Sign in to follow this  
Kamaavi

Warbaxin:-Ganacsiga Dhiiga Iyo Batroolka- Waa Book Ka Hadlaya Ogadeeniya Iyo Sudan.

Recommended Posts

Kamaavi   

24ditet.jpg

 

Dalka Sweden Ayaa lagu Daabacay Book loogu Magac Daray Ka Ganacsiga Dhiiga Iyo Batroolka, Buugan ayaa waxaa qoray Suxifiyad u dhalatay Dalka Sweden, Suxufiyadan oo caan ah ayaa eed xoogan u soo jeedisay Shirkada Ludin ee Baadha qodana Shidaalka, Suxufiyadan ayaa booqasho ku tagtay Dalka Sudan Iyo Ogadeeniya, Safarkeeda Ogadeeniya ayay sheegtay inay la kulantay Gabadh Ciidamada Itoobiya Kufsadeen, Gabadhaas si Dhuumasho ah ay ku timid Magaalada JigJiga.

 

 

Gabadha qortay Buugan oo loogu Magacaabo Shashtin Lindin ayaa sheegtay in Shirkada Lundin ee Laga Leeyahay Dalka Swedem uu qayb wayn ka yahay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Sweden, Halkaas oo Shirkada Lundin ay tahay Shirkad ka Ganacsata Dhiiga Dadka ku Nool Ogadeeniya iyo Sudan.

 

Buugan ayaa Qoraalkiisa waxaa ku qoran Xasuuqa Shacabka Soomalida Ogadeeniya loo gaystay, Qoraaga Buugan ayaa sheegay in si loo fuliyo Arrimaha Shidaalka Ogadeeniya, ay Ciidamada Itoobiya Iyo Sirdoonkoodu ay ku Talaabsadeen in ay Gubaan Tuulooyinka, Falal iskugu Jira Kufsi, Dil, Barakicin Iyo Boob.

 

Buugan ayaa Saxaafada Dalka Sweden si wayn u soo jiitay Waxaana Dhamaan Laga hadal hayaa Xafiisyada Dalka Sweden, Goobaha Dad waynaha Iyo Jaamacadaha Dalka ee wax Laga barto.

 

Qoraaga Buugan oo ah Khabiir arrimaha Saxaafada Mudo badan ku soo jiray Saxaafada Dalka Sweden ka soo Shaqeeyay inta badan wax ka qora Arrimaha Warshadaha ayaa sheegtay in Xuquuqda Aadamaha ay meel kaga dhacday Shirkada Lundin.

 

Waxaa Islama Markaba Dhawaaqay Madaxda Shirkada Lundin oo Sheegay in si Toos ah iyo Si Dadban ba ay oola Dariri eedaymahan Xuquuqda Aadamaha aysan Waxba u dhimin, Gabadha u hadashay Shirkada Lundin ayaa Walaac xoogan ka muujisay Qoraalka Buugan oo ku saabsan Ogadeeniya, Gaar ahaan Cutubka Afaraad ee Buugaan.

 

Isku soo duu duubo Dowlada Sweden ayaa Xisbiga uu ka Tirsan yahay Wasiirka Arrimaha Dibada loo haysta howla ka dhan ah Xuquuqda aadamaha Isagoo Buugan uu ku faafay Dhamaan Noocyada Kala Duwan ee Bulshada Sweden, suuq xoogan uu ku leeyahay Iyagoo Dadku aad u xiisaynayaan, Isla Markaana Qoraaga ayaa Bulshada Sweden oogu baaqay in ka qayb qaataan sidii loo joojin lahaa xasuuqa lagu hayo Ogadeeniya ee Shirkada Lundin ay gacan ku leedahay.

 

Jabhada ONLF ayaa in badan sheegtay oogana digtay shirkadaha shidaalka in ay joojiyaan howlaha xasuuqa iyo boobka ah ee ay ka wadaan Ogadeeniya, Jabhada ONLF ayaa sannadkii 2007 weerar ku qaaday xarun shidaal halkaas oo kadib shirkada China ay diiday go,aamadii iyo baaqii ay soo saartay Jabhadu.

 

Idaacada Afsoomaaliga ku hadasha ee Dalka Sweden ayaa Waraysiyo Balaaran la Yeelatay Qoraaga Buugan Isla Markaasna warsaytay , Xubno ka socda Shirkada Lundin Iyo Maxamed Khadar oo ururka Dhalinyrada Ogadeeniya ee Sweden u hadlayay..

 

Sawirka Qoraaga Buuga Weeyaan.

 

Diyaariyay Tafatiraha ******today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this