Sign in to follow this  
Juje

Waxaan rabo sheeg haddii kale Riddo ayaa tahay waana lagu dilayaa ayaa meesha taalla

Recommended Posts

Juje   

Kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya & dhibaatada warbaahinta xorta ah: Weriye Boodhari: "Waxaan rabo sheeg haddii kale Riddo ayaa tahay waana lagu dilayaa ayaa meesha taalla"

 

Mogadishu Wednesday 10 June 2009 SMC

Iyadoo maalintii shalay weriyayaal ku dhow labaatameeyo ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen howlahoodii warbaahineed sababo la xiriira ammaankooda oo halis la geliyay iyo hanjabaado taleefanka loogu soo gudbiyay.

 

Weriyayaal fara badan ayaa Warbaahinta ka sheegay sababaha ay uga tegayaan shaqadooda, iyagoona caddeeyay waxyaabaha ku kalifaya arrintaasi, waxaana weriyayaashaas ka mid ah Cilmi Cusmaan Faarax Boodhari oo isagu ka tirsan weriyayaasha Telefishanka Universal ee magaalada Muqdisho.

 

"Waxaan rabo sheeg haddii kale riddo ayaa tahay waana lagu dilayaa ayaa meesha taalla" ayuu yiri Weriye Cilmi Cusmaan Faarax (Boodhari) oo sheegay in Soomaaliya ay isu bedeshay Jamhuuriyaddii cabsida.

 

Isagoo ka hadlayay xilliga ay howlahooda dib ugu soo laabanayaan ayuu sheegay Cilmi Boodhari inaysan wax howl ah oo warbaahineed xilligan aanay ka qabaneynin magaalada Muqdisho, isagoona tilmaamay in xaaladda warbaahinta Soomaaliya ay xilligan la soo gudboonaatay marxaladii ugu adkeyd.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Wariyeyaashii Muqdisho ee shalay is casilay oo lacago ambabax ka helay Madaxweynaha, kadib markii ay maanta la kulmeen

 

Wariyeyaasha%20cabsaday.jpg

 

Qaar ka mid ah Wariyeyaashii ugu caansanaa Magaalada Muqdisho ee shalay ku dhawaaqay inay shaqadooda isaga tageen, kadib markii ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka isugu jira tacadiga, afduubka iyo dilalka lagu haayo Wariyeyaasha, waxaana maanta ay Wariyeyaashan kulan xasaasi ah la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxaa uu ahaa mid Madaxweynaha uu dalbaday inuu la kulmo, kadib markii uu ka war helay inay shaqadooda isaga tageen sababo xagga ammaanka.

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka qeyb galay Kulanka Madaxweynaha ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uga tacsiyadeeyay dilalka iyo dhibaatooyinka lagu haayo, waxaana uga mahad celiyay waxqabadkoodii taariikhiga ahaa iyo u dhabar adeegii shacabka xilligii uu dalka ku jiray halganka dib u xoreynta.

Qaar ka mid ah Wariyayaasha ayaa Madaxweynaha u gudbiyay dhibaatada heysata, waxaana ay u sheegeen in xilligan ay ku dhiiran karin safar dhulka ah oo ay dalka uga baxaan, maadaama inta badan Gobolada dalka ay ku sugan yihiin Xoogaga Mucaaradka, ayna ka cabsi qabaan in la beegsado.

 

Wariyeyaasha qaarkood ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in laga saacido safar diyaaradeed si ay dalal ka tirsan Bariga Afrika u tagaan, oo ay naftooda ku bad badsadaan, isla markaana laga taakuuleyo wixii tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin inta ay ku sugan yihiin Muqdisho, waxaana ay tilmaameen in Hotelo ay isku uruuriyeen.

 

Mid ka mid ah Wariyeyaashii ka qeyb galay Kulankaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka heleen balanqaad lacageed oo aan cadadkeeda la sheegin, waxaana Sidoo kale Madaxweynaha u amray in Hotelada iska degenaadaan.

 

Wariyeyaashan oo ah kuwo boorsooyinkooda u xir xiran ayaa ah kuwo hami ugu jira inay tagaan dalalka Jabuuti iyo Nairobi, halkaasoo ay sheegeen inay tahay meesha kaliya ee ay uga baxsan karaan xaaladaha cakiran ee dalka.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

And the fact that they went to President Sharif to express their grievances and seek financial aid clearly shows who they are running away from.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this