Sign in to follow this  
Liqaye

Gabay: Minister by Adan Carab Ahmed

Recommended Posts

Liqaye   

Illahay naxariistii jano ha siiyee Aadan Carab waxaa ka mid ragga ugu horeeya dhinaca gabayada , dabayaaqadii qanigii 19-aad, waxaadna moodaa in inuu Adan Carab hu hiranayo, raggii jamaamiirta murtida soomalida u ahaa sida. Cali dhuux, Ismail Mire, Qamaan Bulxan, Sayid M C Xasan, kuwaas ay qaar nolol isku soo gaaraneen qaaran, gabayana is weydaarsadeen. Gabaygan waa sadaal waxana uu Adan Carab tiriyey mar haatan laga joogo wakhti dheer, waxaana kaga hadlayey ama uu hal qabsanayey xukuumadii foosha xumayd ee Ingriiska, lakiin Adan meel kale ayuu u socday isagoo gabaygiisa ku bilaabayana,Wuxuu yidhi:-

 

 

Ingiriis dalkiisii murxay oo cunay magoolkiisa

Isagoo masaafira haddaan subax ka miidaanshey

Oo lagu mintiday waw dhamayn minawarkaan fuullay.

 

Maskab kama dhaxline wiilal baa helay macaankiiye

Kun nin baa martabadii u haray ama muluugtiiye

Inta kale mus ood laga rogtay meerayaan dibade .

 

Sidii baan marqaafa u sitaa ama mareykaane

Sidii baan mankaar lagu gubtay iyo milic u joogaaye

Sidii baan maqaar ugu gam’aa meel la ii dhigaye

 

Sidii baan madaal dheri karshiyo rodol u miistaaye

Sidii baan macaash ugu gataa harag miciinkiise.

Sidii baan miraa ugu gurtaa madaxa toomoode

 

Sidii baan u macaluushanahay oo mud dhuubanahay

Sidii baan manjaa ugu socdaa moodhar liidiiye .

Sidii baan mawaashiga hayaan ugu maqiiqaaye

 

Sidii baan martida caana qura ugu macsuumaaye

Sidii baan taclliin uga madhnahay machadkii diimeede .

Sidii baan macruufka u sugaa macallinkiisiiye

 

Sidii baan madow ugu jiraa maato iyo ruuxe

Sidii baan xafiis meel fog ii jira ugu muctaadaaye.

Haddii laba nin oo wada muslima madaxda loo geeyo

 

Sidii baa guddiga loo maraa wax u masaynayne

Sidii baa miskiin tulu leh looga marayaaye .

Kuwo midabka soomaali uun lagu malaynaayo

 

Sidii buu kiniin uga mutaa maralka jiifaaye

Sidii buu rumaan ugu murxaa kii maxbuus ahiye

Sidii buu dalkii naga maqnaa muran u joogaaye.

 

Marsadii jabuutaanba meli soo mihiib kicine

Sidii baa sharcigu mayd uu yahay marwa lahayne

Haddii dumar maxaajabad ahaa milicsi loo diido .

 

Iminkey dharkoodoo mil mila suuqa marayaane

Miidaanka noogama baqaan mana mastuurtaane

Muqdishaba horteed waa dhaqneyn marag Illaahaaye.

 

Isagaa maqsuuda ee wax kale looma maamuline.

Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay

Af uun malaba shicibkii haddii lagu mashaysiiyey

 

Oo aan muraadba u qumayn mooye say noqone

Waa nala madaarshaynayaa tan iyo maantiiye

Mahdigii naloo sheegay iyo malihi beenowye.

 

Manqaa lagu sabaa had iyo jeer muugga dhalanteede

Hadba waxaan maqallaa boqol malyuun waa macaawina’e

Maalkii arladaa loo qabtiyo meeye lacagtii!!!!!!.

 

Mooskada ragga u duulayaa maylka tirinaaya

Goormay waxay muujiyeen lagu manaafiici?

Ma mardaadi baa socodka aan miiqna loo qabaneyn.

 

Sow riigna noogama mudaan madasha Buuhoodle!!!!

Bal intee muddaa oo sugnaa maaxda imanaysa

Bal maxaase hay muuqatee marada loo qaatey.

 

Mukhlis iyo haddaan lagu shaqeyn orod maleegnaana

Ma xiniin yahay moodayaan muunad nala saaray

Ma naftiina maara u qabtaa nimanka loo miiray .

 

Maasha iyo haddii aan miilka saro malow miyey fuuli

Ma mucaarid baan ahay hadaan xaqa ka maansooday

Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this