Sign in to follow this  
me

Wufuud balaadhan oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali oo soo gaadhay Buhodle

Recommended Posts

me   

Wufuud balaadhan oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali oo soo gaadhay Buhodle

Friday, 04 June 2010 11:35 | Written by Buhodle.net

 

 

GaraadJaamac1.jpg

Garaad Jaamac Garaad Cali

 

Soo dhaweeyn taariikhi ay ayaa waxaa galabta magaalada Buuhoodle lagu soo dhaweeyey wufuud aad u ballaadhan oo uu hor kacayo Garaadka guud ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaadka kale ee da'da yar ee isna aad loogu han weyn yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

 

 

Wufuudan balaadhan ee ay hor kacayeen laba Garaad Jaamac ayaa waxaa magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda loogu soo dhaweeyey si aan hor degaankan loogu arag looguna maqal. Iyada oo ay soo dhoweeyntaasi maanta duhurkii ka soo bilaabatay magaalada Balicad oo wufuudaa loogu qado kariyey.

 

 

 

 

Garaadada iyo wufuuda la socotay oo lagu soo dhoweeyey boqolaal gawaadhi ah oo isugu jirta kuw ciidamada iyo kuwo shiciba ayaa waxaa ku af beeshay garoonka weyn ee kubada cagta ee loo yaqaano Xabado oo ay ku sugnaayeen dadkii magaalada oo goobtaa diyaar ku ahaa mudo dhowr saacadood ah.

 

Garoonkaa oo dadka ku sugani kumaankun kur u dhaafeen ayaa waxaa markii ugu horeysaba halkaa hadal soo dhoweyn ah oo aad iyo aad loogu diirsaday ka jeediyey hogaamiyaha hogaanka xoraynta iyo midaynta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar oo hada in mudo ah ku sugnaa magaaladan Buuhoodle.

 

Hogaamiyaha oo hadalkiisu isugu jiray wacyi gelin, dhiirgelin iyo soo dhaweeyn loogu talo galay wufuuda Garaadada ayaa ahaa mid sidoo kale si toos ah u taabanayey maamulada aynu deriska la nahay ee sida xaqdarada ah ugu tacadiyey dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Hogaanka ka bacadi waxaa hadalkii qaatay Garaadka guud ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali oo si aad u balaadhan ugu mahad celiyey sida heerka sare ah ee loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeedn. Waxaana Garaadku isaga oo hadalkiisa sii wata ku booriyey dadka ku dhaqan gobolada SSC in ay dhowraan adkeeyaana midnimada iyo isku xidhnaata dadka ku dhaqan goboladaas.

 

Waxaa kale oo halkaa iyana qudbado aad iyo aad u xiiso badan ka soo jeediyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaad Cali Buraale oo iyana aad iyo aad ugu mahad celiyey soodhaweynta habaysan ee ay ugu talo galeen dad weynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle.

 

Garaad Ibraahin Baaruud Guutaale oo ah garaadka gogosha fidiyey ayaa isna goobtaa si wanaagsan uga hadlay isaga oo Garaadada iyo wufuuda la socotaba gacmo furan ugu sheegay in ay ku soo dhawaadaan Buuhoodlena ku tilmaamay guriga umada SSC iyo kan umada Soomaaliyeed oo dhan.

 

Caawana shucuurta dadka ku dhaqan magaalada Buuhoodle waxaad moodaa in uu yahay mid ay dib ugu bilaabayaan kacaankii labaad ee halgankii taariikhiga ahaa ee Daraawiishta oo lagu hanweynyahay in uu noqondoono mid la gaadhsiinyo umada Soomaaliyeed oo dhan meel kasta oo ay joogaanba.

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Jacaylbaro:

JB keep posting BBC's interview with its notorious baias against people of SSC and denying broadcasting the real news of that part of the world. This shows your true colors of feeding unrelated news to highjack this thread....

 

Thanks Universal.. Here is the people of Buhodle..

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

its clear jilibka u dhasay degaanka ma rabaan in degankooda laga abuuro dagaal, and they want the khasuusi out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Qudhac:

its clear jilibka u dhasay degaanka ma rabaan in degankooda laga abuuro dagaal, and they want the khasuusi out.

Last straws.. Beg you pardon! Now it's your last card of clan/jilib craps..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Khadar walaal,

 

Haa isku daalin, kuwan waa xaasidiin, waxa ee ku xunyihiin midnimada iyo isku-duubnida shacabka SSC.

 

Dhamaan dhulka SSC waa la xoreenayaa, taako lagama tagayo, ka naxoo nafta waaya, ama oohin iyo cabaad la dilaaca

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this