Warar xaqiiqa oo ka soo baxaya saxaafadaha kala duwan ee caalamka ayaa qeexaya in Soomaaliya ay kusii qul-qulayaan Ciidamo ajaaniba , kuwaas oo si joogto ah ugu qulqulaya goobaha ay ka taliyaan Maxaakiimta, ciidamadaas ayaa la sheegayaa inay ka kala yimaadeen wadamo fara badan oo ay kamid yihiin wadamo dhowra oo taageera maxaakiimta. Warbixintan ayaa sheegaysa in 1,000 ciidamo oo mutadawiciin ah ay soo gaareen magaalada Muqdisho, waqtiyadii la soo dhaafay , ayna qaarkood hada ay ku sii qulqulayaan Soomaaliya.Ciidamadan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo taageeraya maxaakiimta Muqdisho , waana ciidamo aad u taba-baran oo mutadawiciin ah , waxayna qatar ku yihiin sida la isku qarxiyo ama loo sameeyo ismiidaaminta , sida dadka loo qaarijiyo iyo sida loo afduubo.Warbixintan ayaa la sheegayaa in mardhow la soo bandhigi doono. Warbixintan ayaa qaarkeed laga soo xigtay saraakiil ka agdhow Qaramada midoobay , waxaana lagu sheegay warbixintan qaarkeed in Wadamada: Syria, Iran, Libya, Sudan, Egypt, Eritrea, Djibouti ay si toosa hub ,cunto,daawo, takhaatiir iyo dirayska ciidamada ay ku taakuleeyaan Maleeshiyada Maxaakiimta. Dhanka kale dowladaha Yemen iyo Ugaandha ayaa warbixinta lagu sheegay inay taageero hub ay siiyaan DFKS.Waxaana dowlada Ugaandha ay si taageero ah 100 askari oo ka saacida dhinaca taba-barka DFKS ay ka joogaan xarrunta dowlada ee Baydhabo,. halka dowlada Itoobiya ay sheeganayso in ay ka joogaan Xarrunta Dowlada Ciidamo taba-bara kuwa dowlada. Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites