Sign in to follow this  
Jabhad

Latest news from occupied Somalia.

Recommended Posts

Jabhad   

Xabad joojintii ka jirtey magaalada Muqdisho oo burburtay.

 

 

Mogadishu - 24-March-2007-Allceeldheer.com Xabadjoojintii ay dhowaan gaareen odayaal ka tirsan beelaha ****** iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa burbur ku yimid ka dib markii maanta kulan kale ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo odayaasha beelaha *******.

 

Kulankaan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga hadlay dhibaatada iyo waliba dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo dood dheer ka dib ay isku afgaran waayeen saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo odayaasha beelaha ****** in xabad joojinta ay sii socoto.

 

Afhayeen u hadlay beelaha *******oo la yiraahdo Axmed Diiriye ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiisha ciidamada Ethiopia ay u ku war galiyeen in xabad joojinta dhankooda waxii maanta ka dambeeya ay kaga egtahay isla markaana ciidamada Ethiopia ay howl-gallo guri guri ay ku galayaan ay kaga fulinayaan magaalada Muqdisho.

 

“ Mar haddii sidaasi aan kala kulan nay saraakiisha ciidamada Ethiopia waxaan anaguna u sheegnay in aynu isdifaaceyno isla markaana aan dusha kaga tuurnay dhibaatada iyo qasaaraha ka dhasha arinkaan mas’uuliyadeeda” ayuu yiri Axmed Diiriye oo ku eedeeyay saraakiisha ciidamada Ethiopia in aysan dhex dhexaad ka aheyn arimaha Somalia isla markaana ay doonayaan in ay garab ku siiyaan Qabiil doonaya in qabiil kale uu qabsado.

 

Saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa u sheegay odayaashii beelaha ******* qaar ee halkaasi tagay in howsha ay tahay mid Ethiopia ay wadato isla markaana aysan u oolin Madaxweyne C/lkaahi Yuusuf.

 

“ Ethiopia hadii aanu nahay waxaanu guri guri aanu u gali doonaa magaalada Muqdisho, isla markaana ciddii naga hortimaada ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidamada Ethiopia oo ka hadlay kulankaasi.

 

Odayaasha beelaha ***** ayaa u sheegay saraakiisha ciidamada Ethiopia in awalba sharci darro iyo si gardarro ah ay duulaan ugu soo galeen dalka Somalia, haatana aanu gacmaha ka laaban doonin weerar kasta oo ciidamada Ethiopia kaga yimaada.

 

Si kastaba ha ahaatee markii ay soo baxeen wararkaan ku aadan in kulankaan waanwaanta ah uu fashilmay ayaa waxaa caawa ka soconaya magaalada Muqdisho isku hub uruursi aad u xoogan oo ay wadaan dhinacyadii kal hore ku dagaalamay caasimadda.

 

 

 

Xafiiska wararka Allceeldheer Mogadishu

Kala xiriir E-mail: allceeldheernews@yahoo.com

 

 

Images of yesterdays airplane crash outside Mogadishu. http://allceeldheer.com/news/newsid1970.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa u sheegay odayaashii beelaha ******* qaar ee halkaasi tagay in howsha ay tahay mid Ethiopia ay wadato isla markaana aysan u oolin Madaxweyne C/lkaahi Yuusuf.

The last desperate attempt by the Ethiopians to claim victory in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Belarusian aviation authorities advise airlines not to fly to Somalia

MINSK. March 24 (Interfax) - The Belarusian aviation authorities have recommended that Belarusian airlines refrain from flying over Somalia, in light of a tragic incident involving an Ilyushin Il-76 aircraft belonging to the Belarusian airline Transaviaexport on Friday, Belarusian Transportation Ministry's aviation department chief Vadim Melnik told Interfax on Saturday.

 

The plane was shot down by a rocket over Mogadishu. The crew of 11 on board it were killed.

 

The Belarusian airlines Transaviaexport and Gomelavia are currently engaged in Somalia under UN contracts, Melnik said. va la

 

http://www.interfax.ru/e/B/politics/28.html?id_issue=11699071

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this