Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

25 dead so far in fears fighting.

Recommended Posts

25 ku dhimatay dagaaladii Muqdisho oo xoogeystay

10 May 10, 2009 - 1:48:51 PM

 

 

 

Ugu yaraan 25-qof oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan dowlada ayaa ku dhintay 57-kalena way ku dhaawacmeen dagaalo u dhexeeya Maxkamadaha Islaamka ee dowlada raacsan, Ururka Xisbul Islaam iyo Ururka Al-shabaab, kuwaasoo xalay [May 9] oo dhan ka socday Muqdisho.

 

Dagaalada oo weli socda ayaa ka dhacaya xaafado ka tirsan degmooyin Wardhiigley iyo Yaaqshiid, iyadoo xoogaga Al-shabaab ay ku siqayaan goobo muhim ah oo ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen maleeshiyada Maxkamadaha; waxaana xaafadaha qaar daadsan maydad.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka dhintay ay qaarkood madaafiic kula dhacday gurayhooda, iyadoo dadku ay saakay bilaabeen inay guryahooda ka cararaan, ayna dib ugu laabtaan goobaha lagu barokacay sida Ceelasha Biyaha.

 

"Madaafiic iyo rasaas xoogan ayaa la isku dhaafsanayaa xaafado ay ka mid yihiin Suuqa Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid... dagaalku wuxuu u dhexeeyaa Xisbul Islam oo gacan ka helaysa Al-shabaab iyo Maxkamadha taageersan dowlada" ayuu yiri Cumar Ismaaciil oo ka mid ahaa dadkii ka cararay guryahooda.

 

Sidoo kale dadka deegaanada lagu dagaalamay ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in xoogaga Maxkamadaha Islaamku ay xalay la wareegeen saldhiga Degmada Yaaqshiid, halkaasoo laga fara-maroojiyay Xisbul Islam.

 

Dagaalka ka socda degmada Wardhiigley, gaar ahaa agagaarka Madaxtooyada ayaa wuxuu ka bilowday kadib markii baasuuke lala beegaday gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan dowlada, kaasoo la sheegay inuu dhintay, halka ilaaladiisa qaarkood ay dhaawacmeen.

 

Madaafiic dhowr ah ayaa lala beegsaday Madaxtooyada [Villa Somalia], halkaasoo uu ku sugan yahay Madaxweyne Sh. Shariif, balse ma jirto khasaare ay sababeen madaafiicdaas oo la sheegay.

 

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islam Sh. Cumar Iimaan oo horay dagaalka ugu tilmaamay mid aan wanaagsanayn ayaa ka dhawaajiyay inay dagaalka ku biireen markii la weeraray saldhigyo ay ku leeyihiin Muqdisho.

 

"Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka ayaa weeraray saldhigyada Wardhiigley iyo kan Yaaqshiid oo ay ciidamadeenu ku sugnaayeen, sidaa ayaanan dagaalka ugu biirnay, waana wadaynaa" ayuu yiri Sh. Cumar Iimaan.

 

Dhaqaatiirta Isbitaalada Dayniile, Kaysaney iyo Madiina ayaa sheegay inay soo gaarayaan dhaawacyo kala duwan, iyagoo xusay in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo halis ah.

 

Iskahorimaadyadan u dhexeeya kooxaha mucaaradka ah iyo ciidamada dowlada ayaa noqonaya kuwii ugu cuslaa ee ku dhexmara Muqdisho tan iyo markii ay ciidamada Ethiopia ka baxeen Somalia.

 

Dadweyne badan ayaa ka firxanaya guryahooda, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo lagu dalbanayo in dagaalka la joojiyo, mana jirto koox si gaar weli uga hadashay dagaalka.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this