Sign in to follow this  
Jabhad

ICU oo dib u riixay Ciidamadi Puntland,Ethiopia iyo Cabdi qeeybdiid.

Recommended Posts

Jabhad   

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii saakay ka qarxay Deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug

 

Axad, November 12, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu saakay aroortii halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo u daacad ah Maamul goboleedka Puntland, sida uu shaaca ka qaaday Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka ee Gobollada Dhexe.

 

 

 

Afhayeenka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Cagaweyne ayaa sheegay in ay saakay aroortii weerar ku soo qaadeen ciidamo ka yimid Puntlnad oo ay la socdeen sida uu yiri kuwo Itoobiyaan ah, wuxuuna sheegtay in ay guul ka gaareen dagaalka, isla markaana ay ciidamadii weerarka ku soo qaaday u ceyrsadeen dhinaca Itoobiya.

 

 

 

Cagaweyne, wuxuu kaloo sheegay in ay haatan ciidamada Maxkamadaha Islaamka ka taliyaan deegaanada Gelinsoor, Dagaari, Bandiiradley iyo Tuulo Xalaal deegaanadaas oo ay horay looga hor istaagay Ciidamada Maxkamadaha in ay tagaan

 

 

 

Dagaalkan oo ahaa sida wararka aan ku heleyno mid xooggan ayaaney ilaa iyo haatan soo bixin khasaaraha uu geystay marka laga reebo in ay Dhinaca Maxkamadaha sheegteen in ay jab u geysteen ciidamada ka soo horjeeday. Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Puntland oo ku saabsan in ay saakay weerar ku qaadeen ciidamada Maxkamadaha, isla markaana dagaalka lagu jebiyay.

 

 

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dagaalka saakay ka qarxay Bandiiradley ayaa waxay sheegayaan in Maxkamadaha Islaamka ay ku sii siqayaan Magaalada Gaalkacyo oo haatan la leeyahay waxay u jiraan 20km, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay iyaguna Magaalada Gaalkacyo soo gaareen ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka yimid dhinaca Garowe, kuwaasi oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in uu horkacayo Madaxweyne Jen. Cadde Muuse Xirsi.

 

 

 

Dhinaca khasaaraha dagaalka haddii aynu soo hadal qaadnana waxay Maxkamadaha Islaamka sheegteen in ay labo Taangi ka qabsadeen Ciidamada Itoobiya, waa sida uu sheegayo Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo sheegay in uu xiriir la sameeyay halka uu dagaalka ka socdo.

 

 

 

Sidoo kalena waxay warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac soo kala gaaray, walow dhinacyada dagaalka u dhaxeeyo ay ka gaabsaneyso in ay sheegto in khasaare ka soo gaaray Dagaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^That was yesterdays news. Bandiradley is in play and up to 30 injured have been rushed to Guriceel which is the town of IndaCade and Co.

Duuliye say goodbuy to the dream of setting up clan courts in Puntland.

 

This is a clan war, Mogadishu Vs Puntland so no more pretences old boy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^Atheer the war is bigger than you, bigger the clan state of Puntland. Its a war between ICU and Ethiopia.

 

 

Ciidamo Itoobiyaan oo ka soo talaabay xadka gobolka Mudug iyo Jen. Cadde Muuse iyo 50 baabuurta dagaalka ah oo ku soo jeeda Gaalkacyo

 

Iyadoo barqanimadii maanta ay dagaalo qaraar ku dhexmareen deegaanka Bandiiradley oo ka tirsan gobolka Mudug ciidamada maxkamadaha iyo Col. Qeybdiid iyo Puntland oo dhinac ah ayaa wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan baabuurta dagaalka iyo Taangiyo ay ka soo gudbeen xadka gobolkaasi uu la wadaago dalka Itoobiya si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada Col. Qeybdiid iyo kuwa Puntland ee looga awood roonaaday dagaal qaraar oo maanta ay la galeen ciidamaada maxkamadaha islaamiga ah.

