Sign in to follow this  
Hunguri

Dhimashada ka taagan Mogadisho isagoo og maaha inuu soo fara galiyo S-land

Recommended Posts

Hunguri   

hadhwanaag 2007-04-24 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalkii shalay ka soo yeedhay ra’isal wasaaraha dawlada Embeghatiee Kenya lagu soo dhabdhabay Kenya Cali Geedi.

Sida waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada ahna la taliyaha dhinaca warbaahinta Md, Siciid Cadaani Mooge oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com ee magaalada Hargeysa.

waxa kale oo ay warsaxafadeedkooda ku sheegeen iyada oo dilka iyo dhimashada iyo burburka ka taagan Somalia gaara ahaan magaalada muqdhisho la og yahay inuu hadana Cali Maxamed Geedi soo fara galiyo arimaha Somaliland ayna tahay wax laga xishoodo oo lagana yaqyaqsiyoodo,

isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sidan:

 

“shirka jaar’id ee uu uqabtay warbaahinta Raysal wasaaraha maamulka lagu soo dhisay imbagaati Cali Maxamed Geedi oo ku tilmaamay Somaliland in ay xarun u qonotay argagixisa iyo isla markaana isku xidhiidhiyay dagaalka Muqdisho iyo Kismaayo iyo isku dhicii ka dhacay Dhahar waxa ay yihiin meel ka dhac iyo daan daansi loola jeedo in lagu wax yeleeyo qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland.

Ma aha markii ugu horeysay ee Raysal Wasaaraha Enbagaati Geedi uu meel ka dhac ku sameeyo Somaliland. Sida laga war qabo bishii December 2006ka Cali Geedi waxaa uu saxaafada usheegay in ay xidhan yihiin eriboodadii Dalkii laysku odhan jiray Somalia oo ay ku jirto Somaliland.

 

Waxa hadaba Cali Maxamed Geedi uu caadaystay mar alaaliyo marka uu saxaafada la hadaayo inuu carabka ku dhufto wuxuu ku tilmaamay aragagaxiso taas oo uuga dan lee yahay beer la xowsi in uu aduunka kaga helo dhaqaale iyo cuduudba.

 

Waxaanu lee nahay Cali Geedi iyo inta maamulkiisa ka mida aduunku wuu og yahay waxna uma kala qorsoona Somaliland Nadab galyada iyo geedi socodka Dimuqraadiyada ay ku talaabsatay.

 

Somalidu waxay ku maah maahda Nintiisaba daryeela ayaa tu kale ku dara iyadoo aynu ognahay dilka iyo dhimashada iyo burburka ka taagan Somalia gaara ahaan magaalada muqdhisho inuu Cali Maxamed Geedi soo fara galiyo arimaha Somaliland waa wax laga xishoodo oo lagana yaqyaqsiyoodo.

 

Somaliland gobanimadeeda iyo madaxbanaanideeda lama taabtaan cidna u daba fadhiisanyso sidii ay xuduudkeeda u sugi lahaydna dowlad iyo shacbiba iyaday utalaa waxaa kale oo xusid mudan Somaliland iyo Ethiopia inuu ka dhaxeeyo xidhiidh fiican oo jaarnimo ah oo labada wadanba ay heshiis ku yihiin inay iska kaashadaan wixii nabad galyadooda wax udhimaaya.

 

Sida laga war qabo Somaliland Gacan bira ayay ku qabtay aragagixisadii damacday inay wax yeelo u gaysaytaan nabad galyada iyo dagaanan shaha Somaliland”

 

Arrinkan ayaa ka danbeeyey shalay shir jara’iid oo uu ra’isal wasaaraha Emeghati uu ku eedeeyey Somaliland inay tahay hoygii argagixisada oo ay dagaalada ka soconayaa dhahar, kismaayo iyo muqdisho ay wadaan.

 

Weriye. Mustafe-janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

E-mail, janaale94@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this