Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Continuation: Laascaanood Police Forces

Recommended Posts

Laascaanood: Dufcadii Labaad Ee Ciidan Boolis Ah Oo Maanta La Qarameeyay

 

 

Laascaanood (Qaran) Waxa Maanta Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool lagu

qarameeyay 70 Askari oo Booliis ah oo lagu kordhiyay 138-kii Toddobaadkii hore

lagu aasaasay Ciidanka Booliiska ee degmada Laascanood.

 

Xafladii loo sameeyay qaramaynta 70-ka Askari oo lagu qabtay Saldhiga Booliiska ,

waxa ka qayb galay wefdiga Xukuumada iyo Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee ku

sugan Laascaanood, Odayaasha iyo Maamulka Gobolka Sool.

 

Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryaynta Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in

dhismaha ciidanka Booliisku uu ahmiyad u leeyahay sugida Nabad gelyada waxana

uu ciidankaasi la qarameeyay ka dalbaday in ay ka soo dhalaalaan Masuuliyada

culus ee ay shacbigoodana u hayaan.

 

‘’Waxa la idinka baahan yahay inaad hanataan Nabad gelyada kana

faa’iidaysataan Tababarada ciidanimo ee la siiyo ciidanka Booliiska Somaliland’’

ayuu yidhi Wasiirul dawlaha Waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed oo xafladaasi ka

hadlay.

 

Waxana Wasiirul dawluhu amaanay odayaashii iyo waxgaradkii ciidankaasi soo xulay.

Hogaanka Tababarada iyo kormeerka Booliiska Somaliland ayaa xafladaasi ka hadlay ,

waxana uu sheegay in 50 Askari oo kale oo Booliis ah maalmaha fooda inagu soo

haya la qaramayn doono.

 

Hogaanku waxa uu intaasi ku daray in ciidankani isla Maanta bilaabayaan

hawshooda sugida Amaniga.

 

 

Cumar Maxamed faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this