Sign in to follow this  
OLOL

Somali Karate-Judo Tae Kwon Do Association

Recommended Posts

OLOL   

sw_kar1.jpg

 

It brought tears to my eyes by seeing the great Master - Aweys Orfeo - in this picture. It is people like him who still working and building sports societies that deserve our admiration. Not warlords like Caasho Yusuf who are sick-minded and want to still continue the destruction.

 

 

Waxaa Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad qalin jebin iyo Horyaalka Karate-Teakwondo-ga , xafladan oo ay soo agaasintay xiriirka Soomaaliyeed ee Karate-Teakwondo-ga ayaa waxaa lagu soo bandhigay tartamo ciyaareedka Teakwondo iyo Karate waxaa goob joog ka ahaa xafladan Mas`uuliyiin ka tirsan Guddiga Olambikada Soomaaliyeed iyo Mas`uuliyiin ka socotay Maxkadaha Islaamiga gaar ahaan Madaxda labada degmo ee Xamarweyne iyo Xamar Jajab .

 

Xafladan ayaa waxaa hadalo ku aadan dadaalkii loo soo galay tababarka iyo soo barbaarinta jiil isboorti oo dhinaca Teakwondo iyo Karate-ga ka soo jeediyay khabiirka isboortiga ee ciyaarahan Aweys Maxamed Abati (Orafeeyo) isagoo tibaaxay in isboortigu yahay waxa keliya ee ummadda isku keeni kara wuxuu tibaaxay in ay soo saareen 22 dhallinyaro oo ay tababar ku siiyeen muddo 6 bil ah sidii ay u noqon lahaayeen kuwo matala dalkooda wuxuuna tibaaxay in dhallinyarada hadda tababarka yahiin kuwo suuman kala duwan haysta looguna talagalay in ay noqdaan kuwo ku ciyaara ciyaarta KARATE-TEAKWONDO .

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha labada degmo Xamarweyne iyo Xamar Jajab ee Maxkadaha Islaamiga Sheekh Xuseen Cumar Xuseen wuxuu Sheekha ku in aysan diidanayn isboortiga isagoo sheegay in loo baahan yahay in loo baahan yahay in shareecada Islaamka waxa ay diideyso in laga dheeraado wuxuuna tusaale u soo qaatay Salaanta ciyaaraha Karate-ga iyo Teakwondo-ga ee dhabarka la jebinaayo in meesha laga saaro wuxuuna X.S.K.T ku waaniyey in aysan is dhexgelin gabdhaha iyo wiilasha wuxuu sheegay in loo baahan yahay in gabdhaha ay tababaraan gabdho wiilashana wiilal wuxuuna intaasi raaciyay inay wanaagsan tahay in la barto difaaca nafsiga .

 

Kusimaha Guddoomiyaha C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) ayaa isagana sheegay in ay ka qaateen talada uu soo jeediyey Sheekh Xuseen wuxuuna xiriirka Karate-Teakwondo-ga ku amray in ay joojiyaan Salaanta hoos madaxa loo raaricinaayo , Sidoo kale wuxuu u Mahadceliyay Guddoomiyaha Maxkadda Xamarweyne iyo Xamar Jajab Sheekh xuseen isagoo ku tilmaamay ninkii ugu horeeyay ee ka socda dhinaca maxkamadaha Islaamiga ee kala qeybqaatay bahda isboortiga xaflad isboorti wuxuuna Abkoow tibaaxay in aysan Bahda isboortiga raali ka ahan waxa aysan diinta Islaamka qabin .

 

Ma`aha markii ugu horeeyay oo ay qabtaan xiriirka xaflad ama horyaal Karate-Teakwondo-ga waxaa xafladan ka soo qeybgalay G/xigeenka G.O.S Arimaha Xiriirada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, Xoghayaha G.O.S C/llaahi Axmed Tarabi,Nageeye oo dhinaca CRD ka socda ,Ganacsade Maxamed Faarax Siyaad iyo Guddoomiyaha Guddiga O.Degmada Xamar Jajab Xabiib Maxamed Saciid waxayna xafladda ku soo idlaatay si heer sare ah iyadoo ciyaaryahanada lagu guddoonsiiyay suuman kala ceyn ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Where is the picture, sxb? I don't see the picture of the great man you are pointing out.

 

Karatee inaan barano waaye si hadii ay hubka iyo rasaasta naga dhamaadaan aan itoobiyaanka looto iyo haraanti ugu dilno!

 

Very Nice Defensive Skills!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this