Sign in to follow this  
Xoogsade

Ciidamada Ethiopia oo dagaal ku qabsadey Hiraan

Recommended Posts

Xoogsade   

Ciidamada Ethiopia oo dagaal ku qabsadey Hiraan

13 Apr 13, 2008 - 7:27:44 AM

 

 

 

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu dhexmay ciidamo Ethiopian ah oo saakay ka guuray duleedka magaalada B/weyne gaar ahaa deegaanka Centa quindiciiyo Xoogag ka soo hor jeeda waxaana uu ka dhacay sida aan wararku ku heleeyno deegaanka Kabo Qor oo u dhaxeeyo Tuulooyinka Garasyaani iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan waxaana uu socday mudo ku siman n 30 daqiiqo .

 

Dagaakan ayaa laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo islamarkana si weyn looga maqlayay deegaanada ku dhaw iyadoo dirirtaanu dhaxmartey ciidamo lug ah oo labada dhinac ah.

 

Ilaa iyo haatan lama Xaqiijin karo khasarha soo kala gaaray Labada dhinac ee dagaalka uu ku dhex maray inta u dhaxeyso Tuulada Garisiyaan iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan.

 

Shiikh Gaagaale oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysay dhanka ciidamada midowga Maxkamadaha Islaamiga oo la soo xiriirey saxafada ayaa u Sheegay GO in dagaalkani haatan uu istaagay isaga oo intaas ku darey qasaare xoogan u geysteen ciidamada Ethiopia kaasoo isugu jira sida uu sheegtay mid nafeed mid gaadiidba.

 

Marka laga soo tago sheegashada Sarkaalkani ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga majirto cidkale oo ka madax banaan dhinacyada dagalamaya oo noo xaqiijisay qasaarha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Ethiopia lagu soo qaado dagaal gaadmo ah iyaga oo maraya degaamada Hiraan.

 

Ilyaas Guute, Garoweonline

B/weyne

 

GaroweOnline

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this