Sign in to follow this  
A_Khadar

Shirkii Isimada SSC Ee Holhol Oo Guul Ku Dhamaaday-(Daawo Sawirada Shirka Holhol)

Recommended Posts

A_Khadar   

Laascaanood,(Lasanod Online)- Shirkii isimada SSC Holhol ayaa madax dhaqameedyada mandaqada SSC ay si weyn ugu lafa gureen xaalada taagan iyo sidii ay isimadu..

 

 

is afgarad buuxa ay uga qaadan lahaayeen dhinacyada Midaynta beesha.

 

Waxaa gebi ahaanba isimadu ay isku raaceen qodobadii laysla qaaday waxay sheegeen gebagebadi shirkooda inay is afgarad ay ku dhamaadeen shirkoodii.

 

Intii shirku socday waxaa meesha ka baxay isku dayo lagu doonayay in lagu burburiyo shirkaas, iyadoo madasha shirku ka dhacayo ee degmada Hohol ay gaadheen guutooyin ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland. taasoo maamulka Somaliland ku doonayay inuu ku joojiyo shirkaas,

 

Balse isimada ayaa u sheegay saraakiisha ciidamadaas inaanay jirin wax

 

Read

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Lasanod Online. Tuesday, January 26, 2010

 

Laascaanood,(Lasanod Online)- Isimada SSC Ee maalmihii ugu danbeeyay ku shirayay degmada Holhol, ayaa ku dhawaaqay inay go'aamada shirkooda ay soo bandhigo doonaan maalmaha soo socda haddii eebe raali ka noqdo,

 

Isimada ayaa ku sheegay sababtan dib u dhigida go'aamada shirka inay tahay maqnaanshaha isimka maqan, sidaa awgeedna ay isimkaas war gelinayaan kuna dhawaaqi doonaan qodobada iyo go'aamada kasoo baxay shirkaas.

 

Isimada ayaa hadalkan ka sheegay kulankii sagootinta ahaa ee ay shacabka reer Holhol u qabteen, waxayna kaloo ay sheegeen isimadu inay is afgarad buuxa ay qaateen iyagoo mabda' isku mida ay ka qaateen guud ahaan waxyaalihii laysla soo qaaday.

 

Isimada ayaa shacabka reer Holhol uga mahadnaqay sidii haboonayd ee ay marti geliyeen.

 

Isimada ayaa markii ay dhamaysteen kulankii sagootinta ahaa ee shacabka reer Holhol, waxay u kicitimeen dhankaa iyo degmada Carooley halkaasoo ay ku sugnaan doonaan ilaa berri,

 

Isimada waxaa laga yaabaa inta ay ku dhawaaqayaan go'aamada shirkan inay joogi doonaan deegaamada mandaqada SSC sida Carooley,Godaalo,Taleex iyo buuro wadal, iyagoo deegaankaa kulamo wacyi gelin ha la qaadan doona shacabka.

 

Isimadu waxay ugu bushaareeyeen shacabka SSC inay Isimadu dhamaan isku raaceen qodobadii laysla soo qaaday, shacabka reer SSC na maqali doonaan Go'aamo ka farxiya.

 

 

 

Wariye: Abdiqani I. Goox

admin@lasanod.com

Xafiiska Wararka Lasanod Online, Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this