Sign in to follow this  
Gar-haye

Ethiopia arrests over 300 police for rebel links:

Recommended Posts

Gar-haye   

Ethiopia arrests over 300 police for rebel links: report

16 hours ago

 

ADDIS ABABA, Feb 18, 2008 (AFP) — Over 300 police officers suspected of links with separatists rebels have been arrested in Ethiopia's restive ****** region as part of a government crackdown, state-media reported on Monday.

 

Regional police commissioner Yussuf Mohammed was quoted as saying: "309 police officers suspected of having links with the anti-peace elements of the ****** National Liberation Front (ONLF) have been apprehended."

 

Yussuf did not give a time span but said "rebel hideouts" and communication avenues had been "wiped out" by government forces.

 

"We are in a position to completely destroy the ONLF in a very short period of time," he said.

 

The Ethiopian army launched a crackdown in the region after ONLF rebels launched an attack on a Chinese oil venture in April last year, leaving 77 people dead, including nine Chinese.

 

The barren ****** region has long been extremely poor, but the discovery of gas and oil brought new hopes and fueled conflict.

 

Formed in 1984, the ONLF is fighting for independence for ethnic Somalis in the ******, whom they say have been marginalised by the government in Addis Ababa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

other news on the regions from radio freedom

 

Dagaallo ciidamada cadowga itoobiya lagu waxyeelleeyay.

 

Wariyaha RX uga soo warrama dalka ********ya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

 

13/02/08 weerar mir ah ayaa lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Cawl ku-dhal, waxaana loo gaystay khasaare aan fahfaahintiisa la haynin.

 

Isla 13/02/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo halwgal u tegay Jeerinka, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

 

Sidoo kale 13/02/08 dagaal ka dhacay Tukaale, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

12/02/08 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Dhiya, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 2 askari.

 

Sidoo kale 12/02/08 dagaal ka dhacay Wabi-yar, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

11/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar la beegsaday kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumaysigu wateen, kuwaasoo marayay Karinka Solle, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaana inta la ogyahay ciidammada gumaysiga weerarkaas lagaga dilay 8 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Sidoo kale 11/02/08 dagaal isaguna ka dhacay Jarcanyo, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

10/02/08 dagaal ka dhacay Sanka Haadaanta, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Isla 10/02/08 weerar lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Cawl ku-dhal, waxaa lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Sidoo kale 10/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan Bashuuro, oo Fiiq ka tirsan, waxayna ka dileen inta la ogyahay 4 askari, 5 kalana way ka dhaawaceen.

 

09/02/08 Bubi, oo Qabridaharre ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Isla 09/02/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

 

Sidoo kale 09/02/08 waxaa mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Gudhis, waxaana laga dilay inta la ogyahay 5 askari, 7 kalana waa laga dhaawacay.

 

07/02/08 ciidammo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan CWXO ayaa weerar si fiican loo qorsheeyay oo mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Galaalshe, waxayna ka dileen inta la ogyahay 15 askari, 12 kalana way ka dhaawaceen. Ciidammada gumaysiga ee khasaarahan la gaadhsiiyay ayaa daawanayay cajalad muuqaal ah xilliga weerarkan lala beegsaday.

 

Waxyeellooyin kala duwan oo gumaysigu dadka u gaystay

 

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee ********ya. Waxyeellooyinkan, oo meelo kala duwan ka dhacay, waxay u dheceen sidata;

 

02/02/08 Jeexdin waxay ciidammada gumaysigu ku dileen laba nin oo rayad ah oo kala ah;

1- Axmed Aaden Libaax iyo

2- Nin kale oo magaciisa aanaan haynin.

 

30/01/08 waxay ciidammada gumaysigu Jiir-gaal, oo degmada Qallaafe ka tirsan, ku dileen Haajir Cabdi Faarax.

 

12/02/08 Dhiya, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil iyo dhac isugu dareen dadka kala ah;

1- Ruqiya C/llaahi Dhakaar oo ay 4000 oo Bir ka dhaceen iyo

2- Saafi C/llaahi Dhakaar oo iyadana 3000 oo Bir ka dhaceen.

 

10/02/08 Bashuuro waxay ciidammada gumaysigu ku dhaceen 3 Qori, waxaana kala lahaa;

1- Faarax Khaliif Dacay

2- Cali Aaqil iyo

3- Cismaan Sh Yuusuf

 

09/02/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu jidhdil u gaysteen oo meelo badan ka jajabiyeen nin ka tirsan malleeshiyada Dabaqoodhiga oo lagu magacaabo Deeq Cumar Cali.

