Sign in to follow this  
booxaroampdildishi region

DAGAALKA KA DHACAY DEGMADA GALGALA YAA MASUUL KA AH OO MUSTQABALKA DHOW LAGALA XISAAB

Recommended Posts

DAGAALKA KA DHACAY DEGMADA GALGALA YAA MASUUL KA AH OO MUSTQABALKA DHOW LAGALA XISAABTAMI DOONAA (HOOS KA EEG LIISKA SHAKHSIYAADKA MASUULKA KA AH )

 

Waxaa Dhawaan Dagaal ka dhacay Buuraleyda Degmada Galgala ee Gobolka Bari Waxaana Markale laga rajo qabaa in uu ka dhaco Dagaalo kuwii hore ka xoog badan hadaba waxaan qorrmadan ku eegi doonaa cida masuul ka noqonaysa ee Mustaqbalka dhow dadka reer Maakhir kala xisaabtami doonaan gumaadka iyo xasuuqa waxaana kusoo bandhigi doonaa qormadan shakhsiyaadka fududeeyay in dagaal lagu qaado Degmada Galgala.

 

Bishii July26 ayay ahady Markii Maamulka Faroole dagaal qaawan ku qaaday Buuraleyda Galgala oo katiran Gobolka Bari islamarkaana Madaxweyne Faroolaha Puntland ku eedeyay in ay halkaas ku sugan yihiin dad kasoo hor jeeda nabada Puntland wuxuuna go'aansaday in uu dagaal ku qaado oo uu baal maro nabadoonada iyo waxgaradka deegaanka.

 

tanyo wixii markaas ka dambeeyay ee ay Puntland u tafaxaydatay in ay gumaado islamarkaana bara kiciso kumanaanka qof ee Shacabka Reer Galgala ee aan waxba galabsan ayaa waxa marba marka kasii dambeysa soo badanayay aragtida ay ka qabaan dadka reer maakhir dagaalka uu Faroole ku qaaday Degmada Galgala.

 

Maah Maah baa waxay tiri Cadaaba Waxaa ii kaday Geeri Mid kale ayaa kadaba tiri Gudin yahay ima goyseen hadaan badhkey kugu jirin waxaan uga socdaa dagaalka Faroole Galgala ku qaaday ma suuroobeyn mana uusan dhaceen haduusan badhkeen ku jirin oo aysan horboodeyn.

 

Ujeedada dhabta ah ee uu ka lahaa Dagaalka Galgala maxay ahayd Faroole muxuuse isku haleynayay ka hor inta aynaan u galin qodobkaas waxaan rabaa inaan waxyar ka taabto Shakhsiyadisa, Faroole Wuxuu ku Magaacaban yahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland wuxuuna kasoo jeeda Beesha ********** Shakhsi ahaan waa nin Faan badan intaas waxaa u dheer dhaqan xumo afxumo waxaa ku weyn qabiilka gaar beeshiisa Ciise Maxamuud wakhtiga ayaa iska saaciday ma ahayn shakhsi i qalma Madaxweyne.

 

Waxaan in yar dib ugu noqoynaa markuu uu qoxoontiga ku ahaa Faroole Dalka Austrelia, marka uu shaqada ka yimaado wuxuu fadhiisan jiray goobaha fadhi kudirirka wuxuuna ku faanay jiray beeshiisa Ciise Maxamuud Wuxuu Necbaa oo Maqaaxiyaha ka caayi jiri Beelaha Warsangali iyo *********** sida aanu warka ku helayno ma uusan tagi jirin goobaha ay dadkaasi joogaan neceyb dartiis marka Beelaha aan kor kusoo sheegay la soo hadal qaado wuxuu odhan jiray maxay yihiin dadkaasi Puntland dheeraad bay ku yihiin, hadii aan Mustaqbalka wax ka noqdo Puntland waa loo yaaba waxaan ku dhigo

 

Hadaba aan idin soo gudbiyo Ujeedada uu ka lahaa Faroole Dagaalka Galgala iyo cida uu isku haleynayay, Faroole wuxuu rabay in uu gumeeyo Beesha Warsangali isaga oo adeegsanaya Magaca Argagixiso oo waayadan dambe noqday Magaca lagu qudhaabto wuxuuna dhamaan beesha ku shaambadeeyay Argagixiso yadoo uu hadalkiisi u dambeeyay ee bbc-da ku sheegay macaal kuwa Somaliland jooga in ay yihiin Argagixiso, wuxuu isku haleynayay Dhowr Nin oo Xogheyn u ah balse Wasiiro ku Magacaban oo Garoowe ku qayila oo aan aduunba waxba kala socon oo qaarkood dhaqan xumo mareykan looga soo dhaqan celiyay.

