Sign in to follow this  
General Duke

Yemen: Courts dont want peace talks...

Recommended Posts

Yemen : Maxaakiimta Muqdisho oo ku gacan sayray wada-hadaladii Nabada ee Yemen

Posted to the Web Dec 15, 23:32

 

 

Kismaayo: (pp) - Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa ku guuldaraystay heshiis uu doonayey inuu u kala dab-qaado Madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Maxaakiimta magaalada Muqdisho. Heshiiskaan oo uu ku doonayey madaxweyne Saalax inuu ku dhex-dhexaadiyo dowlada iyo maxaakiimta ayaa soo af-jarmay kaddib markii Maxaakiimta Muqdisho ay ka biyo diideen arrimo dhowra oo uu soo jeediyey Madaxweyne Cali Cabddala Saalax , qodobadaas oo ay ka mid ahaayeen in Maxaakiimtu ay heshiis shuruud la'aan ah ay lagalaan dowlada caaalamka laga aqoon-yahay.

 

Wafdigii Maxaakiimta uga qayb-galay kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Saalax ayaa waxaa hogaaminayey Sheekh Shariif Sheikh Axmed , waxaana ay maxaakiimta ay aad uga war wareegeen inay qaataan go'aanka ay ku taageerayaan go'aanada heshiiska ee uu soo bandhigay Madaxweyne Cali Cabddala Saalax.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in Maxaakiimta ay qaateen go'aanka Madaxweyne Cali Cabddalla Saalax markii hore , waxayna shuruud uga dhigeen go'aanada inay la tashi kala sameeyaan Guddoomiyaha Shuurdada Maxaakiimta Muqdisho, Sheekh Xassan Daahir Aweys, arrintaas oo uu ka ogolaaday Cali Cabddala Saalax xubnaha maxaakiimta ee kaga sugan dalka Yemen.

 

Saacado badan oo maqnaansho ah, kaddib oo ay la soo tashadeen wafdiga maxaakiimtu Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ay kula soo xiriireen khadka taleefanka , ayey kama danbaystii u soo bandhigeen Maxaakiimtu , Madaxweyne Saalax inaysan la hadli doonin dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Si kastaba , Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Waraysi uu siiyey Wakaalada Afka dheer ee AP ayaa xaqiijiyey inay soo af-jarantay wax-walba oo nabad lagu raadinayey, wuxuuna C/laahi Yuusuf uu rajo xumo ka muujiyey dhanka Maxaakiimta Muqdisho oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan la doonayn dalka Soomaaliya inay nabadi ka dhacdo. Hadalkan ka soo yeeray C/laahi Yuusuf ayaa la sheegayaan inuu yiri Waqti uu khadka taleefanka uu kula soo hadlay dhigiisa Cali Cabddala Saalax uuna kuwargeliyey Madaxweynaha Soomaaliya inay maxaakiimta ay diideen go'aanadii nabadaynta ayna dowladiisu u diyaar-garowdo weji kale oo ka soo horjeeda dhanka nabada.

 

Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabddala Saalax ayaa isagu had iyo jeer isku howla inuu heshiis ka islaaxiyo Asxaabta isku haya siyaasada Soomaaliya , in kastoo uu hada ku guul-daraystay inuu wax nabada ka islaaxiyo Dowlada iyo Maxaakiimta.

 

Maxamed Jaamac

Puntlandpost, Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanca: Maxkamadaha oo ku gacansayray dadaal lagu doonayay in lagu wada hadal siiyo iyaga iyo dawladda.

 

Jimce, December 15, 2006

 

Sanca (AllPuntland)- Madaxwaynaha wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa waxa uu shegay in uu ku guul daraystay dadaal uu ku doonayay in uu ku dhex dhexaadiyo dawladda Soomaaliya iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Madaxwaynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa waxa uu sheegay in maxkamadaha magaalada Muqdisho ay ku gacansayren dadaal ay xukuumadda Yemen ugu jirtay in ay isugu keento xukuumadda iyo maxkamadaha.

 

Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in aysan miiska wada hadalka la fariisan doonin xukuumadda Soomaaliya.

 

Madaxwaynaha wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa waxa uu sheegay in maxkamaduhu ay yihiin dad diyaar u ah in ay dagaalamaan oo aan doonayn wax wada hadal ah.

 

Arrintani ayaa waxa ay keentay in ay baaqasho ku timaado safar la filayay in madaxwaynaha wadanka Soomaaliya uu ku tago wadanka Yemen.

 

Madaxwaynaha wadanka Yemen ayaa waxa uu khadka teleefonka kula soo xiriiray madxawaynaha Soomaaliya oo uu kala hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay haatan u muuqdaan in ay diyaar u yihiin in ay dagaal ka ridaan dalka Soomaaliya.

 

Mahad Jama Korono

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yemen now has spoken. Yemen stated that Ethiopia has every right to defend itself from ICU Jihad declaration. Yemen now has met every political institution and groups from Somalia. Enough information to make up ones mind.

___________________________________________

Yemen's Ambassador Gazem A.K Alaghbari: Ethiopia has the right to defend if attacked (Dec. 14, 2006)

http://www.waltainfo.com/AudioVideo/Dec/interviewAmb.asx

 

Declaring Jihad on Ethiopia was and still is religiosly, morally and politically wrong and Yemen condemns it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this