Sign in to follow this  
AYOUB

Baidoa Citizens Become Human Shields

Recommended Posts

AYOUB   

Dagaalka oo Baydhabo Ku Dul Hooray Ayadoo Shacabka Baydhabo Laga Dhigtay Gaashaan

December 15, 2006 at 9:11 pm | In |

Dareen cabsi leh iyo dhiillo colaadeed ayay la ciirciiraysaa Baydhabo. Dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay u qaatan baas sheeg iyo belo buunbuunin balse cidina ma dafiri karto ifafaalaha murugada leh ee oo soo wajahay shacabka Baydhabo oo hadii u dagaal dhaco noqon doona dhibanayaasha ku halaagmaya dagaalka. Ha ka ahaato xeelad ma istaraatijiyad ciidan Itoobiyaanka iyo dawlada waxay door bideen in ay Baydhabo gudaheeda ku sugaan dagaal taasoo soo kordhisay halista dagaalka ka soo gaari karta shacabka waana marag ma doonto in shacabka Baydhabo ay ka dhigteen gaashaan lagu gabado gar-ma-qaatayaal aan ka naxaynin. Hadaba waa su’aale maxay tahay guusha ay ka gaari karaan kuwa doortay in ay Baydhabo gudaheeda u soo jiidaan dagaal? 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “caano daatay waa la daba qabtaa” waxaana fal kaas la mid ah qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo xuduntiisa ay ku aasantahay gobolka Baay oo ka naxay halista dagaal ee ay Baydhabo u soo jiiiday siyaasadda madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo Rai’sal Wasaare Cali Maxamed Geedi ee ah magansashada ciidamada Itoobiya oo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo inta la fikirka ah ay in badan ka digeen in ay Soomaaliya u horseedayso dagaal uu dhiig badan ku daato. Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan wuxuu hadda joogaa magaalada Cadan, Yaman wuxuuna maanta ka qaybalay kulan sadex geesood ah oo ay Cadan ku yeesheen Wasiirk arimaha dibada dalka Yaman, Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan asagoo weli aan ka rajo dhigin dadaalkiisa ku aadan in xal nabadeed lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya dawlada iyo Maxaakimta ayadoo aanay jirin faragelin shisheeye. Halka madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf uu waraysi uu maanta Baydhabo ku siiyay weriyaasha wakaaladaha wararka aduunka uu ku sheegay in albaabkii wadahadalada ee Maxaakiimta iyo dawlada uu xirmay uuna isu diyaariyay dagaal. 

 

Read on ...

 

http://baidoa.wordpress.com/2006/12/15/daruuraha-dagaalka-oo-baydhabo-ku-dul-hooray-ayadoo-shacabka-baydhabo-laga-dhigtay-gaashaan/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Best strategy would be to surround the city from all corners and cut off the flow of Ethiopin army into Baydhabo then sit out till these warlords in Baydhabo decide to surrender or go to wherever they are welcome. Preferably to Zenawi's village in the remote regions of Ethiopia. No one will miss them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this