 

Dhinaca kale, wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe oo xarun u ah maamul goboleedka Puntland ayaa waxay sheegayaan in ciidamo ku hubeysan ilaa 50 baabuurta dagaalka ah oo uu la socdo madaxweynaha maamulkaasi Jen. Cadde Muuse Xirsi ay ka soo dhaqaaqeen magalaadaasi, iyagoo ku soo jeeda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, lamana garanayo ilaa hadda in ciidamadaasi ay ka qeyb geli doonaan dagaalada ka soconaya deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

 

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa waxay sheegayaan in banaanbaxyo looga soo horjeedo maxkamadaha islaamiga ah ay ka dhaceen magaalooyin ka tirsan deegaanadaas, iyadoo la sheegayo in xiisadaha deeganaadaasi ka jirana ay sii kordhayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Suldaan Siciid Cartan “Shacabka Puntland waa iney isu diiwaan geliyaan dagaal jihaad ah oo lala galo kuwa diidan ku dhaqanka kitaabka ALLE iyo gaalada”

 

 

Guddoomiyaha kacdoonka shacabka ee ku dhaqanka shareecada Islaamka Puntland kana mid ah salaadiinta beelaha Puntland Suldaan Siciid Cartan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay hotelka Amiira ee magaaladan Muqdisho ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Puntland iney isu diiwaan geliyaan dagaal Jihaad ah oo lala galo kuwa ka soo horjeeda ku dhaqanka shareecada Islaamka sida uu hadalka u dhigay, iyo gaalada soo duushay, kuwaasoo sida uu tilmaamay ku sugan deegaanada Puntland.

 

Suldaanka ayaa intaa ku daray in masiirka iyo rabitaanka shacabka reer Puntland aysan xoog ku heysan Karin wax uu ugu yeeray koox yar oo daneystayaal ah. “Maamulka Puntland waxaa la asaasay 1998-dii, iyadoo lagu saleeyey beelaha degan gobolada bari, waxayna jirtay 8 sanaadood dad ku baraaray iyo kuwo ku dulmanaa intaba, maantay waxaa rabigey noogu naxariistay in Puntland looga kaaftoomay kitaabka ILAAHEY iyo ku dhaqankiisa” ayuu yiri Suldaanka oo ugu baaqay shacabka Puntland iney qaataan kitaabka ILAAHEY oo uu tilmaamay in lagu gaari karo liibaan adduun iyo mid Aakhiro.

 

“Shacabka Puntland waxaan ugu yeereynaa iney ku jihaadaan cadowga Soomaaliya iyo kuwa diidan shareecada Islaamka ku dhaqankeeda” ayuu yiri Suldaan Siciid cartan oo ah Guddoomiyaha kacdoonka shacabka Puntland ee ku shareecada Islaamka Puntland. Mujaahidiinta waaa iney is diiwaan geliyaan qabiil iyo qurun ayey ku hadhay

 

 

 

Kala xiriir Suldaaanka Tel:00252-1-821381

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^That was yesterday before the clan courts tried to attack Galkacyu, I tell you the war is between the clan courts of Mogadishu and Puntland State. They [clan courts] were only ever against the TFG because its head is from Puntland.

 

A classic clan war has begun and forget Ethiopia, you can not even capture Galkacyu with 5 months in Galinsoor..

 

Now Duuliye the people are awakened to this and you will get less support from within the state, this is sad but they fell for it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

.......Dear Duuliye the propoganda war has also begun on the other side as well.....Here is Puntland's very own tabload....

 

Ciidmadii Daacada u ahaa Cabdi Cawaale Qaybdiid ayaa markale degaanka bandiiradleey Gacanta ku dhigay, iyaga oo 18 tikniko ahna ka qabsay Maleeshiyaadka Maxaakimiinta iyo Maxaabiis lagu sheegay inay kor u dhaafeen 80 oo u badnaa Dadka loo yaqaano Oromada.

 

Maleeshiyaadkaan Maxaakimiinta ayaa saaka lagu sheegay inuu hogaaminaayay ninka lagu magacaabo Aadan Xaashi Cayroow, waxaana warar aan lahubin o kala duwan ay sheegayaan in ay Gacanta ku dhigeen Ciidankii Cabdi Cawaale Qaybdiid Mr Cayroow, marna waxaa la sheegayaa in uu dhaawac ku noqday dagaalkii saaka.