 

Dagaalka Galgala Lagu Qaaday Waxa Masuul ka ah Raggan Hoos ku Qoran oo Mustaqbalka Dhow Lagaga Xisaabtami doonaa.

 

Nabadoon Xuseen Gurxan oo ay isaga si gaara isu hayaan Sheekh Maxamed Siciid Attam Waxayna kasoo wada jeedaan beesha Xuseen Idarays wuxuuna rali ka yahay in la xasuuqo Shacabka Galgala yadoo uu goob joog ka ahaa Wiilashii Lagu toogtay Duleedka Magaaladda Boosaaso mid ka mida wuxuu u yahay adeer dhow wuxuuna sheegta in uu yahay Nabadoonka Degmada Galgala, sida aan ognahayna waa ninka faafiyay in ay Argagixiso joogto Buuraha Galgala wuxuuna haatan u durbaan tumaa Faroole habeena Wuxuu Seexda Xero Ciidan oo ku taala Degamada Galgala Habeena Xaruunta Madaxtooyada ee Garoowe.

 

Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo isagu Afkiisa ku difaacay in ay xaq tahay in la weeraro Galgala islamarkaana wuxuu raali ka yahay Xasuuqa iyo Gumaadka Galgala ka dhacay Wuxuuna intaas oo dhan u yeelaya Afhayeenimada Ismida Puntland oo uu ku qanacsan yahay, intaas waxaa u dheer in uu neceb yahay Isimada Kale ee Reer Maakhir, Ma seexdo haduusan maalintii laba jeer Faroole arag wuxuuna ugu sheekeye in Isimada Reer Maakhir ay yihiin isaga iyo Suldaan Siciid oo aysan jirin Isimo kala oo uu ka tashado xaalad Galgala

 

Wasiirka Arimaha Gudaha Ilkajiir Isagu wuxuu u gashaday Tuute Xasuuqa iyo barakicinta Shacabka Reer Galgala isagoo ku badashay dano yar oo gaara si uu uga helo sharaf iyo Mudnaan Faroole iyo Beesha **********, Ilkajiir Hadh Cad buu Weerar ku qaaday Deegaankiisi kama uusan fakarin cidhib dambeedka ay ku yeelan karto deegaanka arintaasi mustaqbalka dhow.

 

Wasiir kuxigeenka Amniga Cabdi Jamaal Osman Maxamed Samatar oo ah ninka ugu fir fircoon dagaalka ka socda Deegaanka Galgala kuna yeeshay Magac uusan hore u lahayn islamarkaana maamulka Faroole si weyn ugu soo dhaweysay dagaalka uu ku qaaday Galgala waxayna u sameysay balan qaadyo uu ku faraxsan yahay oo ah in wasiir buuxa laga dhigi doono taasina waxay sababtay in uu daacad u noqdo Faroole oo uu kala garan waayo Faroole iyo Aabihii Osman Samatar

 

Siciid Xassan Shire Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Somaliya islamarkana Wasiir ka soo noqday KMG wuxuu raali ka noqday dagaalka qaawan ee Maamulka Faroole ku qaaday Deegaanka Galgala marna kama uusa hadlin dagaalkaas sida uu u arko basle taasi waxay cadeynaysaa in uu la dhacsan yahay Dagaalka Galgala, Shakhsi ahaan Waa nin iska Miskiina oo jecel in la dhaho wasiir iyo xildhibaan, waana ninka inaadeerkiis booskiisa kusoo weeraray isagoo Xildhibaana.

 

Col Cabdilaahi Cumar Cashuur wuxuu ku Magacaaban yahay Taliyaha Gobolka Sanaag ee Maamulka Faroole Isagu Raggaasba wuu ka daran yahay Wuxuu Markii hore ka dhaga adeygay Dagaalka Galgala oo uu Faroole dhowr jeer u gacan haadiyay balse markii dambe Faroole wuxuu u balan qaaday lacag bada badan wuxuuna dagaalka galay isagoon miyir qabin.

 

Waxaa jira Ragga kale oo si dadban uga qeyb qaatay dagaalka Galgala yaga dhawaan baan idiin soo gudbin doonaan Magacyadooda iyo Suuradooda.

 

Fadlan Wixii Wara nagala soo xidhiidh halkan hoose

 

Laasqoray.Net

Laasqoray.Net@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this