Sign in to follow this  
Xudeedi

Further Chaos in Bosaso; Who is Responsible?

Recommended Posts

Xudeedi   

Magaalada Bosaso oo Maanta lugu diley Askari ka soo jeeda Gobolada sanaag iyo Hayland

 

Bosaso:-Askari ka tirsan ciidmada maamulka Puntland oo ka soo jeeda gobolada sanaag,Bari iyo Hayland ayaa maanta lugu diley agagarka suuqa caanaha ee Magaalada Bosaso ,Halkaasi oo aan la sheegin cidii dilka Askarigaasi geysatay isagoo markaasi ka soo socday gudaha suuqa Furshada ee Magaalada Bosaso.

 

 

Askarigan waxaa uu sitey Qori uu garabka ku laadlaadsanayey hase ahatee markii dilka lugu fuliyey Askarigani Ma awoodin inuu xarkaad sameeyo oo Qorigiisa isku difaaco.

 

 

Askarigan ayaa la sheegay inuu iminka yaalo cisbitalka Magaalada Bosaso,mana jrto wax faahfaahin ah oo laga sheegay dilkiisa cidii ka dameysey Waana dilkii 2aad oo Mudo 12Saac gudohood ah ka dhaca gudaha Magaalada Bosaso ee Xarunta G/Bari.

 

 

Dhahar Online/Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Nin rayad ah oo Caawa Bosaso lugu diley

 

Bosaso:-Abaara 7:20Daqiiqo waxaa lugu diley Caawa gudaha Magaalada Bosaso nin rayad ah oo ay Rasaas kuFureen 2 Nin oowejiga soo Xidhay sida ay shegeen dad rayad ah oo markaasi ku sunaa meherado ka ag dhow goobta lugu diley Ninkan rayadka ah.

 

 

Waxaa la sheegay inay 2Nin ee wejigu u duubanyahay ay Adeegsadeen oo ninkaasi ku dileen Bastoolada gacanta lugu qaato iyadoona aysan jirin ilaa iminka Cid sii Faahfaahinaysa Halka ay u dhaqaqeen Nimankaasi.

 

 

Ninkan Rayadka ah ee lugu diley Bosaso ayaa sidoo kale lugu diley goob shaarac ah oo ay marayaan gadiid yaryar oo farabadan iyo Weliba dadwayne isdaba xoomaya ,iyadoo ay beryihii u damayey Magaalada Bosaso wax caadi ah ay ka noqdeen dilalka aan Daawada iyo dabagalka lahayn ee lugula kacayo dadk rayadka ah.

 

 

Dhahar Online /Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Boosaaso (RBC) Dilal hor leh ayaa maanta iyo xaley gudaha magaalada Boosaaso loogu geystey dad kala duwan oo ku sugnaa magaalada.

 

Barqanimadii maanta ayaa askari ka tirsan ciidamada amniga magaalada waxaa toogasho ku dilay niman hubeysan oo aan la garan. Dilka askariga ayaa ka dhacay wadada suuqa caanaha ee bartamaha magaalada Boosaaso.

 

Sida ay RBC u sheegeen goob joogayaal waxaa askariga la dilay uu ku lebisnaa dharka ciidanka ee tuutaha markii la tooganayey. Dadkii dilkaasi geystey ayaa ka baxsaday goobta.

 

Habeenkii xaley ayaa sidoo kale gudaha magaalada Boosaaso waxaa si kala gooni ah loogu dilay labo nin oo dhalinyaro ah kuwaasi oo sida la sheegay ahaa dadka degaanka.

 

Mid ka mid ah abada nin ee xaey lagu dilay Boosaaso ayaa ahaa wiil uu adeer u yahay xildhibaan ka tirsan barlamanka Puntland, halka ninka labaad oo isaguna ahaa nin dhalinyaro ah la sheegay inuu ahaa ganacsade ka shaqeysta magaalada. Lamana yaqaano sababta loo dilay dadkaasi.

 

Dilalkan ayaa u muuqda kuwo si isdaba joog ah loo fuliyey, waxaana ay ku soo beegmayaan xilli amaanka magaalada aad looga deyrinayo.

 

Dadweynaha reer Boosaaso qaarkood ayaa u arka dilalkan kuwo walaac ku beeri kara bulshada haddii aan wax laga qaban, halka saraakiisha booliskuna ay sheegayaan inay wax ka qabanayaan.

 

Dad ku sugan magaalada ayaa RBC u xaqiijiyey in hawlgalo dheeri ah ay ka socdaan magaalada tan iyo habeenkii xaley markii dilalkani ay dheceen

 

Raxanreeb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

 

 

Boosaaso (RBC Radio):- Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya dil xaley bartamaha magaalada Boosaaso loogu geystay qof rayid ah, dilkaasi oo uu fuliyey ruux aan heybtiisa weli la garan ilaa iyo hadda.

 

Qofka lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso ayaa la sheegay in magaciisa la yiraahdo Maxamed Cali Ismaaciil ku magac dheer (Ismalure) waxaana wararku intaa ku darayaan in marxuumka la dilay uu ahaa nin dhalinyaro ah oo ka shaqeysa Suuqa Sarifka Boosaaso, waxaana la sheegay in uu adeer u yahay Xildhibaan Axmed Cabdi Xabeeb oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland.

 

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka loo geystay Marxuum Maxamed, hayeeshee waxaa weli soconaya baaritaanka ay sameynayaan Ciidanka Booliska gobolka Bari, iyadoo Saraakiisha amaanka gobolka Bari ay sheegeen in ay wadaan baaritaankaasi ilaa ay ka helaan xogta dhabta ah ee ka dambeysa dilka marxuumka xalay lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso.