 

07/02/08 Mulo, oo Qabribayax ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqabteen dadka kala ah;

1- Cabdi Axmed Siciid

2- Asad Muxumed Nuur iyo

3- Aaden oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin. Dadkan waxaa lagu xidhxidhay magaalada Qabribayax.

 

Isla 07/02/08 Gole-dheere, oo ka tirsan degmada Dalaad, waxay ciidammada gumaysigu dhaawac ku gaadhsiiyay haweenay rayad ah iyo wiil yaroo ay dhashay. Haweenayda waxaa lagu magacaabaa Qawad C/qaadir. Wiilkeedana waxaa la yidhaahdaa Xuseen Mursal Yuusuf.

 

Sidoo kale 07/02/08 Balli-xoodh, oo Iimey ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqabteen oo Iimey ku xidhxidheen dadka kala ah;

1- Maxamed Garaad Aaden

2- Nuur Mawsar Aaden iyo

3- Colaad oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

 

05/02/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1- Raxmo Cabdi Gaas

2- Faarax Cabdi Cumar

3- Daahiro Sh Muxumed iyo

4- Xafsa Dhabbeeye

 

Isla 05/02/08 Jaaq-dhawr, oo Shilaabo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu hanti aad u badan ka dhaceen dad safarro ah. Ciidammada gumaysigu waxay safarradan ka dhaceen 60 Awr iyo rarkii saarnaa. Waxay sidoo kale xidhxidheen dadkii hantidaas lahaa oo kala ah;

1- Faysal Cabdi Gurey

2- Dhuux Maxamed Aw Cali

3- Maxamed Cabdi Gaanni

4- C/nuur Cabdi Haybe

5- Khadar Caydiid Cumar

6- Jaamac Nuur Xuseen

7- Xasan Xuseen Cali

8- Sahra C/llaahiCabdi

9- Samiira Maxamed Xuseen

10- Sahra Cabdi Xasan

11- Faadumo Shafeec Maxamed

12- Ina Budul Cumar Gurey oo magaceeda hore aanaan haynin

13- Ina Maxamed Aw Faarax oo iyadana magaceeda hore aanaan haynin

14- Maxamed Jeerre iyo

15- Ina Aaden Maxamed oo iyadana magaceeda hore aanaan haynin

 

31/01/08 Qallaafe waxay ciidammada gumaysigu ku xidhexidheen dadka kala ah;

1- Gaandho Muxumed iyo

2- Axmed Muxumed

 

Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 03/02/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Higloley, oo ka tirsan degmada Haar-cad, ku qasheen 58 Neef oo dadwaynuhu lahaa. Waxay sidoo kale maalin ka hor 32 Neef ku qasheen tuulada Ceel-********.

 

Wargayska Allafrica oo mushkilada geeska afrika furaheeda ku tilmaamay xallinta qadiyadda ******ya.

 

Wargayska caanka ah ee la yidhaahdo Allafrica ayaa todobaadkan soo daabacay maqaal dheer oo kaga hadlayo dhibaatooyinka iyo mushkiladaha geeska iyo bariga afrika,maqaalkaas ayuu wargaysku daah fur uga dhigay xallinta qadiyada ******ya inay fure u tahay soo afjarida iyo nabad kusoo dabaalida geeska iyo bariga Africa.

 

Wargayska oo hadalkiisi sii wata ayaa cadeeyey in ganacsadayaal badan oo iskaga kala goosha bariga iyo geeska Africa ay dareen walaac ka muujiyeen hardanka u dhaxeeya dowlada gumaysiga itoobiya iyo Jabhadda Wadaniga Xoraynta ******ya,iyagoo ku tilmaamay inuu hardankaas iyo dagaaladaas u dhaxeeya itoobiya iyo ONLF ay saamayn wey ku yeelatay baayacmushtarkooda iyo nolol maalmeedkoobada,waxayna ganacsadayaashaasi caalamka ugu baaqeen inay xalliyaan qadiyada ******ya haday nabad ka doonayaan bariga iyo geeska afrika.

 

Iska indha tirka caalamku iska indha tirayo qadiyada ******ya iyo xalinteeda ayay ku tilmaameen mid aan xal ukeenaynin mushkilaada geeska iyo bariga Africa.

 

 

16 February 2008

 

Axmed Gaal-Eri

 

 

 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ, iyo internetka
iyo
Maalinta Talaadada ah 7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this