Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The New Admin Takes Over Sool Region

Recommended Posts

Laascaanood:Maamulkii Cusbaa ee Gobolka Sool iyo Maamulkii Hore ee Gobolka oo xilkii la kala wareegay iyo jawigii madasha xil wareejinta

 

Laascaanood (HWN) Xaflad xil wareejin ah oo ay xilka kula kala wareegayaan Gudoomiyaha Cusub ee gobolka sool Cabdilaahi jaamac diiriye C/laahi (islagad) iyo ku xigeenkiisa iyo badhasaab xigeenka gobolka sool ahna ku simaha badhasaabka maxamed cabdi dhinbil Daad,ayaa maanta ka dhacday xarunta maamulka gobolka sool.

 

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen qabaha kala duwan ee bulshada Cuqaal waxgarad aqoonyahan haween dhalinyaro iyo saraakiisha ciidamada qaranka Somaliland.

 

Munaasibadii xil wareejinta oo ay ka hadleen dhamaan cuqaasha waxgaraka haweenka

 

iyo dhalinyada ka soo qayb gashay ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay mayarka degmada Laascaanood Axmed Aw daahir xassan isagoo ku soo dhaweeyay maamulka cusub ee xilka la wareegay ina u taalo hawl aad u culus loona baahanyahay inay yeeshaan dul qaadkeed.

 

Sidoo kalena waxaa halkaasi ka hadlay hogaanka ciidanka booliska gobolka sool iyo saraar maxamed xuseen Xiirane oo ku dheeraaday in laga wada shaqeeyo nabadgelyada wuxuuna u hambalyeey madaxdii hore xilka wareejinaysa isaga oo soo dhaweeyay madaxda cusub.

 

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay dhamaan cuqaasha waxgaradka haweenka dhalinyarada iyo marti sharaftii ka soo qayb gashayba.

 

Gabagabadii waxaa ka hadlay badhasaab xigeenka gobolka sool ahna wakiilka Gudoomiyahii hore Ee gobolka sool Faarax Askar xuseen wuxuuna halkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo meelo badan taabanaysa isagoo u rajeeyay Gudoomiyaha cusub in ilaahay xilka uu qaaday u fududeeyo

 

Waxaa isna dhankiisa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha cusub oo sheegay hadii aan la garab istaagin oo xilka loo igmaday lala qaban inaan waxba la soo kordhin Karin balse uu ka rajaynayo shacabka gobolku inay la shaqeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this