Sign in to follow this  
Hunguri

Dawlada oo sheegtay in wakhtigii joogitaanka Ciidamada Ethiopia Gabo gabo yahay

Recommended Posts

Hunguri   

Dawladda KMG ah oo sheegtay in ciidamada Itoobiya waqtigii ay joogi lahaayeen Soomaaliya uu dhammaaday

Jibriil Nuur Cadde

wardheernews

Muqdisho

03/12/2007

_______________________________________________________________________________

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee dawladda kmg ee Soomaaliya Max'ed Max'ud Guuleed "Gacma Dheere" ayaa sheegay in waqtigii ciidamada Itoobiya ay joogayeen Soomaaliya uu dhamaaday. Sdaa daraadeed waxa wasiirku sheegay in ay bilaabi doonaan in ay dalka ka baxaan.

 

Gacma Dheere waxaa uu intaas ku daray in howsha ciidamadaasi ay ku ekeyd oo kaliya in dawladda kmg ay ka hor qaadaan waxa uu ku sheegay khatartii ay ku hayeen Maxaakimtii Islaamka. Maxaakiimta oo uu sheegay in liddi ay ku ahaayeen jiritaanka dawlada kmg.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in howshii ciidamada Itoobiya ay u yimaadeen Soomaaliya ay guulo ka soo hooyeen, iyaga oo u suura galiyay dawladda kmg in ay soo degto caasimadda Soomaaliya.

 

Wasiirku isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri ''Saaxibadeen howshoodii waa guteen. Wax ay usii joogaan Soomaaliyana ma jiraan. Sidaa daraadeed waxa ay baxayaan dhawaan''.

 

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada Itoobiya ay gebi ahaanba ka soo baxeen gobollada Jubooyinka. Maalintii shalayna waxa ku wareejiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda.

 

Dawladda Itoobiya ayaa iyana dhinaceeda hore u shaacisay in marka ciidamada ka socda Midowga Afrika ay soo gaaran Soomaaliya ay kala bixi doonto ciidamadeeda Soomaaliya. Waxa hadda magaalada Muqdisho ku sugan ciidamada dalka Uganda oo hordhac u ah kuwa laga filayo in Midowga Afrika uu u soo diro dalka.

 

WardheerNews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this