 

Saraakiisha aaga hore ee dagaalka hogaaminaysa oo aan goordhawayd khatka taleefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalkaanu uu ahaa mid laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, iyada oo ay maleeshiyaadka maxaakimiintu ay dagaalkaan ku soo galeen 150 gaadiidka loo yaqaano tiknikada.

 

Maleeshiyaadka maxaakimiinta ayaa la sheegay inay kala firxadeen oo ay jaanta rogteen, waxaana saraakiishaan Jiida hore ee Ciidanka Cabdi Cawaale Qaybdiid Hogaaminaysa ay inoo sheegeen inaysan ka hari doonaan ilaa iyo inta ay soo xabaalayaan godadka ay ka soo dulaan iyo ilaa iyo Gobolka Hiiraan.

 

Dagaalka saaka dhacay ayay saraakiishaani noogu macneeyeen in uu u jeedadiisu ahaa Gobolada Koonfurta soomaaliya oo roob badani ka da’ay, iyada oo aan cid duulaan iyo dagaal qaadi kartaa aysan jirin ayay Midowga Maxaakimiintu waxay go’aansadeen in dhinacaan aan roobku ka di’in oo aan dhooblayda ahayn ay weerar duulaan ah ku qaadaan si ay gacantooda u gasho.

 

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Tell me who is the aggressor here, the clan state of Puntland which harbours and arms one of the hated warlord in Koonfur Somalia as well as in Puntland[Remember the Galkacyo massacre] and proudly claims to have Ethiopian soldiers in Somali soil[Remember dictator/mafia leader, Cade on BBC]. War was inevitable with such criminal gangs holding hostage to the good people of Puntland. And remember the clan state of Puntland,Ethiopia and Warlord Qeybdiid is agains just one Islamic court, that of criminal Qeeybdiids clan, not the rest of the ICU starting from Galgadud to Kismayo. This war would never have happened if the clan state of Puntland and its Ethiopian trainers smile.gif stayed in northern part of Galkacyo and stoped siding with evil warlord.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The massacre of Galkacyu was led by Aydeed but every clan courts millitia took part. The clans of Mogadishu were united in their agression towards the people they cleansed from Mogadishu. That project is history, today xasan dahir want to controle Galkacyu using the pretext of clan court Al-Furgan, but Puntland knows his designs are much grander and we say NO. You Xasan Dahir can stay in your area, but are not welcomed in Galkacyu Puntland.

 

Also, Puntland's relation with any nation including Ethiopia is none of your business, we are an autonomous state and take orders from no one but the TFG, nor would we attack you because you have CIA spies and Eritrean lackeys in your midst.

 

Galkacyu our southern jewl is a no go zone for clan courts, be prepared for war.

 

Also, Idamaale is no worse than Goobjoog,Dayniile, Shabbele it is a propoganda tool to motivate the people against the Clan courts and their Oromo, Eritrean Al Qaida fighters.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^Don't take us back to the dark days of the clan wars, wars which criminal Qeeybdiid was one of the leading actress along with the biggest criminal of all, G.Caydiid.

 

Also, Puntland's relation with any nation including Ethiopia is none of your business, we are an autonomous state and take orders from no one but the TFG, nor would we attack you because you have CIA spies and Eritrean lackeys in your midst.

 

If the clan state of Puntland declared indepence just like that of Somaliland, then I stay out of their business :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib we have been independent for a long time, we built our cities from scratch. Also Puntland is a clan state no shame in that what so ever. However unlike the clan courts it does not pretend nor cloaks itself in the sacred religion.

 

Duuliye, your clan courts have taken us back to the dark day, but this time we are all well armed and organised and have outside support. So do you suppose we will watch your boys attack us?

 

No this will speed up the war, we all wanted to avoid. A war much worse than the one before..

Share this post


Link to post
Share on other sites
king_450   

Atleast the ppl of puntland live well. The clan court need to stay their huts and build first before eyeing houses that does not belong to them. Isn't it enough already for the houses they looted and still occupying?. Hate to see these bastars following us every where we go. Stay your areas and build. We are devided for good and never want see likes of you and your ways of living. Don't posion our children!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this