 

Dilkani ayaa noqonaya kii saddexaad ee todobaad gudihiis ka dhaca bartamaha magaalada Boosaaso, waxaana dadweynuhu ka walaacsan yihiin xaalada amaanka gaar ahaan dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo dadka kala duwan ee magaaladaasi ku nool.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Boosaaso (RBC Radio):- Hal qof ayaa lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, gaar ahaan agagaarka xarunta xawaalada Amal Bank ee gudaha magaalada Boosaaso.

 

Nin ku hubeysan bistoolad ayaa la sheegay in uu madaxa ka toogtay nin rayid ah oo marayey wadada laamiga ee bartamaha magaalada Boosaaso, waxaana qofka la dilay uu ku sugnaa goob aad u mashquul badan oo habeenkii lagu caweysimo.

 

Shaqsiga dilka geystay ayaan la garan, waxaana dilka kadib uu ka cararay halkii uu ku dilay marxuumka la sheegay in uu yahay qof rayid ah, waxaana durbadiiba meesha gaarey ciidanka Booliska gobolka Bari, kuwaasi oo suga amaanka magaalada Boosaaso xilliga habeenkii ah.

 

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay in ay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan ciddii ka dambeysay dilka loo geystay qofkaasi rayidka ah ee caawa lagu dilay goob aad u mashquul badan oo u dhow xarunta Amal Bank, waxaana ciidanka Booliska ee halkaasi gaarey dilka kadib ay wareysteen qaar ka mid ah dadkii goob jooga ahaa.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Booliska degmada Boosaaso oo baaraya dil xalay dhacay

 

Sabti, Agoosto, 28, 2010 (HOL)-Ciidamada amniga degmada Bosaaso ayaa wada baaritaano ku aadan dil habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada ,kaasi oo loo gaystay ruux dhalinyaro ah oo ka shaqayn jiray suuqa sarifka.

 

Waxaa uu dilkan ka dhacay bartamaha magaalada,gaar ahaan meel ku dhow dowlada hoose ,waxaana dilkiisa fuliyay nin ku hubaysnaa baastoolado.

 

Taliye ku xigeenka ciidamada boliska Puntland Maxamed Siciid ayaa sheegay in marxuumka dhintay lagu magacaabi jiray Cali Ismaaciil ,isla markaana uu ka mid ah dhalinyarada Bosaaso ku ganacsata.

 

"Waxaa bolisku ay wadaan in gacanta lagu soo dhigo qofkii dilkaasi fuliyay,lamana garanayo sababta uu dilkan u dhacay" ayuu yiri taliyaha mar uu la hadlayay warbaahinta.

 

Maxamed Siciid ayaa intaa ku daray in maxkamad la soo taagi doono gacan ku dhiiglihii dilka gaystay oo goobta ka baxsaday ka dib markii uu dilkan fuliyay.

 

Magaalada Bosaaaso ayaa ahayd mudo bil ah mid aaney ka dhicin wax dilal qorshaysan ah,waxaana iminka dib u soo laabtay roondooyinkii magaalada laga qaban jiray xiliga habeenkii ah

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Taliyaha Laanta canshuuraha Gobolka Bari oo Xalay Qarax Ban luu ridey

 

Bosaso:-Taliyaha Laanta cashuuraha Gobolka Bari C/laahi Axmed Bashiir Khayr(Bashka) ayaa Waxaa lugu soo Weraray Banbo hoyga uu ka deganyahay Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari,ilaa iyo iminkana lama sheegin Qasaaraha dhabta ah ee ka dhacay Werarkaasi lugu qaaday aqalka Taliyaha.

 

 

Bashka ayaa ciidanku Rasaas ooda ka qadeen ka dib markii kooxa aan haybtooda la qoon ay raas soo huwiyeen gudaha guriga Taliayaah o aysan waxba ku noqon ilaalada gaarka ah ee taliyaha laanta canshuuraha Gobolka Bari.

 

 

Wax war ah kama soo saarin Co-Bashka Werarkan banbaano ee lugu qaaday gurigiisa oo ku yaala xaafda New Bosaso ee Magaalada Bosaso.

 

 

Dhahar Online/Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

TALIYAHA CIIDAMADA ILAALADA CASHUURAHA GOBOLKA BARI OO XALEY BAM-GACMEED LAGU WEERARAY.

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Cashuuraha Magaaladda Boosaso ee Gobolka Bari C/qaadir Axmed Kheyr ayaa ka badbaaday Weerar Bam Gacmeed ah oo Lagu Soo tuuray Guriga uu ka dagan yahay Magaaladda Boosaaso, Waxaana lagu soo waramaya in uu halkas ku dhaawacmay mid kamida Ilaalada Taliyaha.

 

Kooxo dableya ah ayaa Xaley Fiidkii Bom gacmeed ku weeraray Guriga Taliyaha Ciidamada Ilaalada Cashuuraha ee Magaaladda Boosaaso Waxeyna wararku sheegayaan in uu qaraxaas ka badbaaday Tiliyaha Ciidamada Ilaalada Cashuuraha.

 

Wax yar kadib Qaraxa Bom Gacmeedka ayaa Afaafka hore ee Guriga Lagu Soo tuuray Waxaa ku dagaalamay Ciidamada Ilaalada Taliyaha iyo Kooxihii dableyda ahayd Waxaana halkaas dhaawac kasoo gaadhay Mid kamida Ilaalada Taliyaha.

 

Labadii Cisho ee u dambeysay Waxaa Magaaladda Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ka dhacay dilal kala duwan kuwaas oo ka dhacay bartahama Magaaladda Boosaaso ilaayo hadana majirto cid loo qabtay dilalkaas.

 

Liibaan C.rashidi Siciid

Liibaan5711@hotmail.com

Laasqoray.NET

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this