Jacaylbaro Posted January 17, 2010 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isla markaana wuxuu Beesha Caalamka ku cannaantay inay taageeraan Dawladda uu madaxda ka yahay Shariif Sh. Axmed oo uu tilmaamay in ay tahay mid aan masuul iska ahayn iyada lafteedu. Warbixin aad u dheer oo laga qoray sooyaalka taariikheed, siyaasadeed iyo juquraafiyadeed ee Somaliland, ayaa lagu baahiyay barta Internetka ee Virginia Quarterly Review. Warbixintan oo lagu falanqeeyay xaaladaha Siyaasadeed ee uu dalku soo maray, ayaa masuuliyiintii wax laga waydiiyay waxa ka mid ahaa Madaxweyne Rayaale. Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland oo uu sheegay inay sabab u tahay, si dadweynaha Somaliland u noolaadaan, ugana badbaadaan dhibaatooyinka ka taagan Geeska Afrika. “Sababta aanu aqoonsi u raadinaynaa maaha sabab sumcadeed, balse waa mid jiritaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Madaxweynuhu wuxuu Beesha Caalamka ku cannaantay inay aqoonsi buuxa siisay Dawladda Shariifka oo uu sheegay in loo aqoonsaday, si ay masuuli uga noqoto Soomaaliya, balse uu sheegay inaanay naftooda ka masuul ahayn. “Dawladda Muqdisho waxa la siiyay aqoonsi, si ay masuul uga noqoto Soomaaliya oo dhan, laakiin xitaa iyagu masuul iskama aha. Markaa sidee dad aan masuul ka ahayn dalkoodii looga dhigi karaa dawlad sharci ah.” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu Dawladda Soomaaliya ku sheegay kuwo beesha Caalamka iyo shisheeye ka suga inay khilaafkooda xalliyaan. “Bilowgii hore (nabadayntii Somaliland) waligayo namay soo farogelin ajaanib, hadday yihiin Afrikaan iyo hadday yihiin reer Yurub-ba, sababtoo ah bilowgii dhibtayadii waxaanu u aragnay inay tahay dhib anaga noo taala.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu u aragnay inay anaga waajibkayaga tahay in aanu xallino dhibaatadayada. Laakiin, walaalahayaga Soomaaliya taa ma sameeyaan. Mar walba waxay sugayaan ajaanib in uu u xalliyo dhibtooda. Beesha Caalamku waxay ku bixisaa Lacag ay mid walba siiso, balse waxba kama soo baxaan. Mararka qaar waxaan ku idhaahdaa (Beesha Caalamka), waad kharribaysaan walaalahayo, iyaga isu-daaya oo u ogolaada inay wada-fadhiistaan oo ay dhibtooda xallistaan iyagu.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 17, 2010 “Sababta aanu aqoonsi u raadinaynaa maaha sabab sumcadeed, balse waa mid jiritaan.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 17, 2010 Waxaanu u aragnay inay anaga waajibkayaga tahay in aanu xallino dhibaatadayada. Laakiin, walaalahayaga Soomaaliya taa ma sameeyaan. Mar walba waxay sugayaan ajaanib in uu u xalliyo dhibtooda. Beesha Caalamku waxay ku bixisaa Lacag ay mid walba siiso, balse waxba kama soo baxaan. Mararka qaar waxaan ku idhaahdaa (Beesha Caalamka), waad kharribaysaan walaalahayo, iyaga isu-daaya oo u ogolaada inay wada-fadhiistaan oo ay dhibtooda xallistaan iyagu.” waleeh taasana beeen ahayn bal lacagta ha ku si gurran inay wax ka badasho 20 sannoh bay lacag iyo hi iyo hoo ba ag tanayeen bal wax haka so saaran Quote Share this post Link to post Share on other sites